KANSARKA MINDHICIRKA MALAWADKA
Kolofon Kræft i tyk- og endetarmen Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S cancer.dk og sst.dk Antropolog, mag.art. Ann-Britt Kvernrød, overlæge, dr.med. Iben Holten og overlæge, ph.d. Peter Meidahl Petersen (Kræftens Bekæmpelse) i samarbejde med akademisk medarbejder Niels Sandø og akademisk medarbejder Anne Rygaard Bennedsen (Sundhedsstyrelsen). cancer, patienter, behandling, rådgivning rådgivning somalisk Emneord: Kategori: Sprog: Version: 1.0, januar 2009 Layout og tryk: Trekroner Grafisk A/S Illustrationer: Henning Dalhoff Fotos: Mikael Rieck ISBN: 978-87-7676-757-0 ISBN: 978-87-7064-076-3 ISBN elektronisk version: 978-87-7676-756-3 Publikationen kan frit refereres med tydelig kildeangivelse. Alle fotos er modelfotos. Stor tak til lærere og elever på Høje Tåstrup Sprogcenter, sundhedsformidlere Meliha Saglanmak og Karim Aziz Hassan, samt læge Jon Trærup Andersen for at stille op til fotografering. 2
Buuggan yar waxaa loogu talagalay adiga, haddii aad tahay qofka qaba kansarka mindhicirka wayn ama ka malawadka, iyo qoyskaaga. Buuggan yari waxa uu ka hadlayaa labadaas cudur iyo sida loo daweeyo. Waxaad ka heli kartaa warar aad la istismaali karto, kuwa ay kuu sheegaan dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku. Denmark waxa sannad walba kansarka mindhicirka wayn ama ka malawadku ku dhacaan ilaa 3.600 oo qof. Cudurradani waxay gaar ahaan haleelaan dadka da doodu ka wayn tahay 50 jir. Badi dadku way argagaxaan, markay ogaadaan in kansar hayo. Hase yeeshee dawaynta kansarka mindhicirku marwalba way soo roonaataa. Marba marka ka horreeya ee la ogaado kansarka mindhicirka ayey fursadda lagaga bogsadaana badan tahay. Nofambar 2008 Iben Holten Dhakhtar sare, dr. med La dagaallanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) Else Smith Dhakhtar sare, gudd. ka hortegista cudurrada Sundhedsstyrelsen (agaasinka caafimaadka) 3
4
Tusmo Sidee ayuu u shaqeeyaa mindhicirku? 7 Maxaa keena kansarka mindhicirka? 7 Waa maxay astaamaha kansarka mindhicirku? 7 Sidee loo daweeyaa? 8 Sidee loo daweeyaa kansarka mindhicirka wayn? 8 Sidee loo daweeyaa kansarka malawadka (endetarmen)? 10 Dawayan ka baxsan cusbataalka 12 Maxaa la sameeyaa, marka dawayntu kuu dhammaato? 12 Qabatinka tuunbada (astomi) 15 Kantaroolka 17 Warar muhiim ah 17 Cusbataalka 17 Halkee ayaad ka heli kartaa taageero iyo talabixin? 19 Ma u baahan tahay in guriga lagugu caawiyo? 22 Caymiska 23 Haddii aad debed u dhoofayso 23 5
Beerka Mindhicirka Waaym Mindhicirka wayn Xuubka axalaha soo daaya ee mindhicirka wayn Mindhicirka yar Qabsin Malawadka Xididada dareeraha difaaca jidhka Qanjidhada difaaca jidhka Agagaarka mindhicirka waxa ku xeeran qanjidhada qaabilsan difaaca jidhka, kuwaas oo ku xidhan xididada dareeraha difaaca jidhka. Qanjidhada difaaca jidhku waxa sida oo kale ay ku yaalaan meelo kale oo jidhka ka mid ah. Waxana ay qayb ka yihiin hab dhiska difaaca jidhka. 6
SIDEE AYUNN U SHAQEEYAA MINDHICIRKU? Mindhicirka wayn iyo malawadku waxay inoo suurageliyaan, inaynu shiidno cuntada iyo cabitaanka. Dhererka Mindhicirka wayni waa ilaa 1,5 mitir. Dhererka malawadkuna waa ilaa 15 cm. MAXAA KEENA KANSARKA MINDHICIRKA? Cuntada ayaa door ka ciyaarta, inaynu qaadno kansarka mindhicirka. Halista aad ugu jirto inaad cudurkan qaadaa way korodhaa, haddii aad Cunto hilib badan in yar ka cunto khudradda cagaaran miisaankaagu badan yahay sigaar cabto alkahol (khamri) cabto aanad in badan dhaqdhaqaaqin oo aanad jimicsi samayn qoys la wadaagto qof uu ku dhacay kansarka mindhicirku. WAA MAXAY ASTAAMAHA KANSARKA MINDHICIRKU? Haddii dhowr wiig mar calooshu ku shubanto marna ku joogsato, waxay taasi astaan u noqon kartaa kansarka mindhicirka. Haddii sabab la aan miisaankaagu dhaco, saxarada dhiig soo raaco ama aad dhiig beesho, waxay iyaguna astaamo u noqon karaan kansarka mindhicirka. Marka saxaradu kaa soo dhammaan waydo (mindhicirku soo faaruqi waayo), waxay iyaduna astaan u noqon kartaa kansarka malawadka. 7
Dadka buka qaarkood ayaa xoog u xanuunsada, gaar ahaan markuu cudurku fido. Haddii buro wayni mindhicirka ka soo baxdo, waxay sababtaa inuu xidhmo. Waxana dhici karta inaad xoog u xanuunsato. SIDEE LOO DAWEEYAA? Kansarka mindhicirka waxaa lagu daweeyaa qalitaan, kimikal (kemoterapi) ama ilays (strålebehandling). Siyaabo kala duwan ayaa loo daweeyaa kansarrada mindhicirka wayn iyo malawadka. Sidaas awgeed labada nooc mid walba gaarkiisa ayeynu uga hadlaynaa. SIDEE LOO DAWEEYAA KANSARKA MINDHICIRKA WAYN? Dadka uu ku dhaco kansarka mindhicirka wayni waa la qalaa. Qalitaanka waxay dhakhtarradu ku gooyaan burada kansarka iyo hareeraheeda. Dadka badidiisa waa la isku tolaa laba qaybood ee mindhicirka. Qaarkoodna waxaa loo geliyaa tuunbo xidhiidhisa mindhicirka iyo caloosha (stomi). Tuubbadaasi waxay noqon kartaa kumeel gaadh ama mid weligeed ku jirta. Dawaynta kimikalka Dawaynta kimikalka waxaa la qaataa dawo disha unugyada kansarka. Badanaa dawaynta kimikalka waxaa loo qaataa dareere ahaan. Taas macnaheedu waxa uu yahay, waxay dawadu jidhka u soo maraysaa xididada dhiigga. Haddii baadhitaannada hore muujiyaan in cudurku jidhka ku fiday, kimikal ayaad qaadanaysaa, ka hor intaan lagu qalin. 8
9
Haddii qalitaanka gudihiisa lagu ogaado, in kansarku gaadhay qanjidhada qaabilsan difaaca jidhka (lymfeknuderne), qalitaanka dabadii ayaad qaadanaysaa kimikalka. Dhibaatooyinka ay keento dawaynta kimikalku Dawaynta kimikalku waxay saamaysaa unugyada kansarka qaba iyo unugyada caadiga ah ee jidhka qaarkood. Dhibaatooyin ayey keentaa, Calaamadaha lagu yaqaanana waa daal, amateedka oo xidhma, labalabo iyo matag. Dad ayey timuhu ka muldhaan, hase yeeshee dib ayey ugu soo baxaan, marka dawayntu u dhammaato. Bukaanka qaarkood ayaa calaacalaha iyo cidhbuhu casaan muruxsan noqdaan, ama indhuhu ilmeeyaan. SIDEE LOO DAWEEYAA KANSARKA MALAWADKA? Qalitaanka Waa lagu qalayaa, haddii uu kansarku ku kooban yahay malawadka, oo aanu fidin. Qalitaanka waxay dhakhtarradu ku gooyaan malawadka gebigii ama qayb ka mid ah. Qalitaanka dabadii mindhicirka waa la isku tolaa. Inta mindhicirku bogsanayo, badanaa waxay dhakhtarradu geliyaan tuunbo kumeelgaadh ah. Marka mindhicirku bogsadana, dib ayaa la isugu tolaa. Burada kansarku waxay soo gaadhi kartaa ilaa futada (endetarmsåbning), markaasna muruqa xidha ayaa la jaraa, dabadeed waxaa laguu geliyaa tuunbo weligeed kugu jirta. Haddii uu kansarku ku fido meelo ka baxsan mindhicirka, qalitaanka ka hor waxaa lagugu dawaynayaa ilays iyo kimikal. Taasi 10
waxay hoos u dhigtaa halista in kansarku dib u soo laabto. Haddaan burada la soo qali karin, ilayska iyo kimikalka ayaa burada shiikhiya. Marka sidan laguu daweeyo, haddana inta badan waxaa suurtogal ah in burada meesha lagaaga gooyo. Dawaynta ilayska Ilaysku waxa uu dili karaa unugyada kansarka. Ilayska waxaa lagu gubaa keliya barta kansarka. Dawaynta ilaysku marwalba waxay qaadataa dhawr miridh, mana laha xanuun la dareemo. Dhibaatooyinka ay keento dawaynta ilaysku Dadka qaarkood ayey dawaynta ilaysku ku keentaa daal iyo shuban. Dadka qaarkoodna waxba kuma keento oo si caadi ayey noloshooda u wataan. Marka lagugu daweeyo ilays waxaa laga yaabaa, inaad beriga danbe saxarada xejin kari waydo. Dadka qaarkood ayey qasab ku noqotaa inay muddo xafaayad qaataan. Dadka la qalo, ee ilaysna lagu daweeyaa, waxay had iyo jeer musqusha ugu noqnoqdaan, si ka badan sida dadka kale. Dawaynta kimikalka Waxaa la qaataa dawo disha unugyada kansarka. Badanaa dawaynta kimikalka waxaa loo qaataa dareere ahaan. Taas macnaheedu waxa uu yahay, waxay dawadu jidhka u soo maraysaa xididada dhiigga. Dhibaatooyinka ay keento dawaynta kimikalku Dawaynta kimikalku waxay saamaysaa unugyada kansarka qaba iyo qaar kaloo unugyada caadiga ah ee jidhka ah. Waxay dad badan ku keentaa daal, amateedka yaraada, yalaalugo iyo matag. 11
Dad ayey timuhu ka muldhaan, haseyeeshee dib ayey haddana ugu soo baxaan, marka dawayntu u dhammaato. Bukaanka qaarkood ayaa calaacalaha iyo cidhbuhu casaan muruxsan noqdaan, ama indhuhu ilmeeyaan. Dhibaatooyin kala duwan ayey keentaa oo qofba si ayey u saamaysaa. Isku dhib kuma wada keento dadka. Dhibaatooyinkeeda qaarkoodna waxaa dejin kara dawo la qaato. Dawaynta kansarka fida ee malawadka Haddii uu cudurku ku faafo beerka iyo xubnaha kale, waxaa lagugu daweynayaa kimikal. Waxaa sidoo kale kimikalka lagugu daweynayaa, haddii uu cudurku soo laabto. Dawaynta kansarka ku dhaca futada (analcancer) Dadka uu kansarku kaga dhaco futada lafteeda, waxaa badanaa lagu daweeyaa ilays iyo kimikal. Waa dawaynta ugu fudud ee shaqaysana. Xaaladaha qaarkood ayaa marka danbe la soo jari karaa burada. Dawayn ka baxsan cusbataalka Dad badan oo qaba cudurka kansarka ayaa qaata dawayn ka baxsan, ta cusbataalka uga socota, tusaale ahaan fiitamiinno. Dawaynaha qaarkood ayaa carqaladeeya ta cusbataalka. Sidaas awgeed waa inaad dhakhtarkaaga kala hadasho, inaad qaadato dawayn kale oo barbar socota ama ka baxsan, ta dhakhtarradu ku siiyaan, ama haddaad ku tashatay inaad dalka debeddiisa isku soo dawayso. 12
13
Tusaale ahaan meesha tuumbada astomi lagu samayn karo. 14
Cabidda sigaarka Haddii aad sigaar cabto, waxaa fiican inaad joojiso. Cabitaanka sigaarku waxa uu u daran yahay, bogsashada nabarrada qalitaanka dabadii. Dawaynta ilaysku xoog uma shaqayso, haddii aad sigaar cabto. Waxba tari mayso, inaad dhinto tubaakada aad qaadato. Waxaa wanaagsan, inaad gebi ahaanba joojiso cabitaanka sigaarka. MAXAA LA SAMEEYAA, MARKA DAWAYNTU KUU DHAMMAATO? Haddii aad qalitaanka dabadii dareento tamar la aan iyo daal, waa wax iska caadi ah. Dadka xanuunsanaya qaarkood ayuu jimicsigu ka bi iyaa daalka, kana kaxeeyaa ka fikirka cudurka. Waa muhiim inaad dhaqdhaqaaqdo oo xubnaha firfircooni geliso sida inaad dhawr jeer tamashle u baxdo. Waxaa kaloo muhiim ah inaad cunto fayow quudato. Kala hadal dhakhtarkaaga cuntada kuu fiican inaad qaadato. Dadka xanuunsanaya qaarkood ayey wax wayn u tartaa, inay la sheekaystaan dad kale oo qaba kansarka mindhicirka, waayo cudurka ayaa soo taabtay jidhkooda. Qabatinka tuunbada (stomi) Marka tuunbada laguu geliyo, mindhicirka ayaa lagu xidhaa caloosha, dabadeed halkaas ayey saxaradu soo martaa, halkay malawadka ka soo mari lahayd. Meesha mindhicirku ka haysto jidhka ayey tahay inuu kuugu jiro kolay yar oo saxaradu ku soo dhacdo. Dadka qaarkood ayaan qaadan kolayga yar, haseyeeshee waxay daloolka ku xidhaan fur ama dabool balastar ah. 15
16
Muddo ayey qaadataa in la qabatimo tuunbada, waana isbeddel wayn oo jidhka ku soo kordhay. Dadka qaarkood ayaa sidoo kale u baahda, inay wax ka beddelaan waxay cunaan. Waxaad la xidhiidhi kartaa ururka dadka bukaa leeyihiin ee COPA ama hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse), haddaad rabto inaad la sheekaysato cid tuunbo ku jirto. Haddii aad dhibaatooyin kala kulanto tuunbada, waxaad kala hadli kartaa kalkaaliyaha caafimaadka ee cusbataalka. Waxaa kaloo aad wici kartaa mid ka mid ah kalkaaliyayaasha caafimaadka ee shirkadda iibisa kolayada tuunbada (stomiposer). Kantaroolka Marka dawayntu kuu dhammaato, waa in dhawr sannadood lagu sii kantaroolo. Haddii lagu qalay, waxaa ku kantaroolaya qaybta qalitaanka (kirurgisk afdeling). Haddii kimikal lagugu daweeyayna, waxaa ku baadhaya dhakhtarrada qaybta (onkologisk afdeling). Muddada u dhaxaysa ballamaha kantaroolka, waa inaad isha ku hayso astaamaha soo socda: isbeddellada ku yimaada saxarada dhiig soo raaca saxarada meelo ku damqada ama xanuunno miisaanka oo dhaca sabab la aan Astaamahani ma tilmaamaan, in cudurkii soo laabtay. Haseyeeshee waa in dhakhtar ku baadho. 17
WARAR MUHIIM AH CUSBATAALKA Waajibka xilqarinta Shaqaalaha cusbataalka oo dhan waxaa ku waajib ah xilqarin. Looma oggola inay cid kale uga warramaan naftaada iyo cudurkaaga xataa hadday yihiin lamaanahaaga, ubadkaaga iyo xubnaha kale ee qoyskaaga. Adiga ayaa go aankeeda leh cidda wax ka ogaanaysa cudurkaaga. Sidaas awgeed waa inaad oggolaansho bixiso, intaan war ku khuseeya cid loo gudbin. Waajibka xilqarintu wuxuu ka dhigan yahay, inaad wararka naftaada iyo cudurkaaga khuseeya si kalsooni leh ugu sheegto dhakhtarkaaga iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka. Turjubaanka Dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku waa inay hubiyaan, inay ku fahmeen, adiguna aad fahantay. Haddii aanad ku hadlin ama fahmin af dheenishka, shaqaalaha ayaa kuugu yeedhaya turjubaan. Turjubaanku waa inuu noqdo dhexdhexaad, waxaana ku waajib ah xilqarin. Ma habboona in xubnaha qoyska loo adeegsado turjubaan. Tarjubaanada khibradda lihi waxay garanayaan eraybixinta caafimaadka, oo waxa dhakhtarku ku yidhaa si fiican ayey u turjumaan. Sidaas awgeed waxa habboon in turjubaan laguugu yeedho, xataa haddaad si fiican isugu debberto af dheenishka caadiga ah. Lataliyaha bukaanka Badi cusbataallada waawayn waxaa jooga lataliye bukaan. Lataliyaha bukaanku waxa uu kuu sheegi karaa tusaale ahaan, fursadda lagugu dawayn karo cusbataal kale. Hadday jiraan wax aanad 18
fahmin ama wax aad ka cabanaysana, wuu kaa caawiyaa. Waxaana ku waajib ah xilqarin. Lataliyaha bukaanku wuxuu kugu la hadlayaa keliya af dheenish. Turjubaan kuma lihid la taliyaha, inkastoo cusbataallada qaarkood kuu keenayaan. Joornaalka cusbataalka Cusbataalka gudihiisa, waxay dhakhtarradu qoraan joornaal ku saabsan cudurkaaga, natiijooyinka baadhitaannada iyo dawaynta. Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato, waxa ku qoran joornaalka. Had iyo goor waad dalban kartaa nuskhad joornaalkaaga ah iyo dhakhtar kuu sheega waxa ku qoran. HALKEE AYAAD KA HELI KARTAA TAAGEERO IYO TALABIXIN? Waxaa fiican inaad qoyskaaga kala hadasho fikradaha iyo dareennadaada la xidhiidha cudurka iyo dawaynta. Haseyeeshee way adkaan kartaa. Dadka xanuunsanaya qaarkood ayaa doorbida inay arrimahaas kala hadlaan cid qoyskooda ka baxsan.shaqaalaha ayaa kaa caawin kara helitaanka cid aad la hadli karto, sida tusaale ahaan ururka dadka qaba cudurkan ee COPA. Waxaad sidoo kale caawimo ka heli kartaa kommuunahaaga. Ururka dadka buka ee COPA COPA waa urur ay leeyihiin dadka buka dadka ku jira waxaa ka mid qaar laga qalay kansarka mindhicirka oo loo geliyey tuubo. COPA wuxuu gacan qabtaa oo caawiyaa dadka tuubada loo geliyey. Badi waxaa talooyinka bixiya dad qudhooda tuubadu ku jirto, waxaana ay ka talabixin karaan waxyaabo ay ka mid yihiin cuntada, sida uu qofku ula noolaan lahaa lamaanihiisa iyo jimicsiga. COPA waxaa loogu talagalay dadka buka iyo qoysaskooda. 19
Xoghaynta COPA Skt. Hansgade 26 B 4100 Ringsted Tlf. 57 67 35 25 e-mail: sekretariatet@copa.dk www.copa.dk Hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) Hayadda la dagaalanka kansarku waxay xafiisyo ku leedahay dalka oo dhan. Waxaa loo yaqaan lataliyayaasha kansarka. Waxaad ka heli kartaa talabixin shakhsi ah haddaad soo wacdo ama aad u la kulanto fool ka fool. Sida ugu fudud ee aad latalinta kansarka u heli kartaa, waa inaad soo wacdo tilifoonka hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) 35 25 75 00 ama bogga internetka www.cancer.dk/kraeftraadgivninger. Talabixinta tilifoonka ee khadka kansarka Waxaad talabixin iyo tusaalayn ka heli kartaa tilifoonka khadka kansarka 80 30 10 30. Waa talabixin tilifooneed oo hayadda la dagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) bilaash ku siiso dadka qaba kansarka iyo xigtadooda. Waxana ay ku hadlaan uun af dheenish. Waxaad maalmaha shaqada soo wici kartaa xilliyada:- 9:00 21:00, sabtida iyo axaddana xilliyada :- 12:00 17:00. Maalmaha fasaxa ah (helligdage) wuu xidhan yahay. Wararka internetka ee ku saabsan kansarka (internet) Hayadda la dagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) waxay bog af dheenish ku qoran ku leedahay internetka 20
21
www.cancer.dk, kaasoo la xidhiidha dawaynta cudurka kansarka, iyo caawimada iyo talabixnta aad heli karto. Waxaa kaloo jira bogag debedda laga leeyahay oo laga helo warar fiican oo khuseeya cudurka kansarka iyo dawayntiisa sida, www.cancer.backup.org iyo www.cancer.gov. Afka iyo turjumidda Ma jiraan turjubaanno u shaqeeya hayadda la dagaalanka kansarka. Haddii aad la hadalkooda ugu baahan tahay turjubaan, la xidhiidh kommuunahaaga. Haddii aad rabto, in lagaa caawiyo sidaad kommuunaha uga codsan lahayd turjubaan, hay adda la dagaalanka kansarka ayaa kaa caawin doonta. MA U BAAHAN TAHAY IN GURIGA LAGUGU CAAWIYO? Qaar badan oo dadka qaba kansarka ah ayaa u baahan in laga caawiyo hawlaha guriga, sida nadaafadda. Kommuunaha ayaa go aamiya caawimada aad heli karto. Shaqaalaha Cusbataalka ayaa laga yaabaa, inay kaa caawiyaan sidaad kommuunaha uga codsan lahayn kaalmada aad u baahan tahay, sida dib u carbin (genoptræning). Hadday tahay inaad xanuunka dartii kaga maqnaato (sygemeldes) shaqadaada ama dhibaatooyin dhaqaale ku soo food saara, waa inaad la hadasho lataliyaasha bulsheed (socialrådgiver) ee kommuunahaaga midkood. Lataliyaha bulsheed waxa uu sidoo kale kaala talin karaa xaaladaha kale ee ijtimaaciga ah. 22
CAYMISKA Kansarku waa cudur halis ah (kritisk sygdom). Dad badan ayaa ku jira caymis saameeya cudurrada halista ah (kritisk sygdom) - oo shaqadooda ama urur xirfadeedkooda (fagforening) ka galay. Waxaa suuragal ah in caymisku ku siiyo deeq lacageed hal mar (engangsbeløb). Adiga ayey tahay inaad codsato lacagtaas. HADDII AAD DEBED U DHOOFAYSO Hadday noqoto inaad dhoofto, waa inaad dhakhtarkaaga la hadashaa, ka hor inta aanad dhoofin. Teeda kale waa inaad hubiso, in caymiskaagu daboolayo, haddaad safarka dhexdiisa ku xanuunsatid. Had iyo jeer ma dhacdo inuu daboolo. Waxaa 1dii janaweri ee 2008 soo baxay xeerar cusub oo khuseeya caymiska safarka. Haddii uu socdaalkaagu Yurub dhexdeeda yahay, caymiskaaga safarku markaas wuu shaqaynayaa. Haseyeeshee dabooli maayo qarashka dawaynta cudurrada aan la dawayn karin (kroniske sygdomme) ee sida kansarka. Xafiiska caymiska ee kommuunahaaga ayaad ka heli kartaa buug yar oo ka hadlaya xeerarka cusub. La xidhiidh tilifoonka xafiiska caymiska safarka ee yurub (Europæiske Rejseforsikring), 33 27 83 03, ama boggooda internetka www.er.dk, inta aanad ambabixin, si aad uga bogato xeerarka cusub, iyo waxyaabaha ay daboolayaan. Haddaad u safarto meel Yurub ka baxsan, adiga ayaa iska bixinaya dhakhtarka ku daweeya. La sii hadal shirkadda caymiskaaga, inta aanad dhoofin, si aad u hubiso waxyaabaha uu daboolayo caymiskaagu, haddii aad xanuunsatid. 23
Pjecerne i serien er udgivet på følgende sprog: arabisk, dansk, engelsk, somalisk, tyrkisk, urdu. Somalisk Kræft i tyk- og endetarmen