Qoyska, jinsiga iyo xuquuqaha ka jira Denmark
Hordhac Qoyska, jinsiga iyo xuquuqaha ka jira Denmark Waxaa soo saaray Ligestillingsafdelingen (Qaybta Isu-dhignaanta) Denmark dhexdeeda dumarka iyo raggu waa isku qiime, oo waa sharci darro in labadan jinsi la kala duwo. Qoraalka: Suxufiyadda Birgitte Avnesø, Stickelbergs Bureau Turjumaadda: Flygtningehjælpens Tolkeservice Qaabaynta/Jaangoynta: Ida Magdalene, ol.ida@grafisk.dk Madbacadda: PrinfoKolding Nuqulka 1aad: 3500, janaayo 2006 ISBN: 87-91292-68-9 Buuggan yari waa bilaash oo waxaa laga dalban karaa: Ligestillingsafdelingen Holmens Kanal 22 1060 København K e-mail: lige@lige.dk Waxa xataa laga soo roggan karaa www.lige.dk Dhammaan waxaa la leeyahay waajibaadyo (xillal) iyo xuquuqo isku mid ah. Xaq weeye in qofku naftiisa, noloshiisa iyo jidhkiisaba u taliyo, lacagtiisa shaqaysto oo uu qoyskiisa (faamligiisa) masruufo, mas uuliyadda carruurta qaado, canshuurta bixiyo oo uu bulshada ka qayb qaato. Waxaynu xataa leenahay in jinsiyaduhu isu dhigmaan, oo tan macnaheedu waxaa weeye, in dhammaan, iyada oo aan loo fiirin asalkooda, caqiidadooda iyo midabkooda toona ay bulshada deenishka dhexdeeda isu dhigmaan. Buuggan yari wuxuu ku wajahan yahay adiga doonaya inaad waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan isu-dhignaanta (ligestilling) iyo xuquuqaha Denmark ka jira ogaato. Buuggan yar waxyaabaha aad ka akhrin karto waxaa ka mid ah waxyaabaha ku saabsan dhaqaalaha, guurka, xuquuqaha galmada, furriinka iyo mas uuliyad haysashada waalidnimo. 3
Dhaqaalahaaga Waxaad xaq u leedahay inaad haysato dhaqaalahaaga waxaa looga jeedaa lacagtaada iyo koonto bangi, taasoo aad keligaa isticmaali karto. Shaqo aad haysataa waxay fursad kuu siinaysaa, inaad adiga naftaada iyo qoyskaaga masruufto. Waa inaad laftaadu dedaal firfircoon samaysaa si aad shaqo u hesho. Waxaad tusaale ahaan codsan kartaa shaqooyinka aad ku aragto wargeysyada (joornaallada) ama waxaad caawimo ka heli kartaa si aad shaqooyin u codsato xafiiska shaqada (Arbejdsformidlingen (AF)). Waxaad AFka kuugu dhow ka heli kartaa boggan www.af.dk. Waxaad kale oo caawimo ka heli kartaa degmadaada (kamuunahaaga). Haddii aad shaqo hayso, wuxuu shaqo bixiyahaagu caadiyan mushaharkaaga ku soo shubayaa koontadaada. Shaqo bixiyahaagu waa inuu xataa ku dedaalaa inuu warqad mushahar ku siiyo. Markaad shaqayso waa inaad xataa canshuur bixiso. Sida caadiga ah canshuurta waxaa otumaatig looga jaraa mushaharkaaga, intaan mushaharka lagu siin. Haddii aad xaalad dhaqaalo xumo ah dhex gasho, sababta keentayna tahay furitaan, shaqadaadii oo aad lumisay iyo wixii u dhigma, waxaad caawimo ka heli kartaa kamuunahaaga. Nooca caawimo ee aad heli karto waxay ku xidhan tahay waxaa ka mid ah, inta aad Denmark deggenayd. Guurka Dumarka iyo ragga labaduba waxay xaq u leeyihiin inay iyagu doortaan qofka ay guursanayaan. Waa fal dembiyeed in cid guur lagu khasbaa. helo. Waxaad la xidhiidhi kartaa kamuunaha ama Ururka Dalka ee Xarumaha Dumarka Dhibban (Landsorganisationen af Kvindekrisecentre (LOKK)). LOKK waxay talo-bixin u hayaan dhallinyarada ka soo jeeda asal kale oo aan deenish ahayn. Waxaad waci kartaa telefoonka ah 70 27 03 06 ama waxaad geli kartaa boggan www.lokk.dk. Haddii dhibaato kedis ahi ku hesho oo aad caawimo markaasba ah u baahan tahay, waxaad waci kartaa Khadka Joogtada ah (Hotline) ee dumarka dhibaatadu ku habsatay telefoonka ah 70 20 30 82 oo maalin iyo habeenba ah. Talo-bixiyaha ajnebiga (Indvandrerådgivningen) ayaa tusaale ahaan ku deeqaya dhexdhexaadin kiisaska ku saabsan guurka khasabka ah. Waxaad waci kartaa telefoonka ah 86 13 27 63 ama 26 22 36 11 ama waxaad geli kartaa boggan www.indvandrerraadgivningen.dk. Waxaad kale oo kala xidhiidhi kartaa Talo-bixiyaha dumarka jinsiyadaha laga tirada badan yahay (Kvinderådgivningen for etniske minoriteter) telefoonka ah 70 20 49 09 ama waxaad geli kartaa boggan www.kvinderaadgivningen.dk. Ugu dambayntiina waxaad la xidhiidhi kartaa Xarunta Baxnaanada Dumarka jinsiyadaha kale ah ee Denmark (Rehabiliteringscenter for Etniske Kvinder i Danmark (R.E.D.)). Xaajoodka (hadalka) ku saabsan degitaanka meesha degaanka waxaa loo mari karaa telefoonka ah 43 77 10 70 ama e-mailka ah, red@kbhamt.dk. Haddii aad doonayso inaad meeshan degto, waxaad xataa kala hadli kartaa kamuunaha. R.E.D. waa deeq ku saabsan meel ay degaan dumarka dhallinyarada ah ee u dhexeeya 18 iyo 25 sano ee aan carruur (lahayn) wadan. Halkan waxaad ka heli kartaa meel aad illaa 2 sano degenaato, haddii aad ka soo baxsatay guur khasab ah. Degenaanshuhu waa bilaash. Haddana waa inaad laftaadu la bixi kartaa cuntada iyo cabitaanka, dhar dhaqa iyo baahiyaha kale ee shakhsi ahaaneed. Haddii guur lagugu khasbo, ama guur khasab ah laguu wado, waxaa jira dhawr meelood oo aad ka heli karto talo-bixin, taageero iyo caawimo ah in guri laguu Qoys isu keenitaanka Haddii aad guursatay ajnebi, kaasoo waddan debedda ah ku nool, wuxuu ama 4 5
waxay Denmark imaan karaa/kartaa, haddii shuruudo dhawr ahi buuxsamaan. Waxaa ka mid ah in guurkiinu xor yahay. In labadiinuba 24 sano ka weyn tihiin. Inaad guri idinku filan haysato. Iyo inaad shaqaysato lacag ku filan inaad ku masruufto xaaskaaga ajnebiga ah. Waxaad hay adda Hoggaanka-ajnebiga (Udlændingestyrelsen) ka waci kartaa telefoonka ah 35 36 66 00, haddii aad doonayso inaad waxyaabo dheraad ah oo ku saabsan qoys isu keenista ogaato. Waxaad kale oo geli kartaa bogga hay adda Hoggaanka-ajnebiga ee www.udlst.dk. Ka hortaga uur qaaddida iyo uurka Waxa weeye adiga keligaa, ka jidhkaaga u taliyaa. Xataa adiga weeye ka go aaminaya, inaad doonayso inaad uur qaado iyo in kale, inaad ilmaha doonayso iyo in kale, ama nooca ka hortagga uur qaadidda ee aad isticmaalayso si aad uga hortagto inaad uur qaaddo. Dhakhtarkaaga ayaa kaala talin kara doorashada waxyaabaha loo adeegsado ka hortagga uur qaadidda, haddii aad rabto. caawimo u baahan tahay, waxaad la xidhiidhi kartaa Hooyooyin caawiyaha (Mødrehjælpen). Waxa weeye urur, kaasoo la taliya oo caawiya qoysaska carruurta leh iyo dumarka uurka leh. Hooyooyin caawiyuhu wuxuu talobixin ka bixiyaa Kobenheegen, Århus iyo Odense iyo qayb xaafadeedyo ku yaal magaalooyin dhawr ah. Waxaad Hooyooyin caawiyaha Kobenheegen ka waci kartaa telefoonka ah 33 12 11 21 ama waxaad geli kartaa boggan www.mhj1983.dk. Guurka fara-saarka (xad-gudub) leh Fara-saarku waa fal dembiyeed, oo waa mabnuuc in xaaska ama carruurta la dilaa. Sidaa daraadeed waxaa jira caawimooyin la heli karo, haddii ninkaagu adiga ama carruurtaada fara-saaro. Haddii xad-gudub laguu geysto, waxaad mar walba la xidhiidhi kartaa bileyska. Waxaad kale oo waci kartaa Ururka Dalka ee Xarumaha Dumarka Dhibban (LOKK). Maalin iyo habeenba waxaad waci kartaa telefoonka ah 70 20 30 82 ama waxaad geli kartaa boggan www.lokk.dk. Waxaad kale oo waci kartaa telefoonka Xarumaha Dumarka Dhibban xog-hayntiisa ee ah 32 95 90 19. Haddii aad uur qaaddo oo aadan doonayn ilmaha, waxaad xaq u leedahay Waxaa Denmark ka jira dhawr xarun dhibbane, halkaasoo aad adiga iyo inaad iska soo riddo waxaa looga jeedaa inaad uur-jiifta soo tuuri karto carruurtaadu muddo badbaado ahaan u degi kartaan. Xarumaha Dumarka iyada oo dhakhtar fulinayo. Waana bilaash. Fulitaanka waa in lagu dhaqaaqaa Dhibban waa deeq habeen iyo maalinba loo fidiyo dumarka, kuwaasoo loo intaan toddobaadka 12aad ee uurka la gaadhin. Waa inaad la xidhiidhaa geystay fara-saar ama fara-saar loogu hanjabay. Xarumuhu waxay ku deeqaan dhakhtarkaaga, haddii aad doonayso inaad ilmaha soo riddo. caawin dhibaateed deg-deg ah, oo waxay kaa caawin karaan waxaa ka mid ah inay kuula xidhiidhaan bileyska, dhakhtarka, gargaarka deg-dega ah iyo Haddii aad doonayso inaad ogaato waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan qoys hay adaha bulshada. Adiga laftaada ayaa la xidhiidhi kara xarun dhibbane, ama qorsheynta, xuquuqahaaga galmada, waxyaabaha loo adeegsado ka hortagga kamuunahaaga, bileyska ama hay adaha bulshada ayaa kuu diri kara. Haddii uur qaadidda ama wixii kaleba, waxaad kala hadli kartaa dhakhtarkaaga aadan haysan lacag aad iskaga bixiso joogitaankaaga xarunta dhibbanaha, ama waxaad waci kartaa ururka Galmada iyo Bulshada (Sex og Samfund), kamuunaha ayaa kaa bixinaya. kaasoo leh telefoonka ah 33 13 91 13 ama waxaad geli kartaa boggan www.sexogsamfund.dk. Ka akhri waxyaabo dheeraad ah Ururka Dalka ee Xarumaha Dumarka Dhibban boggiisa www.lokk.dk. Halkan waxaa kale oo ku yaal tilmaan talo-bixineed oo Haddii aad uur leedahay, ama haddiiba aad hore carruur u lahayd oo aad ku wajahan dumarka dhallinyarada ajnebiga ah. 6 7
Furriinka Waxaad xaq u leedahay furriin, ama ninkaaga ama xaaskaagu ha doonayo ama yaanu doonin. Sida caadiyan sharcigu yahay mid ka mid ah dadka is qabaa wuxuu xaq u leeyahay furriin marka ay 1 sano ka bacdi kala deggen (separation) yihiin, laakiin haddii dadka is qabaa ku heshiiyaan furriin, waxaa loo baahan yahay oo keliya inay 6 bilood kala deggen yihiin. Laakiin tani ma khusayso, haddii gogol dhaaf iyo/ama fara-saar dhaco. Halkan wuxuu midka la dulmiyey isla markiiba heli karaa furriin. Furriinku wuxuu u dhacayaa iyadoo codsi loo diro dowladda gobolka (Statsamtet) agagaarka aad deggen tahay. Waxaad ka akhrin kartaa waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan dowladda gobolada, iyo sida aad iyaga ula xidhiidhayso, adiga oo gala boggan www.statsamt.dk. Marka dowladda gobolku hesho codsiga, waxaa adiga iyo qofka aad is qabtaan la idiinku yeedhayaa wadahadal. Halkan waxyaabaha aad ku heshiinaysaan waxaa ka mid ah dhaqaalaha la siinayo xaaska, kala qaybsiga guriga, xaqa ah in carruurta la arko iyo masruufka carruurta. Waxaad waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan furriinka ka ogaan kartaa telefoonka Hoggaanka qoyska (Familiestyrelsen) oo ah 33 92 33 02 ama boggan www.familiestyrelsen.dk mid uun. Mas uuliyadda waalidka Haddii aad leedahay mid ama dhawr carruur ah, waxaad qaaday mas uuliyad oo waxaa la socda waajibaadyo dhawr ah. In mas uuliyad waalidnimo oo ilmo la haystaa waxay tahay, inay qofka waajib ku tahay in la daryeelo (masruufo) ilmaha oo ay xaq tahay in laga taliyo waxyaabaha ilmaha la xidhiidha. Tani waxay noqon kartaa, magaca ilmaha loo bixinayo, meesha uu ku noolaanayo, iyo dugsiga ilmuhu dhiganayo. Mas uuliyada waalidka waxaa kale oo la socota waajib ah in laga qayb galo kulamada waalidka ee rug-xannaaneedyada iyo maalmeedka ilmaha. Haddii aad is qabtaan, waxaad si otumatig ah u haysataan mas uuliyad waalidnimo idinka dhaxaysa oo waad wada maamulaysaan ilmaha. Waad sii wadan kartaan inaad lahaataan mas uuliyad waalidnimo idinka dhaxaysa, inkasta oo aad kala tagteen. Waxaad kale oo ku ballami kartaan inaad mas uuliyadda waalidnimo hal waalid ka wareejisaan oo ka kale ku wareejisaan. Idinka laftiina ayaa go aansanaya, laakiin heshiiska waxaa aqbalaya dowladda gobolka. Haddii aad ku heshiin weydaan, meesha ilmuhu ku noolaanayo, iyo/ ama cidda haysanaysa mas uuliyadda waalidnimo, waxaad caawimo ka heli kartaan dowladda gobolka. Haddii aad halkaana ku heshiin weydaan, kiiska waxaa go aan ka gaadhaya maxkamad. Garsooruhu wuxuu tixgelinayaa waxa ilmaha u wanaagsan. Dhawr arrin ayaa culeyska la saarayaa tusaale ahaan cidda daryeelka ugu badan ee ilmaha lahayd. La joogitaanka ilmaha Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu labada waalidba la joogo, inkasta oo aanay waalidku wada noolayn. Ta ugu wanaagsani waxaa weeye, haddii aad idinka laftiinu ku ballantaan, sida la joogitaanku u shaqaynayo (soconayo). Xagee badanaa iyo intee in le eg ayuu ilmuhu la joogayaa qofkan waalidka ah, ee aan ilmaha la noolayn. Haddii aad ku heshiin kari weydaan, dowladda gobolka ayaa idin caawin karta. waxaad waxyaabo badan oo ku saabsan dowladda gobolka iyo sidaad iyaga ula xidhiidhi kartoba ka akhrisan kartaa adigoo gala boggan www.statsamt.dk. Ma jiraan sharciyo degsan oo ku saabsan inta la joogitaan ee qofku heli karo. Waxay ku xidhan tahay, waxa ilmaha u wanaagsan. Xaalado gaar ah waxay dowladda gobolku go aansan kartaa, in la joogitaanku noqdo mid gaadh laga hayo (dad kale ilaaliyaan markuu waalidku ilmaha la joogayo) ama gebi ahaanba la tirtiro. dugsiyada iyo nashaadyada (aktiifitiga) kale, kuwaasoo la xidhiidha nolol 8 9
Waxaad waxyaabo dheraad ah oo ku saabsan sharciyada furriinka, la joogitaanka iyo mas uuliyadda waalidnimo ka akhrisan kartaa bogaggan www.statsamt.dk ama www.familiestyrelsen.dk. Waxaad kale oo Hoggaankaajnebiga ka waci kartaa telefoonka ah 33 92 33 02. muhiim ah, inaad bilowdo barashada af-deenishka, carruurtaadu helaan rug-xannaaneed oo aad shaqo hesho. Waxaad warbixino dheeraad ah ka heli kartaa hay adda Hoggaanka-ajnebiga telefoonka ah 35 36 66 00 ama boggan www.udlst.dk. Sharci degenaansho (ciqaamad) Lacagta carruurta Sharciga degenaanshaha Denmark marka ugu horeysa waa ku meel gaadh. Waxtarka qoys carruur leh (jeegga carruurta): Laakiin qof xaas ah oo qoys ahaan lagu keenay wuxuu caadiyan heli karaa Waxtarka qoys carruur leh hadal maalmeedkana loogu yeedho lacagta sharciga degenaanshaha abadiga ah, haddii uu isagu ama iyadu: carruurta waxaa la siiyaa dhammaan qoysaska carruur iyo dhallinyaro 18 sano ka yar leh. Ilmihiiba waxaad ku helaysaa kaabitaan dhaqaale. deggenaa Denmark inta badan toddobadii sannadood ee u dambeeyey oo uu dhammaystay barnaamij hordhac ah (en introduktionsprogram) oo Lacagta waxaa otumatig loogu shubaa hooyada, iyadoo in qof kale loo shubo uu ku baasay (gudbay) imtixaan af-deenish khaas ah, oo la codsado mooyee. aan lagu xukumin xabsi 2 sano ka badan dembi weyn oo uu galay awgeed, oo Waxaad waxyaabo dheeraad ah oo aad ogaato ka heli kartaa adiga oo gala aan dowladdu deyn ku lahayn boggan www.danmark.dk ama wasaaradda canshuuraadka boggeedan www.skm.dk. haddii aadan lahayn sharciga deggenaanshaha abadiga ah, oo aad ka guurto qofkaad is qabtaan, waxaad halis ugu jirtaa inaad weydo xaqii aad u lahayd Masruufka carruurta: inaad Denmark joogto. Laakiin haddii wada noolaanshaha burburay ay keento, Waxaa qofka waalid ahaan waajib ku ah inuu carruurtiisa masruufo. Haddii in qofka aad is qabtaan yahay mid dagaal badan, waxay hay adda Hoggaankaajnebigu aanu qofku waalid ahaan buuxin waajibkiisa masruufeed ee ilmaha, waxay go aan ku gaadhi kartaa, inaad haysato sharcigaaga deggenaanshaha. dowladda gobolku go aaminaysaa in qofku bixiyo masruufka carruurta. Waxay haddana tani ku xidhan tahay, inaad caddayn karto, in laguu geystay fara-saar tusaale ahaan ashkato bileys ka warbixiyey ama fayl laga keenay Haddii aad doonayso inaad hesho masruuf cayiman ama aad xaddi dhakhtar ama cisbitaal. ahaan bedesho, waa inaad la xidhiidhaa dowladda gobolka. Haddii aad doonayso inaad ogaato waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan masruufka Hay adda Hoggaanka-ajnebigu waxa intaas dheer oo ay eegaysaa xidhiidhka carruurta, waxaad waci kartaa hay adda Hoggaanka-qoyska telefoonka ah aad Denmarka la leedahay (sidaad ugu xidhan tahay Denmark), waxaa looga 33 92 33 02 ama waxaad geli kartaa boggoodan www.familiestyrelsen.dk. jeedaa, muddada aad halkan joogtay, sidaad af-deenishka ugu hadasho, xidhiidhka aad bulshada la leedahay. Haddii aad ka guurto qofkaad is Kaabid dhaqaale carruureed: qabtaan fara-saar awgeed, oo aad doonayso inaad waddankan joogto, waxaa Kaabid dhaqaale carruureed waxa weeye waxtar dheeraad ah, taasoo la siiyo 10 11
waalidka keli ahaan ku ah inuu masruufo carruurtiisa ama qoyska kharash badan isticmaala. Waxaa jira dhawr nooc oo kala duwan oo kaabid dhaqaale carruureed ah. Waxaad la xidhiidhi kartaa kamuunahaaga, haddii aad doonayso inaad dalbato kaabid dhaqaale carruureed. Haddii aad doonayso inaad ogaato waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan kaabid dhaqaale carruureed, waxaad waci kartaa hay adda Hoggaanka-qoyska telefoonka ah 33 92 33 02 ama waxaad geli kartaa boggoodan www.familiestyrelsen.dk. Caawimo dowladda ka timaadda Haddii aadan naftaada iyo qoyskaaga masruufi karayn, oo aan wax dakhli ahi ku soo gelin ama aadan hanti ma guuraan ah lahayn, waxaad heli kartaa lacag caawimo (kontanthjælp), haddii aad weliba buuxiso shuruudaha halkaas hoos yimaadda. Si aad u hesho caawimo waa inaad aqbashaa deeq ku saabsan shaqo, carbin (aktivering) ama waxbarasho. ku bixiso deebaaji aad kireeyaha siiso. Kamuunuhu wuxuu kale oo kaa caawim karaa inuu guri kuu helo, haddii aad u baahan tahay meel aad degto. Haddii aad hayso su aalo ku saabsan guri, waxaad la xidhiidhi kartaa kamuunahaaga. Ururka Dalka ee Kireystayaashu (Lejernes Landsorganisation (LLO)) waxa weeye urur dalka ku baahsan, kaasoo ilaaliya danaha kireystayaasha. Waxaad LLO ka waci kartaa telefoonka ah 33 86 09 10 ama waxaad geli kartaa boggan www.lejerneslo.dk, haddii aad caawimo u baahato. Cinwaano kale oo muhiim ah Hay adaha dowliga ah www.inm.dk (Ministeriet for Flygtninge, Indvandrere og Integration) Halkan waxyaabaha aad ka akhrisan karto waxaa ka mid ah sharciyada isdhexgalka iyo deggenaanshaha Denmark. Haddii aad Denmark timi wixii ka dambeeyey 1da luulyo 2002, lacag caawimo xaq uma lihid. Beddelkeedii waxaad heli kartaa lacag bilow caawimo (starthjælp), haddii aadan naftaada iyo qoyskaaga masruufi karayn. Waa inaad aqbashaa deeq ku saabsan shaqo, carbin ama waxbarasho si aad u hesho lacag bilow caawimo. Lacag caawimo iyo lacag bilow caawimo labadaba waxaad ka dalban kartaa kamuunahaaga. Halkaas waxaad kale oo ka heli kartaa warbixino dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqahaaga iyo waajibaadkaaga. Haddii aad hayso su aalo ku saabsan canshuur bixinta, waxaad la xidhiidhi kartaa maaraynta canshuuraha (skatteforvaltningen) kamuunahaaga. Warbixinaha ku saabsam ajnebiga fursadahooda ah inay joogaan Denmark. Telefoon 35 36 66 00. www.medborger-i-danmark.dk Buug warbixineed bulshada deenishka ku saabsan oo ay soo saartay Wasaaradda Qaxootiga, Soo galaytiga iyo Is-dhexgalku (Ministeriet for Flygtninge, Indvandrere og Integration). Buugga waxaa lagu helayaa 17 luuqado kala duwan ah oo waxaa laga soo roggan (downloades) karaa ama laga dalban karaa cinwaanka internet-ka www.danmark.dk/netboghandel. Buugan qiimihiisu waa 20 kr iyo kharashka lagu soo dirayo. Guri www.danmark.dk (dulmar guud oo hay adaha dowliga ah) waxay bixinaysaa dulmar guud oo deg-deg ah oo hay adaha dowliga Denmark Haddii aad deggen tahay guri ijaar (kiro) ah, waxaad haysataa fursad ah inaad ah oo waxay muujinaysaa hay adaha la doonayo iyo warbixinahooda. caawimo dhaqaale ka dalbato kamuunahaaga. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa kaabid ijaar, taasoo kaa caawinaysa inaad ijaarka bixiso ama amaah aad 12 13
www.lige.dk (Ligestillingsafdelingen) www.etniskligestilling.dk Xog haynta Wasaaradda Isu dhignaanta (Sekretariatet for Minster for Waa urur ka shaqeeya isu dhingaanta jinsiyada oo la dagaalama kala sooca. Ligestilling). Halkan waxaad ka akhrisan kartaa waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan isu dhignaanta (ligestilling) ragga iyo dumarka, xuquuqahooda iyo www.ms.dk (Mellemfolkeligt Samvirke) waajibaadkooda. Boggan waxyaabaha aad ka heli karto waxaa ka mid ah qol ay ku sheekaystaan (chatrum) gabdhaha dhallinyarada ah ee asalkoodu yahay jinsiyad kale. www.ligenaevn.dk (Ligestillingsnævnet) Waxay xallisaa cabashooyinka kala duwanaansho ula dhaqanka ay sababtay www.kvinfo.dk (KVINFO) jinsigu. Telefoon 33 92 33 11. Xarun dalka ku baahsan oo warbixineed, caddayneed iyo dhaqameed ah. KVINFO waxay leedahay waxaa ka mid ah la taliyeyaal isku xidh oo baaxad www.familiestyrelsen.dk (Ministeriet for familie- og forbrugeranliggender) leh, kuwaasoo dumarka jinsiyadaha laga tirada badan yahay ka caawiya oo ka taageera iskuulka, waxbarashada iyo shaqada. www.social.dk (Socialministeriet) Waxaa laga helaa warbixinaha ku saabsan dhaqaalaha, xaddiga iyo wixii u www.flygtning.dk (Dansk Flygtningehjælp) dhigma. Hay adda Qaxootiga Deenishku (Dansk Flygtningehjælp) waxay leedahay dad ku xidhan oo aan lacag qaadan, kuwaasoo qaxootiga iyo soo galaytiga www.skat.dk (Skat, Skatteministeriet) ka caawiya is-dhexgalka iyo carbinta luuqadeed dalka oo dhan. Hay adda Waxaa laga helaa warbixinaha ku saabsan canshuurta, xaddiga, foomka Qaxootiga Deenishku waxay kale oo magan-gelyo doonka kala talin karaan canshuurta dakhliga iyo wixii u dhigma. arrimaha magan-gelyada, sharciyada deenishka ee ajnebiga, sharciyada masaafuriska iyo diidmada iwm. La taliyeyaasha iyo ururada iwm. www.finfo.dk www.kvinderådgivningen.dk Warbixinaha ku wajahan ajnebiga ee ku saabsan waxyaabaha ay ka mid yihiin www.dannerhuset.dk magan-gelyo, deggenaansho, shaqo, waxbarasho, siyaasad iyo dhaqan. www.voldmodkvinder.dk www.lokk.dk www.hotline-raadgivning-for-indvandrere.dk www.etniskligestilling.dk Boogga guurarka khasabka ah. www.sexogsamfund.dk www.abortnet.dk www.kvinderaadgivningen.dk (Kvinderådgivning for etniske minoriteter) talo-bixinta waxaa taageera Wasaaradda Qaxootiga, Soo galaytiga iyo Isdhexgalka oo ka caawisaa su aalaha ku saabsan waxbarashada, shaqada, arrimaha qoyska, is-dhexgalka iyo kala sooca. Telefoon: 70 20 49 09. 14 15
Somalisk Buuggan yari wuxuu ku wajahan yahay adiga doonaya inaad waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan isu dhignaanta iyo xuquuqaha Denmark ka jira ogaato. Buuggan yar waxyaabaha aad ka akhrin karto waxaa ka mid ah waxyaabaha ku saabsan dhaqaalaha, guurka, xuquuqaha galmada, furriinka iyo mas uuliyad haysashada waalidnimo.