Alle fotos er modelfotos.
|
|
|
- Helle Mathiasen
- 9 år siden
- Visninger:
Transkript
1 KANSARKA SANBABADA
2 Kolofon Lungekræft Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S cancer.dk og sst.dk Antropolog, mag.art. Ann-Britt Kvernrød, overlæge, dr.med. Iben Holten og overlæge, ph.d. Peter Meidahl Petersen (Kræftens Bekæmpelse) i samarbejde med akademisk medarbejder Niels Sandø og akademisk medarbejder Anne Rygaard Bennedsen (Sundhedsstyrelsen). cancer, patienter, behandling, rådgivning rådgivning somalisk Emneord: Kategori: Sprog: Version: 1.0, januar 2009 Layout og tryk: Trekroner Grafisk A/S Illustrationer: Henning Dalhoff Fotos: Mikael Rieck ISBN: ISBN: ISBN elektronisk version: Publikationen kan frit refereres med tydelig kildeangivelse. Alle fotos er modelfotos. Stor tak til lærere og elever på Høje Tåstrup Sprogcenter, sundhedsformidlere Meliha Saglanmak og Karim Aziz Hassan, samt læge Jon Trærup Andersen for at stille op til fotografering. 2
3 Buuggan yar waxaa loogu talagalay adiga, haddii aad tahay qofka qaba kansarka sanbabada iyo qoyskaaga. Buuggan yari waxa uu ka hadlayaa cudurka iyo sida loo daweeyo. Waxaad ka heli kartaa warar aad la isticmaali karto, kuwa ay kuu sheegayaan dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku. Denmark waxa uu kansarka sanbabadu sannad walba ku dhacaa ilaa oo qof. Cudurku waxa uu ka mid yahay kuwa ugu badan cudurrada kansarka ee caadiga ah. Badi dadku way argagaxaan, marka ay ogaadaan, inuu hayo kansarka sanbabadu. Kansarka sanbabadu waa cudur halis ah, hase yeeshee markasta dawayntiisu way soo roonaataa. Marba marka ka horraysa ee la ogaado kansarka sanbabada, ayey fursadda lagaga bogsadaana ka badan tahay. Waxa jira laba nooc oo kansarka sanbabada ah. Mid waxaa la yidhaahdaa kansarka sanbabada ee unugyo aan yarayn saameeya (ikke-småcellet lungekræft), ka kalena kansarka sanbabada ee unugyo yar saameeya (småcellet lungekræft). Labada nooc ee kansarka sanbabadu siyaabo kala duwan ayey u koraan, siyaabo kala duwanna waa loo daweeyaa. Sidaas awgeed dawaynta labada nooc ee kansarka sanbabada mid walba gaarkiisa ayuu uga hadlayaa buuggan yari. Nofambar 2008 Iben Holten Dhakhtar sare, dr. med La dagaallanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) Else Smith Dhakhtar sare, gudd. ka hortegista cudurrada Sundhedsstyrelsen (agaasinka caafimaadka) 3
4 4
5 Tusmo Siday u shaqeeyaan sanbabadu? 7 Maxaa keena kansarka sanbabada? 7 Waa maxay astaamaha kansarka sanbabadu? 7 Sidee loo daweeyaa? 8 Sidee loo daweeyaa kansarka sanbabada ee unugyada badan? 8 Sidee loo daweeyaa kansarka sanbabada ee unugyada yar? 11 Maxaa la sameeyaa, marka dawayntu kuu dhammaato? 15 Warar muhiim ah 18 Cusbataalka 18 Halkee ayaan ka heli karaa taageero iyo talabixin? 19 Ma u baahan tahay in guriga lagugu caawiyo? 22 Caymiska 22 Haddii aad debed u dhoofayso 23 5
6 Dhuunta hawada Hawamareen Sanbab Xididada difaaca jidhka Qanjidhka difaaca jidhka Sanbabadu waxay leeyihiin hawomareen iyo laamo ka sii farcama sidii geed oo hawomareenno yaryar ah. Sanbabada waxaa ku xeeran xididada dareeraha difaaca jidhka iyo qanjidhada difaaca jidhka. 6
7 SIDAY U SHAQEEYAAN SANBABADU? Dadku waxay leeyihiin laba sanbab. Sanbabadu waxay suurta geliyaan, in jidhku hawo helo. Markaynnu hawada qaadanno, waxay tagtaa sanbabada, iyadoo raacaysa dhuunta hawada. Dhuunta hawada waxa ka sii farcama laamo yaryar oo badan (bronkier). Waxayna ku soo afgo aan ibo aad u naqan (luftblærer). Halkaas ayey hawadu dhiigga ka raacdaa, oo jidhka ku wada wareegtaa. MAXAA KEENA KANSARKA SANBABADA? Cabidda tubaakada (sigaarka) ayaa caadi ahaanah sababta ugu badan ee keenta kansarka hunguriga. In ka badan boqolkiiba 90 dadka cudurka qaba waxa ay ka qaadeen sigaar cabista. Markasta oo qofku uu sii badsado cabidda sigaarka, waxaa sii korodha halista uu ugu jiro in uu qaado kansarka sanbabada. Sababo kale oo aan ahayn sigaar cabidda ayaad ku qaadi kartaa kansarka sanbabada. Qofka aan sigaarka cabin ee la nool qof sigaarka cabba ayaa halis wayn ugu jira inuu qaado kansarka sanbabada. Biirawga hawada ayaa qudheedu sabab u noqon karta kansarka sanbabada. WAA MAXAY ASTAAMAHA KANSARKA SANBABADU? Sida caadiga ah astaanta ugu badan ee lagu garto kansarka sanbabadu waa qufac bixi waaya, ama ka sii dara. Inaad dhiig qufacdo ama dhawr jeer oo sambabada caabuq kaaga dhaco ayaa sidoo kale astaan u noqon karta kansarka sanbabada. Astaamihiisa kale waxay noqon karaan xiiqitaan, xabeeb ama naasaha oo ku damqada. 7
8 SIDEE LOO DAWEEYAA? Ujeeddada dawaynta kansarku waa in xididada loo bixiyo cudurka. Waxaa jira saddex nooc oo loo daweeyo kansarka sanbabada, waana: Qalitaan, kimikal (kemoterapi) iyo ilays. Dawayntu waxay ku xidhan tahay waxyaabo ay ka mid yihiin, in cudurku fiday, iyo siday sanbabadu u shaqaynayaan. Siyaabo kala duwan ayaa loo daweeyaa kansarka sanbabada ee unugyada badan (ikke-småcellet lungekræft) iyo ka unugyada yar (småcellet lungekræft). Sidaas awgeed dawaynta labadaas nooc ee kansarka sanbabada mid walba gaar ayaa loo sharxayaa. SIDEE LOO DAWEEYAA KANSARKA SANBABADA EE UNUGYADA BADAN? Badi dadka qaba kansarka sanbabada ee unugyada badan, kansarku waxa uu ugu fidaa si aad u dhakhso badan, oo burada aan la jari karin. Haddii aan lagu qalin waxaa lagugu daweeyaa kimikal iyo/ama ilays. Qalitaanka kansarka sanbabada ee unugyada badan Qalitaanka waxay dhakhtarradu jaraan qayb sanbabka ka mid ah ama gebigiiba. Taasi waxay ku xidhan tahay, inta ay le eg tahay burada kansarku, iyo meesha ay sanbabka ka fadhido. Qalitaanka waa lagu wada suuxinayaa. Waxaad dhakhtarka ku jiraysaa ilaa 1 wiig. Dadka qaarkood ayaa qalitaanka dabadii lagu sii daweeyaa kimikal, si hoos loogu rido halista uu cudurku dib ugu soo laaban karo. Qalitaanka dabadii Badi bukaanka la qalaa si fiican ayey hawada u qaataan qalitaanka dabadii. Hase yeeshee waxaad heli kartaa fisyotarabot kuu taba- 8
9 9
10 bara sidaad hawada u qaadanayso iyo sidaad u qufacayso. Badi bukaanka la qalaa xoog ayey u xanuunsadaan oo waxaa la siiyaa dawooyin xanuunka jebiya. Qalitaanka dabadii dad badan ayaa u baahda 1 2 bilood oo nasasho ah. Qalitaanka dabadii bilo badan ayey qaadan kartaa in caadi lagu soo noqdo. Haddaad sigaar cabto, waxay dhakhtarradu kugu la talinayaan inaad markiiba joojiso. Dawaynta kimikalka iyo ilayska Haddii aan lagu qalin, oo cudurku sanbabka uun fadhiyo, waxaa lagugu dawaynayaa kimikal iyo ilays. Haddii uu cudurku xoog ugu fiday sanbabada, ama xubno kale saameeyey, waxaa lagugu dawaynayaa kimikalka oo keli ah. Dawaynta kimikalka ee kansarka sanbabada ee unugyada badan Dawaynta kimikalka waa dawo disha unugyada kansarka, waxaana loo qaataa dareere ahaan. Waxay ka dhigan tahay, in dawada jidhka loo soo mariyo xididada dhiigga. Bukaanka qaarkood ayaa qaata dawada oo kiniin ah. Dawaynta kimikalka waxaad qaadanaysaa dhawr wiig oo kala googo an muddo lix bilood ah. Dhibaatooyinka ay keento dawaynta kimikalku Dawaynta kimikalku waxay saamaysaa unugyada kansarka iyo qaar kale oo ah unugyada jidhka ee caadiga ah. Waxaa ugu badan ee caadi ahaan ay keentaa waa daal,amateed la aan, labalabo, faraha iyo cagaha oo laga jidhidhicoodo iyo timaha oo muldha. Dadka qaarkood ayaa xoog u argagaxa marka ay timuhu ka go aan, hase yeeshee timuhu dib ayey u soo baxaan, marka dawayntu kuu dhammaato. Waxa aad xaq u leedahay inaad buruko (paryk) bilaash ah hesho. Muddada dawaynta kimikalku kuu socoto, waxaad halis u tahay in meelo ku caabuqaan. 10
11 Dawaynta ilayska ee kansarka sanbabada ee unugyada badan Ilaysku waxa uu dilaa unugyada kansarka. Muddo u dhaxaysa dhawr dharaarood ilaa 5-6 wiig, ayaa maalin kasta ilayska lagugu daweeyaa. Markasta waxay qaadanaysaa dhawr miridh, damqashana ma leh. Ilayska waxaa kaloo loo adeegsadaa si hoos loogu dhigo astaamaha cudurka. SIDEE LOO DAWEEYAA KANSARKA SANBABADA EE UNUGYADA YAR? Bukaanka qaba kansarka sanbabada ee unugyada yar, waxaa lagu daweeyaa kaliya kimikal iyo ilays. Bukaanka cudurkoodu xoog u fiday waxaa lagu daweeyaa keliya kimikal. Tiro yar oo ah bukaanka qaba kansarka sanbabada ee unugyada yar ayaa laga yaabaa in la qalo. Dhibaatooyinka ay keento dawaynta ilaysku Dawaynta ilayska ee kansarka sanbabadu waxay keeni kartaa liqitaanka oo adkaada, xiiqitaan yar iyo qufac. Dhibaatada liqitaanku way tagtaa dhawr wiig dabadood. Meelaha ilaysku gaadhay ee maqaarka ayaa noqon kara casaan oo damqada. Xiiqitaanka, xummadda iyo qufacu way sii jiri karaan muddo 1-3 bilood ah, dawayn ayaana ay u baahan yihiin. Dawaynta kimikalka ee kansarka sanbabada ee unugyada yar Dawaynta kimikalku waa dawo disha unugyada kansarka, waxaana loo qaataa dareere ahaan. Waxay ka dhigan tahay, in dawada jidhka loo soo mariyo xididada dhiigga. Dawaynta kimikalka waxaad qaadanaysaa saddexdii wiigba mar, muddo lix bilood ah. In cusbataalka lagu dhigana u ma baahnid. 11
12 Dhibaatooyinka ay keento dawaynta kimikalka ee kansarka sanbabada ee unugyada yar Waxaa ugu badan caadi ahaan inuu keeno daal, amateed la aan xagga cuntada ah, labalabo iyo jidhidhico laga dareemo faraha iyo cagaha. Dad badan ayey timuhu ka muldhaan. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho buruko bilaash ah, timuhuna dib ayey u soo baxayaan, marka dawayntu kuu dhammaato. Dawaynta kimikalku waxay saamaysaa awoodda difaaca jidhka. Sidaas awgeed waxaa korodha halista aad ku qaaddo cudurro kale, inta dawayntu socoto. Dawaynta ilayska ee kansarka sanbabada ee unugyada yar Waxaa lagugu dawayn karaa ilays barbar socda dawaynta kimikalka. Muddo ku siman dhawr wiig oo ilaa 4-5 wiig ah, ayaa maalin kasta ilayska lagugu dawaynayaa. Markasta waxay qaadanaysaa dhawr miridh, damqashana ma leh. Cudurka kansarka, xataa haddii dawayntu si fiican u shaqayso, waxaa jirta halisah in cudurku u fido xagga maskaxda. Sidaas awgeed waxaa maskaxda lagu daweeyaa ilays 10 jeer, muddo 2 wiig ah si looga hortago in cudurku weeraro maskaxda. Dhibaatootinka ay keento dawaynta ilaysku Dawaynta ilayska ee kansarka sanbabadu waxay keeni kartaa liqitaanka oo adkaada, xiiqitaan yar iyo qufac. Dhibaatada liqitaanku way tagtaa dhawr wiig dabadood. Meelaha ilaysku gaadhay ee maqaarka ayaa noqon kara casaan oo damqada. Xiiqitaanka, xummadda iyo qufacu way sii jiri karaan muddo 1-3 bilood ah, dawayn ayaana ay u baahan yihinn. 12
13 13
14 Dhibaatooyin kala duwan ayey keentaa oo qofba si ayey u saamaysaa. Isku dhib kuma wada keento dadka. Dhibaatooyinkeeda qaarkoodna waxaa dejin kara dawo la qaato. Dejinta kaarka iyo astaamaha Haddii uu cudurku fido, oo aan lagaa bogsiin karin, waxaa laga yaabaa inay dhakhtarradu astaamaha cudurka iyo kaarka kaa jebiyaan. Bukaan badan ayaa yeesha xiiqitaan. Waxaa astaamaha cudurka iyo kaarka lagu jebiyaa, waxyaabo ay ka mid yihiin dawo ama oksojiin aad ka nuugto mishiinka oksojiinta. Astaamaha qaarkood waxaa lagu dejin karaa ilays. Haddii buradu awdo marinka hawada, waxaa laga yaabaa in dhakhtarku dhuun geliyo marinnada hawada, dabadeed aad hawada qaadan karto. Bukaanka qaarkood ayaa lagu daweeyaa kimikal iyo ilays, oo sidaas muddo ku sii noolaan kara. Dawayn ka baxsan cusbataalka Dad badan oo qaba cudurka kansarka ayaa qaata dawayn ka baxsan, ta cusbataalka uga socota,tusaale ahaan sida fiitamiinno. Dawaynaha qaarkood ayaa carqaladeeya ta Cusbataalka. Sidaas awgeed waa inaad dhakhtarkaaga kala hadasho, inaad qaadato dawayn kale oo barbar socota ama ka baxsan, ta dhakhtarradu ku siiyaan, ama haddii aad ku tashato inaad dalka debeddiisa isku soo dawayso. 14
15 MAXAA LA SAMEEYAA, MARKA DAWAYNTU KUU DHAMMAATO? Haddii aad qalitaanka dabadii dareento tamar la aan iyo daal, waa wax iska caadi ah. Dadka xanuunsanaya qaarkood ayuu jimicsigu ka bi iyaa daalka, kana kaxeeyaa ka fikirka cudurka. Waa muhiim inaad dhaqdhaqaaqdo oo xubnaha firfircooni geliso sida inaad dhawr jeer tamashle u baxdo. Waxaa kaloo muhiim ah inaad cunto fayow quudato. Kala hadal dhakhtarkaaga cuntada kuu fiican inaad qaadato. Dadka xanuunsanaya qaarkood ayey wax wayn u tartaa, inay la sheekaystaan dad kale oo qaba kansarka sambabada, waayo cudurka ayaa soo taabtay jidhkooda. Cabidda sigaarka Haddii aad sigaar cabto, waxaa fiican inaad joojiso. Cabitaanka sigaarku waxa uu u daran yahay, bogsashada nabarrada qalitaanka dabadii. Dawaynta ilaysku xoog u ma shaqayso, haddii aad sigaar cabto. Waxba tari mayso, inaad dhinto tubaakada aad qaadato. Waxaa wanaagsan, inaad gebi ahaan joojiso cabitaanka sigaarka. 15
16 16
17 Kantaroolka Dawaynta dabadeed, waa in xaaladdaada cusbataalka lagu kantaroolo sannado badan. Waxaad dhakhtarka kala hadli kartaa astaamaha aad isku aragto sida, qufac, xiiqitaan, kaar, liqitaanka oo kugu adkaada iyo miisaanka oo xoog kaaga dhaca. Sida badan waxaa laga yaabaa, inuu ku siiyo dawo kaa kaxaysa dhibaatada. Haddii aad u baahato talo la xidhiidha cuntada aad qaadanayso, qaabka aad u noolaanayso iyo qalabka aad adeegsanayso ee sida mishiinka oksojiinta, dhakhtarka ayaa kuu sheegi kara halkaad ka heli karto. 17
18 WARAR MUHIIM AH CUSBATAALKA Waajibka xilqarinta Shaqaalaha cusbataalka oo dhan waxaa ku waajib ah xilqarin. Looma oggola inay cid kale uga warramaan naftaada iyo cudurkaaga xataa hadday yihiin lamaanahaaga, ubadkaaga iyo xubnaha kale ee qoyskaaga. Adiga ayaa go aankeeda leh cidda wax ka ogaanaysa cudurkaaga. Sidaas awgeed waa inaad oggolaansho bixiso, intaan war ku khuseeya cid loo gudbin. Waajibka xilqarintu wuxuu ka dhigan yahay, inaad wararka naftaada iyo cudurkaaga khuseeya si kalsooni leh ugu sheegto dhakhtarkaaga iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka. Turjubaanka Dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku waa inay hubiyaan, inay ku fahmeen, adiguna aad fahantay. Haddii aanad ku hadlin ama fahmin af dheenishka, shaqaalaha ayaa kuugu yeedhaya turjubaan. Turjubaanku waa inuu noqdo dhexdhexaad, waxaana ku waajib ah xilqarin. Ma habboona in xubnaha qoyska loo adeegsado turjubaan. Tarjubaanada khibradda lihi waxay garanayaan eraybixinta caafimaadka, oo waxa dhakhtarku ku yidhaa si fiican ayey u turjumaan. Sidaas awgeed waxa habboon in turjubaan laguugu yeedho, xataa haddaad si fiican isugu debberto af dheenishka caadiga ah. 18
19 Lataliyaha bukaanka Badi cusbataallada waawayn waxaa jooga lataliye bukaan (patientvejleder). Lataliyaha bukaanku wuxuu kuu sheegi karaa tusaale ahaan, fursadda lagugu dawayn karo cusbataal kale. Hadday jiraan wax aanad fahmin ama wax aad ka cabanaysaana, wuu kaa caawiyaa. Waxaana ku waajib ah xilqarin. Lataliyaha bukaanku wuxuu kugu la hadlayaa keliya af dheenish. Tarjubaan kuma lihid, inkastoo cusbataallada qaarkood kuu keenayaan. Joornaalka cusbataalka Cusbataalka gudihiisa, waxay dhakhtarradu qoraan joornaal ku saabsan cudurkaaga, natiijooyinka baadhitaannada iyo dawaynta. Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato, waxa ku qoran joornaalka. Had iyo goor waad dalban kartaa nuskhad joornaalkaaga ah iyo dhakhtar kuu sheega waxa ku qoran. HALKEE AYAAN KA HELI KARAA TAAGEERO IYO TALABIXIN? Waxaa fiican inaad qoyskaaga kala hadasho fikradaha iyo dareennadaada la xidhiidha cudurka iyo dawaynta. Haseyeeshee way adkaan kartaa. Dadka xanuunsanaya qaarkood ayaa doorbida inay arrimahaas kala hadlaan cid qoyskooda ka baxsan. Waxay tusaale ahaan noqon karaan ururka dadka qaba cudurkan ee patientforeningen lungekraeft.dk. Waxaad sidoo kale caawimo ka heli kartaa hayadda la dagaalanka kansarka ama lataliye bulsheed oo kommuunahaaga ah. Ururka dadka buka ee lungekraeft.dk Ururka dadka buka ee lungekraeft.dk waa urur loogu talagalay dadka qaba kansarka sanbabada iyo eheladooda. Ururku waxa uu 19
20 gacan qabtaa oo la taliyaa bukaanka qaba kansarka sanbabada. Faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha ururka, waxaad ka helaysaa bogga internetka ee hayadda la dagaalanka kan sarka, Hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) Hayadda la dagaalanka kansarku waxay xafiisyo ku leedahay dalkoo dhan. Waxaa loo yaqaan lataliyayaasha kansarka. Waxaad ka heli kartaa talabixin shakhsi ah haddii aad soo wacdo ama aad u la kulanto fool ka fool. Sida ugu fudud ee aad latalinta kansarka u heli kartaa, waa inaad soo wacdo tilifoonka hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) ama bogga internetka Talabixinta tilifoonka ee khadka kansarka Waxaad talabixin iyo tusaalayn ka heli kartaa tilifoonka khadka kansarka Waa talabixin tilifooneed oo hayadda la dagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) bilaash ku siiso dadka qaba kansarka iyo xigtadooda. Waxana ay ku hadlaan uun af dheenish. Waxaad maalmaha shaqada soo wici kartaa 9:00 21:00 saac, sabtida iyo axaddana 12:00 17:00 saac. Maalmaha fasaxa ah (helligdage) wuu xidhan yahay. 20 Afka iyo turjumidda Ma jiraan turjubaanno u shaqeeya hayadda la dagaalanka kansarka. Haddii aad la hadalkooda ugu baahan tahay turjubaan, la xidhiidh kommuunahaaga. Haddii aad rabto, in lagaa caawiyo sidaad kommuunaha uga codsan lahayd turjubaan, hayadda la dagaalanka kansarka ayaa kaa caawin doonta.
21 21
22 Wararka internetka ee ku saabsan kansarka (internet) Hayadda la dagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) waxay bog af dheenish ku qoran ku leedahay internetka kaasoo la xidhiidha dawaynta cudurka kansarka, iyo caawimada iyo talabixnta aad heli karto. Waxaa kaloo jira bogag debedda laga leeyahay oo laga helo warar fiican oo khuseeya cudurka kansarka iyo dawayntiisa sida, iyo MA U BAAHAN TAHAY IN HAWLAHA GURIGA LAGUGU CAAWIYO? Qaar badan oo dadka qaba kansarka ah ayaa u baahan in laga caawiyo hawlaha guriga, sida nadaafadda. Kommuunaha ayaa go aamiya caawimada aad heli karto. Shaqaalaha Cusbataalka ayaa laga yaabaa, inay kaa caawiyaan sidaad kommuunaha uga codsan lahayn kaalmada aad u baahan tahay, sida dib u carbin (genoptræning). Hadday tahay inaad xanuunka dartii kaga maqnaato (sygemeldes) shaqadaada ama dhibaatooyin dhaqaale oo ku soo foodsaaraay, waa inaad la hadasho lataliyaasha bulsheed (socialrådgiver) ee kommuunahaaga midkood. Lataliyaha bulsheed wuxuu sidoo kale kaala talin karaa xaaladaha kale ee ijtimaaciga ah. CAYMISKA Kansarku waa cudur halis ah (kritisk sygdom). Dad badan ayaa ku jira caymis, saameeya cudurrada halista ah (kritisk sygdom) - oo shaqadooda ama urur xirfadeedkooda (fagforening) ka galay. Waxaa suuragal ah in caymisku ku siiyo deeq lacageed hal mar (engangsbeløb). Adiga ayey tahay inaad codsato lacagtaas. 22
23 HADDII AAD DEBED U DHOOFAYSO Hadday noqoto inaad dhoofto, waa inaad dhakhtarkaaga la hadashaa, ka hor inta aanad dhoofin. Teeda kale waa inaad hubiso, in caymiskaagu daboolayo, haddaad safarka dhexdiisa ku xanuunsatid. Had iyo jeer ma dhacdo inuu daboolo. Waxaa 1dii janaweri ee 2008 soo baxay xeerar cusub oo khuseeya caymiska safarka. Hadduu socdaalkaagu Yurub dhexdeeda yahay, caymiskaaga safarku markaas wuu shaqaynayaa. Haseyeeshee dabooli maayo qarashka dawaynta cudurrada koroonigga ah (kroniske sygdomme) ee sida kansarka. Xafiiska caymiska ee kommuunahaaga ayaad ka heli kartaa buug yar oo ka hadlaya xeerarka cusub. La xidhiidh tilifoonka xafiiska caymiska safarka ee yurub (Europæiske Rejseforsikring), , ama boggooda internetka inta aanad ambabixin, si aad uga bogato xeerarka cusub, iyo waxyaabaha ay daboolayaan. Haddii aad u safarto meel Yurub ka baxsan, adiga ayaa iska bixinaya dhakhtarka ku daweeya. La sii hadal shirkadda caymiskaaga, inta aanad dhoofin, si aad u hubiso, waxyaabuhu daboolayo caymiskaagu, haddaad xanuunsatid. 23
24 Pjecerne i serien er udgivet på følgende sprog: arabisk, dansk, engelsk, somalisk, tyrkisk, urdu. Somalisk Lungekræft
KANSARKA MINDHICIRKA MALAWADKA
KANSARKA MINDHICIRKA MALAWADKA Kolofon Kræft i tyk- og endetarmen Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København
KANSARKA QANJIDHKA KAADI MAREENKA RAGA
KANSARKA QANJIDHKA KAADI MAREENKA RAGA Kolofon Prostatakræft Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S
Alle fotos er modelfotos.
KANSARKA NAASAHA Kolofon Brystkræft Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S cancer.dk og sst.dk Antropolog,
Symptomer på kræft Kræftens Bekæmpelse. Astaamaha Kansarka. Somali
Symptomer på kræft Kræftens Bekæmpelse Astaamaha Kansarka Somali Waa muhiim in kansarka la ogaado goor hore. Marba marka ka horraysa ee la ogaado ayey ka badan tahay fursadda si fiican loogu dawayn karo
casharada lasoo siiyo
Sidaan oo kale ayaad cunugaaga uga kaalmayn kartaa casharada lasoo siiyo Talooyin fiican markii aad rabto, inaad cunugaaga ka kaalmayso casharada la soo siiyo»aniga xilka isaarani waa inaan cunuga siiyo
NIDAAMKA CAAFIMAADKA EE DHEENISHKA Det danske sundhedsvæsen
NIDAAMKA CAAFIMAADKA EE DHEENISHKA Det danske sundhedsvæsen Somali Det danske sundhedsvæsen Denne pjece fortæller kort om det danske sundhedsvæsen, og om de forskellige steder, man kan blive undersøgt
U Isticmaalka Dawada Sida Saxda AH. Nin dhallinyaro ah 02:33 Waxan u socdaa dhakhtarka si laygaga talaalo cudurka beerka.
MEDICIN MED FORNUFT Dialogliste - Somali Intro U Isticmaalka Dawada Sida Saxda AH Familie i skov Vox pop med personer foran Apotek Speak 02:17 Markii horeba ama ilaa wakhtigii horeba waxad ka bini aadam
Qoyska, jinsiga iyo xuquuqaha ka jira Denmark
Qoyska, jinsiga iyo xuquuqaha ka jira Denmark Hordhac Qoyska, jinsiga iyo xuquuqaha ka jira Denmark Waxaa soo saaray Ligestillingsafdelingen (Qaybta Isu-dhignaanta) Denmark dhexdeeda dumarka iyo raggu
Sundhed og Sygdom Dialogliste Somalisk
Sundhed og Sygdom Dialogliste Somalisk Hordhac Cinwaan:Caafimaad iyo Cudur (2.02) Eremitageløbet i Dyrehaven Liv omkring søerne Gadeliv Dhakhtarka Hadal (2.10) Maanta waxaan diiradda saarayaa caafimaadka.
UNDERSØGELSER AF DET UFØDTE BARN SOMALISK. Baadhitaanada cunugga aan dhalan
UNDERSØGELSER AF DET UFØDTE BARN SOMALISK Baadhitaanada cunugga aan dhalan Information Allerede nu kan du få information om undersøgelser af dit ufødte barn for visse medfødte sygdomme og handicap. Ja?
S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k K u n f o r K v i n d e r D i a l o g l i s t e
KUN FOR KVINDER OM FRUGTBARHED OG PRÆVENTION Dialogliste - Somali Introduktion og historisk rids 02:05 Kaliya loogu talo galay Dumarka 02:11 Kuna saabsan bacrimin iyo iska difaacid Speak 02:19 Laga soo
LUUQADDA IYO WAX -AQRINTA WAA MASUULIYAD NAGA WADA DHEXAYSA WARGELIN KU JEEDA WAALIDIINTA ISKOOL BILAABIDA
LUUQADDA IYO WAX -AQRINTA WAA MASUULIYAD NAGA WADA DHEXAYSA WARGELIN KU JEEDA WAALIDIINTA ISKOOL BILAABIDA LUUQADA IYO HORUMARKA WAX AQRINTU WAA WAX AAN KALA HARIN LUUQADDA IYO WAX -AQRINTA WAA MASUULIYAD
UBAD CAAFIMAAD QABA oo dal shisheeye deggen. Somalisk
UBAD CAAFIMAAD QABA oo dal shisheeye deggen Somalisk UBAD CAAFIMAAD QABA oo dal shisheeye deggen SUNDE BØRN i et nyt land 2. udgave, 1. oplag 2005 Sundhedsstyrelsen 2005 ISBN: 87-7676-020-0 Udgivet af
Warbixinta Bukaanka DAAWEYNTA KANSARKA. Patientinformation MEDICINSK KRÆFTBEHANDLING. Dansk/Somali
Warbixinta Bukaanka DAAWEYNTA KANSARKA Patientinformation MEDICINSK KRÆFTBEHANDLING Dansk/Somali Warbixinta Bukaanka DAAWEYNTA KANSARKA Patientinformation MEDICINSK KRÆFTBEHANDLING Dansk/Somali 3 MEDICINSK
AFKU WAA HADYAD CARBINTA AFKA EE GURIGA
AFKU WAA HADYAD CARBINTA AFKA EE GURIGA Waa kaataloog fikradeed iyo waxyaabo loogu talogalay waalidka dhalay carruur laba luqoodlayaal ah oo taga goobaha dharaartii CARBINTA AFKA EE GURIGA WAA KAATALOOG
Alle fotos er modelfotos.
LUNGEKRÆFT Kolofon Lungekræft Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S cancer.dk og sst.dk Antropolog,
Nidaamka daryeelka caafimaadka ee Deenishka. Det danske sundhedsvæsen
Nidaamka daryeelka caafimaadka ee Deenishka Det danske sundhedsvæsen 2016 Det danske sundhedsvæsen Denne pjece fortæller kort om det danske sundhedsvæsen, og om de forskellige steder, man kan blive undersøgt
KRÆFT I TYK- OG ENDETARMEN
KRÆFT I TYK- OG ENDETARMEN Kolofon Kræft i tyk- og endetarmen Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S
XAQIIQOOYIN IYO TALOOYIN KU SAABSAN. cabidda iyo joojinta sigaarka
S O A M A L I S O M A L I S K XAQIIQOOYIN IYO TALOOYIN KU SAABSAN cabidda iyo joojinta sigaarka Q I I Q K H ATA R A H Marka aad hal mar jiiddo sigaarkaaga ama beebkaaga, waxaad isla markaas qiiqa la nuugaysaa
KU CUSUB WADDANKA. Talooyin wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka dhalaanka
2015 Talooyin wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka dhalaanka Talooyin wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka dhalaanka Marka qofku uu ku cusub yahay waddan oo uu haysto ilmo yar yar, wuxuu la kulmayaa waxyaabo
Qofka adigoo kale ah oo denbi-fal loo geystay
Qofka adigoo kale ah oo denbi-fal loo geystay 1 QOFKA ADIGOO KALE AH OO DENBI-FAL LOO GEYSTAY Hey adda Ammuuraha Dhibbaneyaasha [Brottsoffermyndigheten], 2015 Masawir-gacmeed: Maria Wall Soo-saare: Plakat
S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k S u n d h e d og S y g d o m D i a l o g l i s t e
Liiska wadahadalka Caafimaad iyo Cudur Hordhac Cinwaan:Caafimaad iyo Cudur (2.02) Eremitageløbet i Dyrehaven Liv omkring søerne Gadeliv Dhakhtarka Hadal (2.10) Maanta waxaan diiradda saarayaa caafimaadka.
Alle fotos er modelfotos.
BRYSTKRÆFT Kolofon Brystkræft Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S cancer.dk og sst.dk Antropolog,
DUGSIGA JORDAL. Warbixin loogu talogalay waalidiinta
DUGSIGA JORDAL Warbixin loogu talogalay waalidiinta 1 Gundhigga waxbarashada ee dugsiga Waxa aan aaminsan nahay in ay Dadka oo dhami ay wax baran karaan, horumarna samayn karaan Waxa aanu abuuri khibrado
Prostatakræft. Kolofon
PROSTATAKRÆFT Kolofon Prostatakræft Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S cancer.dk og sst.dk Antropolog,
Horumarinta Luqadda - Waa masuuliyad la wadaago. Wargelin ku wajahan waaliddinta leh carruurta da doodu u dhaxaysa 0 iyo 3 sano
Horumarinta Luqadda - Waa masuuliyad la wadaago Wargelin ku wajahan waaliddinta leh carruurta da doodu u dhaxaysa 0 iyo 3 sano Luqadda ugu horaysa ee cunugga waxay ku horumaraysaa fool ka fool Horumarinta
buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da yarta aan la wehelin ee magangelyo doonka ah
jidkaaga [ magac:................................... ] buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da yarta aan la wehelin ee magangelyo doonka ah DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES
Aalborg Øst. Iskaashi iyo wadanoolaansho. Ann-Dorte Christensen Sune Qvotrup Jensen
Aalborg Øst Iskaashi iyo wadanoolaansho Ann-Dorte Christensen Sune Qvotrup Jensen Si kastaba ha ahaatee waxaa jira farqi u dhexeeya Aalborg Øst iyo Aalborg Øst ( ) Nabad gelyo aad u wanaagsan ayaa ka jirta
iyo I dhageyao Aniga!
0 5 Sanno Ila adal Aniga iyo I dhageyao Aniga! 12 Dhibcood ee Taageerida Carruurteena ee Waxbarashada Sida loo Hadlo Buug-yaraha Waaladiinta Somalische Ausgabe Calaameynta Milkiilaha, daabacaha iyo qeybiyaha:
Dhalinyarada soo socota. Warbixin ku saabsan waxbarashada oo loogu talagalay dhallinyarada iyo waalidkood
Dhalinyarada soo socota Warbixin ku saabsan waxbarashada oo loogu talagalay dhallinyarada iyo waalidkood Daabicista 5aad, cadadka 1aad, 2007 Xuquuqda buuggan waxaa iska leh: Wasaaradda waxbarashada, 2007
Diyaarinta cuntada qaadada ee ugu horaysa. Den første skemad. Somalisk. Kamuunka Egedal
Diyaarinta cuntada qaadada ee ugu horaysa Den første skemad Somalisk Kamuunka Egedal Diyaarinta cuntada qaadada ee ugu horaysa Marka loo diyaarinayo ilmaha midhaha iyo khudrada karsan waxaa haboon: In
Du kan få indflydelse på dit barns skole
Du kan få indflydelse på dit barns skole SKOLEBESTYRELSESVALG 2014 1 2 Indhold Dansk 4 Engelsk 7 Tyrkisk 11 Somali 15 Polsk 19 Arabisk 26 Urdu 28 3 Forældre gør en forskel Skolebestyrelserne i København
Waxbarasho -Mustaqbalka caruurtaada
Waxbarasho -Mustaqbalka caruurtaada Waxbarasho Mustaqbalka caruurtaada Copyright: Wasaarada Waxbarashada, 2014 Wadashaqaynta wasaarada shaqaalaha Qoraa: Schultz Design: Falk iyo musen Sawiro: Jakob Dall:
Aarhus-aftalen. Skolernes tillids- og arbejdsmiljørepræsentanter samt forældre og forvaltning tog hul på dialog
nr. 18 oktober 2013 BU nyt Skoleudveksling: Fremmede lærere i klassen Vidensbrønd: Giver læring og leg edoc på vej: Til skoler, dagtilbud og FU-området profilen: Der skal være både dynamit og dynamik side
Warbixin loogu talagalay waalidka
Warbixin loogu talagalay waalidka oo khusaysa waxbarashooyinka xirfadda Dhenmark mustaqbal wanaagsan Waxbarashada xirfaddu waa doorasho fiican Dhammaan waalidku waxay jacal yihiin, in ubadkoodu shaqo fiican
CAADAYSIYO CAAFIMAADQABA
Somali CAADAYSIYO CAAFIMAADQABA Uurka ka hor, xilliga uurka iyo uurka ka dib Diyaar ma u tahay uur caafimaadqaba? Dhe eraad ka akhri Š UURKA KA HOR Uur caafimad qaba waxad ku diyarin kartaa in aad cunto
H.C. ANDERSEN. Sheekaxariir 2005 SOMALI
H.C. ANDERSEN Sheekaxariir 2005 SOMALI H.C. ANDERSEN Sheekaxariir 2005 RUGKUTUBEEDKA BOQORTOOYADA Buugga Sheekaxariir ee H.C. Andersen oo loogu talagalay qoysaska soo doolay waxaa soo saaray Rugkutubeedka
DET ER DIT VALG. en guide til demokratisk deltagelse i Danmark RÅDET FOR ETNISKE MINORITETER
DET ER DIT VALG en guide til demokratisk deltagelse i Danmark RÅDET FOR ETNISKE MINORITETER 1 2 3 4 5 6 6 7 8 9 9 10 10 11 12 12 13 14-23 24 INDHOLD Det er dit valg Hvem kan stemme? Kommunal - og regionalvalg
Det danske sundhedsvæsen. Urdu
Det danske sundhedsvæsen Urdu 2 Det danske sundhedsvæsen Denne pjece fortæller kort om det danske sundhedsvæsen, og om de forskellige steder, man kan blive undersøgt og behandlet, hvis man bliver syg.
SPROG OG LÆSNING ET FÆLLES ANSVAR INFORMATION TIL FORÆLDRE - INDSKOLINGEN
SPROG OG LÆSNING ET FÆLLES ANSVAR INFORMATION TIL FORÆLDRE - INDSKOLINGEN SPROG- OG LÆSEUDVIKLING GÅR HÅND I HÅND SPROG OG LÆSNING - ET FÆLLES ANSVAR 3 Ved du, at et godt talesprog er fundamentet for,
Du kan få indflydelse på dit barns skole 1
Du kan få indflydelse på dit barns skole 1 INDHOLD Dansk side 3 Engelsk side 7 Tyrkisk side 11 Somali side 15 Urdu side 23 Arabisk side 27 3 FORÆLDRE GØR EN FORSKEL Skolebestyrelserne har stor indflydelse.
Invitation. Din mening er vigtig for os. Kære beboer i Gellerupparken og Toveshøj
Invitation Din mening er vigtig for os Kære beboer i Gellerupparken og Toveshøj Brabrand Boligforening laver mange sociale indsatser i Gellerup og Toveshøj. Du kender måske Foreningernes Hus, beboerbladet
Februar TEKST TIL BILLEDE
Beboerblad for Ellekonebakken, Guldstjernevej og Firkløvervej Februar 2015 TEKST TIL BILLEDE Morgensol over Ellekonebakken Side 2 HER PÅ BAKKEN februar 2015 Leder Så kom vi ind i 2015 og håber alle fik
SPROGLIG UDVIKLING - ET FÆLLES ANSVAR
SPROGLIG UDVIKLING - ET FÆLLES ANSVAR INFORMATION TIL FORÆLDRE MED BØRN MELLEM 0 OG 3 ÅR Århus Kommune Børn og Unge BARNETS TIDLIGE SPROG UDVIKLER SIG ANSIGT TIL ANSIGT SPROGLIG UDVIKLING - ET FÆLLES ANSVAR
Beboerblad for. Ellekonebakken, Guldstjernevej og Firkløvervej April FORÅRET ER PÅ VEJ
Beboerblad for Ellekonebakken, Guldstjernevej og Firkløvervej April 2015 FORÅRET ER PÅ VEJ Side 2 HER PÅ BAKKEN februar 2015 Vedrørende jobannoncer i bladet: Vi har modtaget indlæg til bladet om privat
MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK
MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK MATERIALER Det danske sundhedsvæsen Pjecen er udarbejdet på følgende sprog: bosnisk-kroatisk-serbisk/dansk somalisk/dansk tyrkisk/dansk urdu/dansk arabisk/dansk
Dimensioneringsplan 2013-2017. Introduktions- og Hoveduddannelsesforløb i Speciallægeuddannelsen
Dimensioneringsplan 2013-2017 Introduktions- og Hoveduddannelsesforløb i Speciallægeuddannelsen Titel Dimensioneringsplan 2013-2017, introduktions- og hoveduddannelsesforløb i speciallægeuddannelsen Sundhedsstyrelsen,
SPROGVURDERING OG SPROGSCREENING AF 3-ÅRIGE BØRN
SPROGVURDERING OG SPROGSCREENING AF 3-ÅRIGE BØRN Århus Kommune Børn og Unge LINKS Denne pjece er oversat til somali, arabisk, tyrkisk, vietnamesisk, kurdisk, dari og pashto. Oversættelserne findes på følgende
Fra boligområde til bydel
Fra boligområde til bydel Helhedsplan for Gellerupparken og Toveshøj Århus Kommune Brabrand Boligforening Fra boligområde til bydel Helhedsplan for Gellerupparken og Toveshøj Århus Kommune og Brabrand
Sundhedsøkonomisk analyse af diagnostiske Strategier ved symptomer på ende- og tyktarmskræft en medicinsk teknologivurdering Sammenfatning
Sundhedsøkonomisk analyse af diagnostiske Strategier ved symptomer på ende- og tyktarmskræft en medicinsk teknologivurdering Sammenfatning 2009 Medicinsk Teknologivurdering 2009; 11(1) Sundhedsøkonomisk
Husorden. Husorden for Mjølnerparken يجب غلق اكياس النفايات جيدا قبل رميها بالمكان المخصص لها عدم رمي بقايا الطعام من النوافذ النها تجذب الفئران.
Husorden Mjølnerparken, januar 2014 Husorden for Mjølnerparken SHARCIYADA GURYAHAY EE MJØLNERPARKEN قواعد و قوانين المنزل في ميولنباركن Denne husorden angiver retningslinjer for, hvordan vi som beboere
Postoperativ smertebehandling i hjemmet med en elastomerisk pumpe en medicinsk teknologivurdering Sammenfatning
Postoperativ smertebehandling i hjemmet med en elastomerisk pumpe en medicinsk teknologivurdering Sammenfatning 2008 Medicinsk Teknologivurdering puljeprojekter 2008; 8(2) Postoperativ smertebehandling
Monitorering af pakkeforløb for kræft 2.-4. kvartal 2008
Sundhedsudvalget 28-9 SUU alm. del Bilag 421 Offentligt Monitorering af pakkeforløb for kræft 2.-4. kvartal 28 Monitorering af pakkeforløb for kræft, 2.-4. kvartal 28 Uddrag og citater er kun tilladt med
SUNDE BØRN. Vejledning til forældre med børn i alderen 0-3 år
SUNDE BØRN Vejledning til forældre med børn i alderen 0-3 år 2 SUNDE BØRN Vejledning til forældre med børn i alderen 0-3 år. 6. udgave 2003. Redaktionen afsluttet den 5. februar 2003. Sundhedsstyrelsen
RÅDGIVNING VEDRØRENDE EKSPERIMENTEL BEHANDLING FOR MENNESKER MED LIVSTRUENDE SYGDOMME
FEBRUAR 2015 RÅDGIVNING VEDRØRENDE EKSPERIMENTEL BEHANDLING FOR MENNESKER MED LIVSTRUENDE SYGDOMME Årsrapport 2014 RÅDGIVNING VEDRØRENDE EKSPERIMENTEL BEHAND- LING FOR MENNESKER MED LIVSTRUENDE SYGDOMME
En guide til demokratisk deltagelse i Danmark!
"!!! R Å D E T F O R E T N I S K E M I N O R I T E T E R " DET ER ALLES VALG En guide til demokratisk deltagelse i Danmark!! The election is for everyone Waa doorashadii dadka oo idil Bu herkesin seçimidir
MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK
MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK MATERIALER Det danske sundhedsvæsen Pjecen er udarbejdet på følgende sprog: bosnisk-kroatisk-serbisk/dansk somalisk/dansk tyrkisk/dansk urdu/dansk arabisk/dansk
Udviklingen i forbruget af lægemidler mod depression og angst. Fra januar 2011 til december 2012. Notat
Udviklingen i forbruget af lægemidler mod depression og angst Fra januar 2011 til december 2012 Notat Udviklingen i forbruget af lægemidler mod depression og angst Fra januar 2011 til december 2012 Sundhedsstyrelsen,
MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK
MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK Læs mere på Sundhedsstyrelsens hjemmeside - sst.dk - under emnet: Social ulighed i sundhed. I Nyhedscentret kan du få nyheder om sundhed hos etniske minoriteter
Monitorering af forløbstider på kræftområdet
Monitorering af forløbstider på kræftområdet ÅRSOPGØRELSEN FOR 2015 2016 SIDE 1/36 Monitorering af forløbstider på kræftområdet Sundhedsstyrelsen, 2016. Publikationen kan frit refereres med tydelig kildeangivelse.
FOREBYGGENDE HELBREDSUNDERSØGELSER OG HELBREDSSAMTALER I ALMEN PRAKSIS - en analyse af patientperspektivet Sammenfatning
FOREBYGGENDE HELBREDSUNDERSØGELSER OG HELBREDSSAMTALER I ALMEN PRAKSIS - en analyse af patientperspektivet Sammenfatning 2006 Medicinsk Teknologivurdering - puljeprojekter 2006; 6 (7) Center for Evaluering
Undersøgelser og behandling ved begrundet mistanke om kræft i tyk- og endetarm
Undersøgelser og behandling ved begrundet mistanke om kræft i tyk- og endetarm PAKKEFORLØB Denne pjece indeholder en generel og kortfattet beskrivelse af, hvad et pakkeforløb for kræft er. Det er den sygehusafdeling,
Bamse Polle. i 1. klasse
Bamse Polle i 1. klasse Polle Noller Sigurd Søren Maren Snella Lise Hanne Projektet Bamse Polle bygger på læseplan for den kriminalpræventive undervisning for 0. - 3. klasse og blev støttet af Det kriminalpræventive
Celleforandringer i livmoderhalsen
Celleforandringer i livmoderhalsen Indhold 3 Indledning 4 Hvad er celleforandringer? 6 Hvad er årsagen til celleforandringer? 8 Hvordan undersøger man for celleforandringer? 11 Hvordan behandles celleforandringer?
Sundhedsstyrelsens arbejde med etniske minoriteters sundhed
Sundhedsstyrelsens arbejde med etniske minoriteters sundhed Akademisk medarbejder Anne Rygaard Bennedsen, Center for Forebyggelse, Sundhedsstyrelsen Odense 8. september 2009 Sundhedsstyrelsens vision for
NUKLEARMEDICINSKE OPGØRELSER brug af radioaktive lægemidler ved nuklearmedicinske undersøgelser og behandlinger i Danmark
NUKLEARMEDICINSKE OPGØRELSER 2010 brug af radioaktive lægemidler ved nuklearmedicinske undersøgelser og behandlinger i Danmark 2011 Nuklearmedicinske opgørelser, 2010 Sundhedsstyrelsen, 2011. Publikationen
Den socioøkonomiske reference. for resultaterne AF de nationale test. en vejledning til skoleledere og kommuner
Den socioøkonomiske reference for resultaterne AF de nationale test en vejledning til skoleledere og kommuner Den socioøkonomiske reference for resultaterne af de nationale test Alle elever i folkeskolen
Dimensioneringsplan INTRODUKTIONS- OG HOVEDUDDANNELSESFORLØB I SPECIALLÆGEUDDANNELSEN
Dimensioneringsplan 2018-2020 INTRODUKTIONS- OG HOVEDUDDANNELSESFORLØB I SPECIALLÆGEUDDANNELSEN 2017 Dimensioneringsplan 2018-2020, introduktions- og hoveduddannelsesforløb i speciallægeuddannelsen Sundhedsstyrelsen,
