Alle fotos er modelfotos.



Relaterede dokumenter
Alle fotos er modelfotos.

KANSARKA MINDHICIRKA MALAWADKA

KANSARKA QANJIDHKA KAADI MAREENKA RAGA

Symptomer på kræft Kræftens Bekæmpelse. Astaamaha Kansarka. Somali

NIDAAMKA CAAFIMAADKA EE DHEENISHKA Det danske sundhedsvæsen

casharada lasoo siiyo

UNDERSØGELSER AF DET UFØDTE BARN SOMALISK. Baadhitaanada cunugga aan dhalan

U Isticmaalka Dawada Sida Saxda AH. Nin dhallinyaro ah 02:33 Waxan u socdaa dhakhtarka si laygaga talaalo cudurka beerka.

Qoyska, jinsiga iyo xuquuqaha ka jira Denmark

Sundhed og Sygdom Dialogliste Somalisk

LUUQADDA IYO WAX -AQRINTA WAA MASUULIYAD NAGA WADA DHEXAYSA WARGELIN KU JEEDA WAALIDIINTA ISKOOL BILAABIDA

S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k K u n f o r K v i n d e r D i a l o g l i s t e

UBAD CAAFIMAAD QABA oo dal shisheeye deggen. Somalisk

AFKU WAA HADYAD CARBINTA AFKA EE GURIGA

Alle fotos er modelfotos.

Warbixinta Bukaanka DAAWEYNTA KANSARKA. Patientinformation MEDICINSK KRÆFTBEHANDLING. Dansk/Somali

Alle fotos er modelfotos.

KRÆFT I TYK- OG ENDETARMEN

Prostatakræft. Kolofon

Nidaamka daryeelka caafimaadka ee Deenishka. Det danske sundhedsvæsen

XAQIIQOOYIN IYO TALOOYIN KU SAABSAN. cabidda iyo joojinta sigaarka

KU CUSUB WADDANKA. Talooyin wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka dhalaanka

Horumarinta Luqadda - Waa masuuliyad la wadaago. Wargelin ku wajahan waaliddinta leh carruurta da doodu u dhaxaysa 0 iyo 3 sano

Qofka adigoo kale ah oo denbi-fal loo geystay

DUGSIGA JORDAL. Warbixin loogu talogalay waalidiinta

S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k S u n d h e d og S y g d o m D i a l o g l i s t e

iyo I dhageyao Aniga!

buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da yarta aan la wehelin ee magangelyo doonka ah

Aalborg Øst. Iskaashi iyo wadanoolaansho. Ann-Dorte Christensen Sune Qvotrup Jensen

Dhalinyarada soo socota. Warbixin ku saabsan waxbarashada oo loogu talagalay dhallinyarada iyo waalidkood

Diyaarinta cuntada qaadada ee ugu horaysa. Den første skemad. Somalisk. Kamuunka Egedal

Waxbarasho -Mustaqbalka caruurtaada

CAADAYSIYO CAAFIMAADQABA

Du kan få indflydelse på dit barns skole

Warbixin loogu talagalay waalidka

Aarhus-aftalen. Skolernes tillids- og arbejdsmiljørepræsentanter samt forældre og forvaltning tog hul på dialog

Det danske sundhedsvæsen. Urdu

H.C. ANDERSEN. Sheekaxariir 2005 SOMALI

DET ER DIT VALG. en guide til demokratisk deltagelse i Danmark RÅDET FOR ETNISKE MINORITETER

Du kan få indflydelse på dit barns skole 1

Invitation. Din mening er vigtig for os. Kære beboer i Gellerupparken og Toveshøj

SPROG OG LÆSNING ET FÆLLES ANSVAR INFORMATION TIL FORÆLDRE - INDSKOLINGEN

Februar TEKST TIL BILLEDE

SPROGLIG UDVIKLING - ET FÆLLES ANSVAR

Sundhedsøkonomisk analyse af diagnostiske Strategier ved symptomer på ende- og tyktarmskræft en medicinsk teknologivurdering Sammenfatning

SPROGVURDERING OG SPROGSCREENING AF 3-ÅRIGE BØRN

Fra boligområde til bydel

MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK

Beboerblad for. Ellekonebakken, Guldstjernevej og Firkløvervej April FORÅRET ER PÅ VEJ

Dimensioneringsplan Introduktions- og Hoveduddannelsesforløb i Speciallægeuddannelsen

MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK

FAKTA OM OG REHABILITERING VED BRYSTKRÆFT DIAGNOSESPECIFIK FORLØBSBESKRIVELSE

Undersøgelser og behandling ved begrundet mistanke om brystkræft

NUKLEARMEDICINSKE OPGØRELSER brug af radioaktive lægemidler ved nuklearmedicinske undersøgelser og behandlinger i Danmark

2 Indledning 3 Hvad er symptomerne på hudkræft? 5 Hvilke undersøgelser skal der til? 7 Hvilken behandling findes der? 11 Hvad er bivirkningerne?

MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK

Udviklingen i forbruget af lægemidler mod depression og angst. Fra januar 2011 til december Notat

om rygning og rygestop

2 Indledning 3 Hvad er symptomerne på brystkræft? 4 Hvilke undersøgelser skal der til? 7 Hvor syg er jeg? 9 Hvilken behandling findes der?

Undersøgelser og behandling ved begrundet mistanke om modermærkekræft

En guide til demokratisk deltagelse i Danmark!

Postoperativ smertebehandling i hjemmet med en elastomerisk pumpe en medicinsk teknologivurdering Sammenfatning

Hvad er symptomerne på kræft i struben?

Min historie med senfølger

2 Indledning 3 Hvad er symptomerne på lungekræft? 4 Hvilke undersøgelser skal der til? 8 Hvor syg er jeg? 10 Hvilken behandling findes der?

2 Indledning 3 Hvad er symptomerne på brystkræft? 4 Hvilke undersøgelser skal der til? 7 Hvor syg er jeg? 9 Hvilken behandling findes der?

NUKLEARMEDICINSKE OPGØRELSER brug af radioaktive lægemidler ved nuklearmedicinske undersøgelser og behandlinger i Danmark

1 JENS PORSBORG Jela HENRIK DAHL

FOREBYGGENDE HELBREDSUNDERSØGELSER OG HELBREDSSAMTALER I ALMEN PRAKSIS - en analyse af patientperspektivet Sammenfatning

Patientinformation. Operation. for brystkræft - mænd

Indledning 2 KRÆFT I STRUBEN

2 Indledning 3 Hvad er symptomerne på kræft i livmoderen? 4 Hvilke undersøgelser skal der til? 6 Hvor syg er jeg? 8 Hvilken behandling findes der?

Undersøgelser og behandling ved begrundet mistanke om kræft i æggestokkene

2 Indledning 3 Hvad er symptomerne på lungekræft? 4 Hvilke undersøgelser skal der til? 8 Hvor syg er jeg? 10 Hvilken behandling findes der?

Husorden. Husorden for Mjølnerparken يجب غلق اكياس النفايات جيدا قبل رميها بالمكان المخصص لها عدم رمي بقايا الطعام من النوافذ النها تجذب الفئران.

Operation for brystkræft

Elektronisk patientjournal til osteoporose-ambulatorium - en medicinsk teknologivurdering

Årsrapport 2012: second opinion ordningen og eksperimentel kræftbehandling

Undersøgelser og behandling ved begrundet mistanke om kræft i prostata, penis og testikel

FOREBYG VUGGEDØD og undgå skæv hovedfacon og fladt baghoved. Til forældre

Transkript:

KANSARKA NAASAHA

Kolofon Brystkræft Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S cancer.dk og sst.dk Antropolog, mag.art. Ann-Britt Kvernrød, overlæge, dr.med. Iben Holten og overlæge, ph.d. Peter Meidahl Petersen (Kræftens Bekæmpelse) i samarbejde med akademisk medarbejder Niels Sandø og akademisk medarbejder Anne Rygaard Bennedsen (Sundhedsstyrelsen). cancer, patienter, behandling, rådgivning rådgivning somalisk Emneord: Kategori: Sprog: Version: 1.0, januar 2009 Layout og tryk: Trekroner Grafisk A/S Illustrationer: Henning Dalhoff Fotos: Mikael Rieck ISBN: 978-87-7676-728-0 ISBN: 978-87-7064-074-9 ISBN elektronisk version: 978-87-7676-727-3 Publikationen kan frit refereres med tydelig kildeangivelse. Alle fotos er modelfotos. Stor tak til lærere og elever på Høje Tåstrup Sprogcenter, sundhedsformidlere Meliha Saglanmak og Karim Aziz Hassan, samt læge Jon Trærup Andersen for at stille op til fotografering. 2

Buuggan yar waxaa loogu talagalay adiga, haddaad tahay qofka qaba kansarka naasaha, iyo qoyskaaga. Buuggan yari waxa uu ka hadlayaa cudurka iyo sida loo daweeyo. Waxaad ka heli kartaa warar aad la isticmaasho, kuwa ay kuu sheegaan dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku. Denmark waxa uu kansarka naasuhu sannad walba ku dhacaa ilaa 4.000 oo dumar ah. Kansarka naasuhu had iyo jeer waa ka ugu badan noocyada kansarka ee dumarka ku dhaca. Badi dumarku way argagaxaan, markay ogaadaan, inuu hayo kansarka naasuhu. Haseyeeshee dawaynta kansarka naasuhu marwalba way sii fiicnaataa, oo dumar badan ayaa hadda ka bogsada kansarka naasaha. Suuragalnimada in laga bogsado kansarka naasuhu waxay ku xidhan tahay arrimo ay ka mid yihiin, intay le eg tahay burada kansarku, iyo inuu cudurku fiday. Marba marka ka horreeya ee la ogaado kansarka naasaha, ayey fursadda lagaga bogsadaana ka badan tahay. Nofambar 2008 Iben Holten Dhakhtar sare, dr. med La dagaallanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) Else Smith Dhakhtar sare, gudd. ka hortegista cudurrada Sundhedsstyrelsen (agaasinka caafimaadka) 3

4

Tusmo Maxaa keena kansarka naasaha? 7 Waa maxay kansarka naasaha ee dhaxaltooyada ah? 7 Waa maxay astaamaha kansarka naasuhu? 7 Sidee loo daweeyaa? 8 Qalitaan aan naaska la jarin 8 Qalitaan la jaro naaska 8 Maxaa la sameeyaa, marka dawayntu kuu dhammaato? 15 Warar muhiim ah 18 Cusbataalka 18 Halkee ayaad ka heli karaa taageero iyo talabixin? 19 Ma u baahan tahay in guriga lagugu caawiyo? 22 Caymiska 22 Haddii aad debed u dhoofayso 23 5

Caanamareeno Muruqa naaska iyo feedha Xubnaha duxda Qanjidhada caanaha Naas caafimaad qaba oo dhinac laga sawiray. 6

MAXAA KEENA KANSARKA NAASAHA? Kansarka naasuhu wuxuu gaar ahaan ku dhacaa dumarka da doodu ka wayn tahay 50 jir. Waxyaabo kala duwan ayaa kordhiya halista lagu qaado kansarka naasaha: dhiigga caadada oo goor hore (da yar) la helo cisagoysnimada oo raagta ubad la aanta ilmaha curad (ugu horreeya) oo lagu dhalo da ka wayn 35 jir. cisagoysimada dabadeed oo hilib badani ku fuulo. cisagoysnimada dabadeed oo hormoonnada jidhku sii socdaan alkahoosha dumarka naas hore uu kaga dhacay, waxay xoog halis ugu yihiin inuu ka kalena ka haleelo. Waa maxay kansarka naasaha ee dhaxaltooyada ah? Haddii qaar badan oo dumarka qoyskiinna ah, dhinaca aabbaha ama dhinaca hooyada, uu ku dhacay kansarka naasuhu, waxaa la odhan karaa waa dhaxaltooyo, gaar ahaan hadduu cudurku ku dhacay, iyagoo da doodu aanay gaadhin 40 jir. WAA MAXAY ASTAAMAHA KANSARKA NAASUHU? buro ka soo baxda naaska canbaar ama nabar ka soo baxa ibta naaska naaska oo ku xanuuna dheecaan saafi ah ama hurgumo ka soo da a ibta naaska ibta naaska oo shiiqda. 7

SIDEE LOO DAWEEYAA? Dumarka uu ku dhaco kansarka naasuhu waa la qalaa. Qalitaanka waxaa lagu jaraa burada kansarka ama naaska oo dhan. Qalitaanka dabadii waxaa sida badan haddana lagu sii daweeyaa ilays (stråler), kimikal (kemoterapi) ama lidka hormoonnada (anti-hormoner). Dawayntan dheeraadka ahi waxay hoos u dhigtaa halista, in cudurku dib u soo laabto. Qalitaan aan naaska la jarin (lumpektomi) Qalitaanka noocan ah waxaa lagu jaraa burada kansarka lafteeda iyo cadaha ku xeeran qaarkood. Caadi ahaan waxaad cusbataalka ku jiraysaa 2 ilaa 7 maalmood. Qalitaanka dabadii waxaa suuragal ah, inuu isbeddelo qaabka naasku. Maalmaha ka danbeeya qalitaanka, waxaa naaska laga dareemaa adayg iyo barar. Waxaa sidoo kale dhici karta in dheecaan yari ka soo da o ibta naaska. Astaamahani dabadeed way tagaan. Qalitaanka aan naaska la jarin ka dib, waxaa haddana naaska laftiisa lagu daweeyaa ilays. Qalitaan la jaro naaska (mastektomi) Qalitaankan waxaa la jaraa naaska oo dhan. Caadi ahaan waxaad cusbataalka ku jiraysaa 2 ilaa 5 maalmood. Qalitaanka dabadii waxaa keliya ilayska lagugu daweeyaa, haddii uu cudurku ku fido kilinkillada. 8

9

Haddii uu kansarku ku fido kilinkillada Hadduu kansarka naasuhu ku fido jidhka, wuxuu judha gaadhaa kilinkillada. Waxaa ka soo baxa burooyin (lymfeknuder), unugyada kansarku qabsan karaan. Sidaas awgeed burooyinka ayaa la baadhaa. Dhakhtarradu waxay ugu horrayn jaraan nud qudh ah (sentinel node), si ay u eegaan in unugyo kansar ahi ku jiraan. Haddii unugyo kansar ahi ku jiraan, waa la wada jaraa burooyinka kilinkillada. Haddii aanay ku jirinna, buro danbe lama gooyo. Hawshan oo dhanna waxaa la qabtaa qalitaanka gudihiisa, iyada oo burooyinkana (lymfeknuder) ay dhakhtarradu jaraan qalitaanka dabadii, haddii naaska la jaro iyo haddaan la jarin labadaba. Dawaynta ilayska Hadduu cudurku ku fido burooyinka (lymfeknuder), waxaa lagugu daweeyaa ilays dili kara unugyada kansarka. Waxaa ilayska lagugu daweeyaa 5 maalmood muddo 5 ilaa 6 wiig ah. Markastana waxay qaadataa dhawr miridh, mana dareemaysid xanuun. Dhibaatooyinka ay keento dawaynta ilaysku Waxaa laga yaabaa in dawaynta ilaysku casayso maqaarka, nabarrana kuu yeesho. Waxaa kaloo ay keeni kartaa, in naaska laga dareemo adayg. Dumarka qaarkood ayaa yeesha qufac qallalan, waayo ilayska ayaa saameeya qayb ka mid ah sanbabka. Dawaynta ilayska iyo qalitaanku waxay sidoo kale waxyeeli karaan dhaqdhaqaaqa garabka. Gacan barar (lymfødem) Qalitaanka iyo dawaynta ilaysku waxay keeni karaan, inay ku bararto gacanta xigta dhinaca lagaa qalay. Bararkaas waxaa la yidhaahdaa (lymfødem), waana halis, hasayeeshee waxaa ridi kara waxyaabo duugisi ka mid tahay. 10

Dawo qaadasho Bukaanka kansarka naasaha waxaa loo qaybiyaa laba kooxood: Dumar aan halis wayn ugu jirin in cudurku ku soo laabto Dumar halis wayn ugu jira in cudurku ku soo laabto Qalitaanka dabadii, siyaabo kala duwan ayaa labada kooxood loo kala daweeyaa. Dumarka aan halis wayn ugu jirin in cudurku ku soo laabto, dawayntu u ma sii socoto. Dumarka halis wayn ugu jira in cudurku ku soo laabto, waxay qaataan dawaooyin kala duwan, kuwaasoo aynnu hoos ku xusi doonaa. Da da ayaa kaalin wayn ka qaadata dawaynta. Dumarka da doodu ka yar tahay 35 sano, markasta way qaataan dawaynta. Dumarka da doodu ka yar tahay 60 jir, waxaa loo daweeyaa si ka duwan sida loo daweeyo kuwa ka wayn 60 jir. Dhibaatooyin kala duwan ayey keentaa oo qofba si ayey u saamaysaa. Isku dhib kuma wada keento dadka. Dhibaatooyinkeeda qaarkoodna waxaa xakamayn kara dawooyin la qaato. 11

Dawaynta kimikalka Dawaynta kimikalka waxaa la qaataa dawo disha unugyada kansarka. Kimikalka waxaa loo qaataa dareere ahaan. Taas macnaheedu wuxuu yahay, dawada waxaa jidhka loo soo mariyaa xididada dhiigga. Dawaynta kimikalka waxaad qaadanayaa saddexdii wiigba mar, muddo ilaa sannad badhkii ah. Muddadaasna lagu dhigi maayo cusbataalka. Dhibaatooyinka ay keento dawaynta kimikalku Dawaynta kimikalku waxay saamaysaa unugyada kansarka qaba iyo qaar kaloo unugyada caadiga ah ee jidhka ah. Dawaynta kimikalku waxay maalinta hore keeni kartaa yalaalugo, matag iyo shuban. Indhaha gudahooda iyo dhanxanagga afka ayaa laga yaabaa, inay ku cuncunaan, oo qalitaanka dabadii ilaa 1 2 wiig ku sii xanuunaan. Dawaynta kimikalku waxaa laga yaabaa inay joojiso dhiigga caadada, oo dabadeed cisogoys kaa dhigto, haddii aanad horeba u ahayn. Dumar badan ayaa timuhu ka muldhaan inta la dawaynayo. Qaar badan ayey ku adkaataa, inay timuhu ka muldhaan. Haseyeeshee waxaad xaq u leedahay inaad hesho buruko (paryk) bilaash ah, timuhuna dib ayey kuugu soo baxayaan, marka dawayntu kuu dhammaato. Dawaynta lidka hormoonka Dumar badan ayuu hormoonka dumarnimada ee (østrogen) ku keenaa in burada kansarku waynaato. Sidaas awgeed waxaa la siiyaa dawaynta lidka-hormoonka, iyagoo caadi ahaan marka hore qaata tamoxin 2½ sano, dabadeedna Femar, Amiridex ama Aromasin 2½ sano. Kuwaasi waxay keenaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin jidhka oo ku gubta, dawakhaad, cago cuncun, 12

13

dhanxanagga oo engega iyo timaha oo muldha. Dawaynta lidkahormoonka waxaa loo qaataa kiniin ahaan. Qaadashada dawo kale (Herceptin) Dumarka qaarkood ayaa burooyinka kansarkoodu gaar yihiin oo qaata Herceptin 12 bilood. Waxay hoos u dhigtaa halista, in cudurku dib u soo laabto. Herceptin waxaa loo qaataa dareere ahaan (drop). Hadduu cudurku fido Hadduu kansarka naasuhu ku fido meelo kale oo jidhka ah, cudurka waa la dawayn karaa, laakiin lama bogsiin karo. Dawaynta kimikalka ayaa loo isticmaalaa xakamaynta astaamaha cudurka iyo cimri dherer. Dawayn ka baxsan cusbataalka Dad badan oo qaba cudurka kansarka ayaa qaata dawayn ka baxsan, ta cusbataalka uga socota, tusaale ahaan fiitamiinno. Dawaynaha qaarkood ayaa carqaladeeya ta cusbataalka. Sidaas awgeed waa inaad dhakhtarkaaga kala hadasho, inaad qaadato dawayn kale oo barbar socota ama ka baxsan, ta dhakhtarradu ku siiyaan, ama haddaad ku tashaday inaad dalka debeddiisa isku soo dawayso. Cabidda sigaarka Haddaad sigaar cabto, waxaa fiican inaad joojiso. Cabitaanka sigaarku wuxuu u daran yahay, bogsashada nabarada qalitaanka dabadii. Dawaynta fallaadhaha ilaysku xoog u ma shaqayso, haddaad sigaar cabto. Waxba tari mayso, inaad dhinto tubaakada aad qaadato. Waxaa wanaagsan, inaad gebi ahaan joojiso cabitaanka sigaarka. 14

MAXAA LA SAMEEYAA, MARKA DAWAYNTU KUU DHAMMAATO? Haddaad qalitaanka dabadii dareento tamar la aan iyo daal, waa wax iska caadi ah. Dadka xanuunsanaya qaarkood ayuu jimicsigu ka kaxeeyaa daalka, kana bi iyaa ka fikirka cudurka. Waa muhiim inaad dhaqdhaqaaqdo oo xubnaha firfircooni geliso sida inaad dhawr jeer tamashle u baxdo. Dadka buka qaarkood ayuu cudurku gayeysiiyaa waxyaabo, ay noqoto inay qabatimaan oo bartaan siday u la noolaan lahaayeen. Qaar kale ayey wax wayn u tartaa, inay la sheekaystaan dumar kale oo qaba kansarka naasaha, waayo cudurka ayaa soo taabtay jidhkooda. Isbedelka jidhka Muddo ayey qaadan kartaa in lala qabsado isbedelka cusub ee jidhka iyo dhaawacyada soo gaadhay. Dumar badan ayaa qalitaanka naaska dabadii dareema, inaan cidi soo dayayn. Qaarkood ayaa miisaanku xoog uga dhacaa, qaarna wuu ku kordhaa. Qaarkood baa hammadu ka guurtaa, ama raggoodu hungurayn waayaan. Waxaa fiican markaas inay dareenkooda iyo baahidooda kala hadlaan raggooda. Naas sanaaci ah (brystprotese) Haddii naaska lagu jaro, waxaad xaq u leedahay inaad bilaash ku hesho naas sanaaci ah (protese). Naaska sanaaciga ah waxaa laga sameeyaa silikoon jilicsan, xoogna wuu ugu eg yahay naaska caadiga ah. Sidoo kale dumarka aan naaska laga jarin, ayaa la siiyaa naas sanaaci ah. Naasku wuu yaraadaa oo qaabkiisu beddelmaa, xataa haddii in yar uun laga jaray. Markaas waxaa lagugu caawin karaa naas sanaaci ah. Waxaad kommuunahaaga xaq ugu leedahay, inaad sannadkii hesho naas sanaaci ah. Waa inaad ka cod- 15

16

sato. Waxaana jira noocyo badan. Qaar baa jidhka qabsada. Qaarkoodna keeshaliga ayaa xejiya. Adiga ayey tahay inaad mid ka dalbato dukaamada iibiya. Naas cusub Dumarka qaarkood ayaa codsada in loo sameeyo naas cusub. Caadi ahaan waxay ugu horrayn suurageli kartaa marka sannad ka soo wareego qalitaanka. Dhakhtarradu waxay samayn karaan naas cusub, iyagoo maqaarka hoos gelinaya naas sanaaci ah ama adeegsanaya maqaar laga soo jaray qaybaha kale ee jidhka. Kantaroolkal Badi dumarku waxay kantarool u tagaan cusbataalka muddo ilaa 10 sano ku siman, haseyeeshee qaarkood ayuu kantaroolaa dhakhtarkoodu. Dhakhtarku wuxuu baadhaa halkii lagaa qalay, burooyinka (lymfeknuder) iyo naaska kale. Muddada u dhaxaysa ballamaha kantaroolka, waa inaad isha ku hayso astaamaha soo socda: burooyin, adayg ama isbedello oo ku soo kordha naaska, nabarka iyo kilinkillada xiiqitaan ama qufac xanuunno Astaamuhu ma tilmaamayaan, in cudurkii soo laabtay. Haseyeeshee waa in dhakhtar ku baadho. 17

WARAR MUHIIM AH CUSBATAALKA Waajibka xilqarinta Shaqaalaha cusbataalka oo dhan waxaa ku waajib ah xilqarin. Looma oggola inay cid kale uga warramaan naftaada iyo cudurkaaga xataa hadday yihiin ninkaaga, ubadkaaga iyo xubnaha kale ee qoyskaaga. Adiga ayaa go aankeeda leh cidda wax ka ogaanaysa cudurkaaga. Sidaas awgeed waa inaad oggolaansho bixiso, intaan war ku khuseeya cid kale loo gudbin. Waajibka xilqarinta waxaa looga dan leeyahay, inaad wararka naftaada iyo cudurkaaga khuseeya si kalsooni leh ugu sheegto dhakhtarkaaga iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka. Turjubaanka Dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku waa inay hubiyaan, inay ku fahmeen, adiguna aad fahantay. Haddaanad ku hadlin ama fahmin af dheenishka, shaqaalaha ayaa kuugu yeedhaya turjubaan. Turjubaanku waa inuu noqdo dhexdhexaad, waxaana ku waajib ah xilqarin. Ma habboona in xubnaha qoyska loo adeegsado turjubaan. Turjubaanada khibradda lihi waxay garanayaan eraybixinta caafimaadka, oo waxa dhakhtarku yidhi ayey si fiican u turjumaan. Sidaas awgeed waxaa habboon in turjubaan laguugu yeedho, xataa haddaad si fiican isugu debberto af dheenishka caadiga ah. Lataliyaha bukaanka Badi cusbataallada waawayn waxaa jooga lataliye bukaan (patientvejleder). Lataliyaha bukaanku wuxuu kuu sheegi karaa tu- 18

saale ahaan, fursadda lagugu dawayn karo cusbataal kale. Hadday jiraan wax aanad fahmin ama wax aad ka cabanaysaana, wuu kaa caawiyaa. Waxaana ku waajib ah xilqarin. Lataliyaha bukaanku wuxuu kugu la hadlaa keliya af dheenish. Tarjubaan kuma lihid, inkastoo cusbataallada qaarkood kuu keenaan. Joornaalka cusbataalka Cusbataalka gudihiisa, waxay dhakhtarradu qoraan joornaal ku saabsan cudurka, natiijooyinka baadhitaannada iyo dawaynta. Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato, waxa ku qoran joornaalka. Had iyo goor waad dalban kartaa nuskhad joornaalkaaga ah iyo dhakhtar kuu sheega waxa ku qoran. HALKEE AYAAD KA HELI KARAA TAAGEERO IYO TALABIXIN? Waxaa fiican inaad qoyskaaga kala hadasho fikradaha iyo dareennadaada la xidhiidha cudurka iyo dawaynta. Haseyeeshee taasi way adkaan kartaa. Dadka buka qaarkood ayaa doorbida inay arrimahaas kala hadlaan cid ka baxsan qoyskooda. Shaqaalaha ayaa markaas kaa caawin kara helitaanka cid aad la hadli karto, sida gabadh ka tirsan ururka haweenka naaska laga qalay De brystopererede. Waxaad sidoo kale caawimo ka heli kartaa hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) ama lataliye bulsheed oo kommuunahaaga ka socda. Haweenka naaska laga qalay Haweenka naaska laga qalay De brystopererede waa koox dumar ah, oo qudhooda uu ku dhacay kansarka naasuhu. Waxay taageeraan oo caawiyaan dumarka uu ku dhaco kansarka naasuhu, isla marka cudurka lagaa helo iyo inta ka danbaysa laba- 19

daba. Waxaad si shakhsi ah tilifoon ugu la hadli kartaa, intaad cusbataalka ku jirto iyo markaad guriga timaaddoba. Waxaad la xidhiidhi kartaa, adigoo u maraya kalkaalisada caafimaadka, ama xarunta talabixinta ee hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse rådgivningscenter), ama bogga internetka ee www.cancer.dk/brystkræft. Hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) Hayadda la dagaalanka kansarku waxay xafiisyo ku leedahay dalkoo dhan. Waxaa loo yaqaan lataliyayaasha kansarka. Waxaad ka heli kartaa talabixin shakhsi ah haddaad soo wacdo ama aad fool ka fool u la kulanto. Sida ugu fudud ee aad latalinta kansarka u heli kartaa, waa inaad soo wacdo tilifoonka hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) 35 25 75 00 ama booqato boggooda internetka www.cancer.dk/kraeftraadgivninger. Talabixinta tilifoonka ee khadka kansarka Waxaad talabixin iyo tusaalayn ka heli kartaa tilifoonka khadka kansarka 80 30 10 30. Waa talabixin tilifooneed oo hayadda la dagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) bilaash ku siiso dadka qaba kansarka iyo ehelkooda. Waxana ay ku hadlaan afdheenish uun. Waxaad soo wici kartaa maalmaha shaqada 9:00 21:00 saac, sabtida iyo axaddana 12:00 17:00 saac. Maalmaha fasaxa ahna (helligdage) wuu xidhan yahay tilifoonku. Wararka internetka ee ku saabsan kansarka (internet) Hayadda la dagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) waxay bog af dheenish ku qoran ku leedahay internetka 20

21

www.cancer.dk, kaasoo la xidhiidha dawaynta cudurka kansarka, iyo taageerada iyo talabixnta aad heli karto. Waxaa kaloo jira bogag debedda laga leeyahay oo laga helo warar fiican oo khuseeya cudurka kansarka iyo dawayntiisa sida, www.cancer.backup.org iyo www.cancer.gov. Afka iyo turjumidda Ma jiraan tarjubaanno u shaqeeya hayadda la dagaalanka kansarka. Haddaad la hadalkooda ugu baahan tahay turjubaan, la xidhiidh kommuunahaaga. Haddaad rabto, in lagaa caawiyo sidaad kommuunaha uga codsan lahayd turjubaan, hayadda la dagaalanka kansarka ayaa kaa caawin doonta. MA U BAAHAN TAHAY IN GURIGA LAGUGU CAAWIYO? Dad badan oo bukaanka kansarka ah ayaa u baahan in laga caawiyo hawlaha guriga, sida nadaafadda. Kommuunaha ayaa go aamiya caawimada aad heli karto. Shaqaalaha cusbataalka ayaa laga yaabaa, inay kaa caawiyaan sidaad kommuunaha uga codsan lahayd kaalmada aad u baahan tahay, sida dib u carbin (genoptræning). Hadday tahay inaad xanuunka dartii ka maqnaato (sygemeldes) shaqada ama dhibaatooyin dhaqaale kula soo dersaan, waa inaad midkood la hadasho lataliyaasha bulsheed (socialrådgiver) ee kommuunahaaga. Lataliyaha bulsheed wuxuu sidoo kale kaala talin karaa xaaladaha kale ee ijtimaaciga ah. CAYMISKA Kansarku waa cudur halis ah (kritisk sygdom). Dad badan ayaa ku jira caymis, saameeya cudurrada halista ah - oo shaqadooda 22

ama ururkooda xirfadeed (fagforening) ka galay. Waxaa suuragal ah in caymisku ku siiyo deeq lacageed hal mar (engangsbeløb). Adiga ayey tahay inaad codsato deeqdaas. HADDII AAD DEBED U DHOOFAYSO Hadday noqoto inaad dhoofto, waa inaad dhakhtarkaaga kala hadasho, ka hor inta aanad dhoofin. Teeda kale waa inaad hubiso, in caymiskaagu daboolayo, haddaad safarka dhexdiisa ku xanuunsatid. Had iyo jeer ma dhacdo inuu daboolo. Waxaa 1dii janaweri ee 2008 soo baxay xeerar cusub oo khuseeya caymiska safarka. Hadduu socdaalkaagu Yurub dhexdeeda yahay, caymiskaaga safarku wuu shaqaynayaa. Haseyeeshee dabooli maayo qarashka dawaynta cudurrada halista ah (kroniske sygdomme), sida kansarka. Xafiiska caymiska ee kommuunahaaga ayaad ka heli kartaa buug yar oo ka hadlaya xeerarka cusub. La xidhiidh tilifoonka xafiiska caymiska safarka ee yurub (Europæiske Rejseforsikring), 33 27 83 03, ama booqo boggooda internetka www.er.dk, inta aanad ambabixin, si aad uga bogato xeerarka cusub, iyo waxyaabaha ay daboolayaan. Haddaad u safrayso meel Yurub ka baxsan, adiga ayaa iska bixinaya dhakhtarkii ku daweeya. La sii hadal shirkadda caymiskaaga, inta aanad dhoofin, si aad u hubiso, waxyaabuha uu caymiskaagu daboolayo, haddaad xanuunsatid. 23

Pjecerne i serien er udgivet på følgende sprog: arabisk, dansk, engelsk, somalisk, tyrkisk, urdu. Somalisk Brystkræft