KANSARKA QANJIDHKA KAADI MAREENKA RAGA



Relaterede dokumenter
KANSARKA MINDHICIRKA MALAWADKA

Alle fotos er modelfotos.

Alle fotos er modelfotos.

Symptomer på kræft Kræftens Bekæmpelse. Astaamaha Kansarka. Somali

casharada lasoo siiyo

NIDAAMKA CAAFIMAADKA EE DHEENISHKA Det danske sundhedsvæsen

U Isticmaalka Dawada Sida Saxda AH. Nin dhallinyaro ah 02:33 Waxan u socdaa dhakhtarka si laygaga talaalo cudurka beerka.

Qoyska, jinsiga iyo xuquuqaha ka jira Denmark

Sundhed og Sygdom Dialogliste Somalisk

UNDERSØGELSER AF DET UFØDTE BARN SOMALISK. Baadhitaanada cunugga aan dhalan

S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k K u n f o r K v i n d e r D i a l o g l i s t e

LUUQADDA IYO WAX -AQRINTA WAA MASUULIYAD NAGA WADA DHEXAYSA WARGELIN KU JEEDA WAALIDIINTA ISKOOL BILAABIDA

UBAD CAAFIMAAD QABA oo dal shisheeye deggen. Somalisk

AFKU WAA HADYAD CARBINTA AFKA EE GURIGA

Warbixinta Bukaanka DAAWEYNTA KANSARKA. Patientinformation MEDICINSK KRÆFTBEHANDLING. Dansk/Somali

Alle fotos er modelfotos.

Prostatakræft. Kolofon

Nidaamka daryeelka caafimaadka ee Deenishka. Det danske sundhedsvæsen

XAQIIQOOYIN IYO TALOOYIN KU SAABSAN. cabidda iyo joojinta sigaarka

KRÆFT I TYK- OG ENDETARMEN

KU CUSUB WADDANKA. Talooyin wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka dhalaanka

S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k S u n d h e d og S y g d o m D i a l o g l i s t e

UNDERSØGELSER AF DET UFØDTE BARN SOMALISK. Baadhitaanada cunugga aan dhalan

Horumarinta Luqadda - Waa masuuliyad la wadaago. Wargelin ku wajahan waaliddinta leh carruurta da doodu u dhaxaysa 0 iyo 3 sano

Talo-bixinta bilaashka ah ee hay adda Dansk Flygtningehjælp SOMALI

DUGSIGA JORDAL. Warbixin loogu talogalay waalidiinta

fordi du kan fordi der er brug for dig fordi du får en bedre fremtid Dit barns uddannelse er afgørende for dit barns fremtid.

Aalborg Øst. Iskaashi iyo wadanoolaansho. Ann-Dorte Christensen Sune Qvotrup Jensen

Qofka adigoo kale ah oo denbi-fal loo geystay

buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da yarta aan la wehelin ee magangelyo doonka ah

Alle fotos er modelfotos.

iyo I dhageyao Aniga!

Dhalinyarada soo socota. Warbixin ku saabsan waxbarashada oo loogu talagalay dhallinyarada iyo waalidkood

Diyaarinta cuntada qaadada ee ugu horaysa. Den første skemad. Somalisk. Kamuunka Egedal

FORÆLDRETILFREDSHED 2011 Svarprocent: 46,7%

Waxbarasho -Mustaqbalka caruurtaada

Aarhus-aftalen. Skolernes tillids- og arbejdsmiljørepræsentanter samt forældre og forvaltning tog hul på dialog

Du kan få indflydelse på dit barns skole

Warbixin loogu talagalay waalidka

CAADAYSIYO CAAFIMAADQABA

KVINFOs mentornetværk. Ku soo darmo

H.C. ANDERSEN. Sheekaxariir 2005 SOMALI

Du kan få indflydelse på dit barns skole 1

Invitation. Din mening er vigtig for os. Kære beboer i Gellerupparken og Toveshøj

DET ER DIT VALG. en guide til demokratisk deltagelse i Danmark RÅDET FOR ETNISKE MINORITETER

Det danske sundhedsvæsen. Urdu

SPROG OG LÆSNING ET FÆLLES ANSVAR INFORMATION TIL FORÆLDRE - INDSKOLINGEN

Nu går vi i gang med vejene

SPROGLIG UDVIKLING - ET FÆLLES ANSVAR

Februar TEKST TIL BILLEDE

SPROGVURDERING OG SPROGSCREENING AF 3-ÅRIGE BØRN

MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK

Dimensioneringsplan Introduktions- og Hoveduddannelsesforløb i Speciallægeuddannelsen

Rygestop i almen praksis Kursus, internetbaseret program eller samtale

Fra boligområde til bydel

Drikkemønstre og oplevede konsekvenser

Beboerblad for. Ellekonebakken, Guldstjernevej og Firkløvervej April FORÅRET ER PÅ VEJ

Bilagsdel til rapport: Brug af khat blandt personer med somalisk baggrund i Danmark. en undersøgelse af omfang og holdning

Postoperativ smertebehandling i hjemmet med en elastomerisk pumpe en medicinsk teknologivurdering Sammenfatning

Beboerblad for. Ellekonebakken, Guldstjernevej og Firkløvervej Juni. Der hygges, inden pigerne skal spille fodbold. Alle ønskes en god sommer

Sundhedsøkonomisk analyse af diagnostiske Strategier ved symptomer på ende- og tyktarmskræft en medicinsk teknologivurdering Sammenfatning

Rygematerialer til etniske UDBUDSMATERIALE PÅ UDARBEJDELSE AF MATERIALER OM RYGNING RETTET TIL BORGERE MED ANDEN ETNISK BAGGRUND END DANSK

Monitorering af pakkeforløb for kræft kvartal 2008

RÅDGIVNING VEDRØRENDE EKSPERIMENTEL BEHANDLING FOR MENNESKER MED LIVSTRUENDE SYGDOMME

En guide til demokratisk deltagelse i Danmark!

MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK

NUKLEARMEDICINSKE OPGØRELSER brug af radioaktive lægemidler ved nuklearmedicinske undersøgelser og behandlinger i Danmark

Sproglig praksis i og omkring modersmålsundervisning

Udviklingen i forbruget af lægemidler mod depression og angst. Fra januar 2011 til december Notat

MATERIALER MÅLRETTET ETNISKE MINORITETER I DANMARK

SUNDE BØRN. Vejledning til forældre med børn i alderen 0-3 år

Monitorering af forløbstider på kræftområdet

Celleforandringer i livmoderhalsen

FOREBYGGENDE HELBREDSUNDERSØGELSER OG HELBREDSSAMTALER I ALMEN PRAKSIS - en analyse af patientperspektivet Sammenfatning

Husorden. Husorden for Mjølnerparken يجب غلق اكياس النفايات جيدا قبل رميها بالمكان المخصص لها عدم رمي بقايا الطعام من النوافذ النها تجذب الفئران.

AMBULANT OPERATION FOR NEDSYNKNING I SKEDEN

MONITORERING AF KRÆFTOMRÅDET:

Sundhedsstyrelsens arbejde med etniske minoriteters sundhed

Sundhedsstyrelsens arbejde med etniske minoriteters sundhed

om rygning og rygestop

Den socioøkonomiske reference. for resultaterne AF de nationale test. en vejledning til skoleledere og kommuner

Udviklingen i forbruget af lægemidler mod depression

Fagligt skole-hjemsamarbejde på flere sprog. Inspiration til lærere og flersprogede familier

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 ODSHERRED KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 AALBORG KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 RANDERS KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 VEJLE KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 ASSENS KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 KØGE KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 GENTOFTE KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 HOLBÆK KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 GLOSTRUP KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 VARDE KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 VORDINGBORG KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 KERTEMINDE KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 NORDFYNS KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 JAMMERBUGT KOMMUNE

Dimensioneringsplan INTRODUKTIONS- OG HOVEDUDDANNELSESFORLØB I SPECIALLÆGEUDDANNELSEN

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 IKAST-BRANDE KOMMUNE

Kommunerapport OMKOSTNINGER TIL ALKOHOLOVERFORBRUG, NR. 3 ESBJERG OG FANØ KOMMUNER

Transkript:

KANSARKA QANJIDHKA KAADI MAREENKA RAGA

Kolofon Prostatakræft Udgiver: URL: Redaktion: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S cancer.dk og sst.dk Antropolog, mag.art. Ann-Britt Kvernrød, overlæge, dr.med. Iben Holten og overlæge, ph.d. Peter Meidahl Petersen (Kræftens Bekæmpelse) i samarbejde med akademisk medarbejder Niels Sandø og akademisk medarbejder Anne Rygaard Bennedsen (Sundhedsstyrelsen). cancer, patienter, behandling, rådgivning rådgivning somalisk Emneord: Kategori: Sprog: Version: 1.0, januar 2009 Layout og tryk: Trekroner Grafisk A/S Illustrationer: Henning Dalhoff Fotos: Mikael Rieck ISBN: 978-87-7676-770-9 ISBN: 978-87-7064-077-0 ISBN elektronisk version: 978-87-7676-769-3 Publikationen kan frit refereres med tydelig kildeangivelse. Alle fotos er modelfotos. Stor tak til lærere og elever på Høje Tåstrup Sprogcenter, sundhedsformidlere Meliha Saglanmak og Karim Aziz Hassan, samt læge Jon Trærup Andersen for at stille op til fotografering. 2

Buuggan yar waxaa loogu talagalay adiga, haddii aad tahay qofka qaba kansarka qanjidhka kaadimareenka, iyo qoyskaaga. Buuggan yari waxa uu ka hadlayaa cudurka iyo sida loo daweeyo. Waxa aad la isticmaali kartaa waxyaalaha ay kuu sheegaan dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku. Denmark waxa uu kansarka qanjidhka kaadimareenku sannad walba ku dhacaa ilaa 2.400 oo nin. Kansarka qanjidhka kaadimareenku waxa uu ku dhacaa keliya ragga da doodu ka wayn tahay 40 jir. Ragga qaba kansarka qanjidhka kaadimareenka waxa ay u badan yihiin qaar ka wayn 60 jir. Dawaynta kansarka qanjidhka kaadimareenku marwalba way sii fiicnaataa. Rag badan ayaa hadda sii noolaada sannado badan, ka dib marka laga helo cudurka. Kansarka qanjidhka kaadimareenku, dhaqso ayuu u koraa ama wuu gaabiyaa. Dawayntiisu waxay ku xidhan tahay, intuu baahsan yahay, iyo in uu cudurku fiday. Ragga qaba kansarka qanjidhka kaadimareenka qaarkood ayaan la dawayn, waayo cudurka ayaa si aad u gaabis ah u koraya, dhibaatana aan ku hayn. Haseyeeshee cusbataalka ayey la xidhiidhaan si loo kantaroolo. Nofambar 2008 Iben Holten Dhakhtar sare, dr. med La dagaallanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) Else Smith Dhakhtar sare, gudd. ka hortegista cudurrada Sundhedsstyrelsen (agaasinka caafimaadka) 3

4

Tusmo Qanjidhka kaadi mareenka 7 Maxaa keena kansarka qanjidhka kaadimareenka? 7 Waa maxay astaamaha kansarka qanjidhka kaadi mareenku? 7 Sidee loo daweeyaa? 8 Sidee loo daweeyaa kansarka ku kooban qanjidhka kaadi mareenka? 8 Qofkee ayaan la dawayn? 11 Sidee loo daweeyaa kansarka baahsan ee qanjidhka kaadii mareenka? 11 Maxaa la sameeyaa, marka dawayntu kuu dhammaato? 15 Warar muhiim ah 18 Cusbataalka 18 Halkee ayaad ka heli kartaa taageero iyo talabixin? 19 Ma u baahan tahay in guriga lagugu caawiyo? 22 Caymiska 23 Haddii aad debed u dhoofayso 23 5

Kaadihays Lafta gumaarka Xawohays Malawadka Qanjidhka kaadi mareenka Kaadimareenka Xiniinta Qaybaha hoose ee ragga. 6

QANJIDHKA KAADI MAREENKA Ragga oo qudh ah ayaa leh qanjidhka kaadi mareenka. Qanjidhka kaadi mareenka waxaa kale oo la yidhaahdaa (blærehalskirtel). Baaxadda qanjidhka kaadi mareenku waa qiyaastii 3 cm. Waxa uu ku hoos yaal kaadihaysta, kaadimareenkuna wuu dhex maraa. MAXAA KEENA KANSARKA QANJIDHKA KAADI MAREENKA? Garan mayno sababta keenta, haseyeeshee markasta oo da daadu sii waynaataba, way sii korodhaa halista aad ku qaadi kartaa. Haddii qoyskiinna rag badan uu ku dhacay kansarka qanjidhka kaadimareenku, adiga qudhaadu halis wayn ayaad ugu jirtaa cudurka. WAA MAXAY ASTAAMAHA KANSARKA QANJIDHKA KAADI MAREENKU? Badi astaamaha caadiga ah ee kansarka qanjidhka kaadi mareenku waa inay had iyo jeer ku qabato kaadi, oo habeenkiina aad u kacdo, talleejintuna habacdo. Astaamaha kale waxaa ka mid ah kaadida oo kugu googo da, dhiig soo raaca kaadida, kaadihaysta oo ku xanuunta iyo dhiig soo raaca xawada. Astaamahaa waxa sabab u noqon kara waaxyaalo kale oo badan oo aan ahayn kansarka qanjidhka kaadi mareenka. Waxay qaadan kartaa 10 ilaa 15 sano, inay soo shaac baxaan astaamaha cudurku. Laakiin kansarku sidaa si ka dhakhso badan wuu u kori karaa oo uu qaybaha kale ee jidhkana ugu fidi karaa, gaar ahaan lafaha oo uu xanuunjiyo. 7

SIDEE LOO DAWEEYAA? Ragga qaarkood ayuu cudurku kaga dhacaa qanjidhka kaadimareenka oo keli ah. Kuwaas waa la dawayn karaa, cudurkana way ka bogsan karaan. Qaar kalena jidhka ayuu ku fidaa cudurku, waxaana loo sameeyaa dawayn hakisa in cudurku kobco, haseyeeshee laga ma bogsiin karo. SIDEE LOO DAWEEYAA KANSARKA KU KOOBAN QANJIDHKA KAADI MAREENKA? Waxaa jira fursado fiican oo lagu daweeyo, lagagana bogsado kansarka qanjidhka kaadimareenka, hadduu kansarku ku kooban yahay qanjidhka kaadimareenka. Waxaa lagu daweeyaa qalitaan ama ilays. Qalitaanka Qalitaanka waxaa lagu jaraa qanjidhka kaadimareenka oo dhan. Dabadeedna waxaa la isku tolaa kaadimareenka iyo kaadihaysta. Dhibaatooyinka uu keeno qalitaanku Rag badan ayaa qalitaanka dabadii, bilaha hore ceshan kari waaya kaadida. Sidaas awgeed waxaa kaadimareenka la geliyaa dhuun yar oo jilicsan oo balaastik ah (et kateter), taas oo ku jirta dhawr wiig. Qalitaanka dabadii, ragga qaarkood ayey kaadi yari kaga fakataa surwaalka, marka ay wax culus qaadaan, qufacaan ama hindhisaan. Rag badan ayaa qalitaanka dabadii ay ku adkaataa, inay kacsadaan.dhibaatadani badi weligood way la socotaa, haseyeeshee mararka qaarkood ayey roonaadaan dhawr sano ka dib. Dhibaatooyinka la xidhiidha kacsiga, mararka qaarkood ayaa loo qaadan karaa dawooyin. Kala hadal arrintaas dhakhtarkaaga. 8

9

Dawaynta ilayska Ragga qaarkood ayaa halkii laga qali lahaa, lagu daweeyaa ilays. Ilaysku waxa uu dilaa unugyada kansarka. Ilayska waxaa lagu gubi karaa korka iyo gudaha labadaba. Ragga qaarkood ayaa sidoo kale lagu daweeyaa hormoon badi irbad ahaan loogu mudo, inta ilayska lagu dawaynayo ama ka hor ama ka dibba. Ilaysku xanuun ma aha. Dawaynta ilayska ee korka Waxaa laguu sameeyaa 5 jeer wiiggii muddo 7-8 wiig ah. Markastana waxay qaadataa 10 miridh. Cusbataalka la isma dhigayo haddii laguu sameeyo dawaynta ilayska ee korka. Dawaynta ilayska ee gudaha Waxaa lagu sameeyaa cusbataalka, halkaasoo xubuub radioaktive ah la dhigo qanjidhka kaadimareenka gudihiisa. Xubuubka bartaas ayaa lagu daynayaa, radioaktivkuna marka danbe wuu tagaa. Dhibaatooyinka ay keento dawaynta ilayska ee korku Dawaynta ilayska ee korku waxay keeni kartaa astaamaha xanuunka kaadihaysta oo kale. Waa, adigoo had iyo jeer ay ku qabato kaadi, markaad kaajaysana dhidida. Sida caadiga ah astaamahaasi waxay tagaan, marka dawayntu kuu dhammaato. Ragga qaarkood dawaynta ilaysku waxay yaraysaa kaadihaysta, dabadeed had iyo goor kaadi ayaa qabata. Rag badan ayaa inta badan shubma, dhibaatana kala kulma soo wada faaruqinta mindhicirka. Ragga qaarkood weligood way la socdaan dhibaatooyinkaasi. Dawaynta ilayska ee korka waxa kaloo ay halisteeda kordhisaa, in la kacsan waayo. Dhibaatada kacsi la aantu sannadka hore ayey tallaabo tallaabo u timaadaa, dabadeed way tegi waydaa. Ragga qaarkood waxaa caawiya dawooyin la qaato. 10

Dhibaatooyinka ay keento dawaynta ilayska ee gudaha Dawaynta ilayska ee guduhu waxay keeni kartaa, in la kaaji kari waayo. Caadi ahaan waxay dhibaatadaasi tagtaa lix bilood ka dib. Dawaynta ilayska ee gudaha waxay kaloo halisteeda kordhisaa, in la kacsan waayo. Ragga qaarkood waxaa caawiya dawooyin la qaato. QOFKEE AYAAN LA DAWAYNEYN? Haddii kansarku aanu dhib lahayn, waxay dhakhtarradu yeeli karaan, inay la socdaan horumarkiisa, iyagoo aan ku dawayn. Marka muddo soo wareegtaba cusbataalka ayaad tegaysaa, si laguu kantaroolo. Sidaas ayay dhakhtarradu isha ugu haynayaan, in cudurku kobcayo. Marka ugu horraysa ee cudurku koro, ayayna dawayntu bilaabantaa. Ragga qaarkoodna weligood astaamaha cudurka ma yeeshaan. SIDEE LOO DAWEEYAA KANSARKA BAAHSAN EE QANJIDHKA KAADI MAREENKA? Hadduu kansarku ku baaho meelo ka baxsan qanjidhka kaadi mareenka, cudurka lama bogsiin karo, haseyeeshee waa la xakamayn karaa. Hormoonka labnimada ee testosteron ayaa keena in kansarku uu kobco. Hormoonkaas waxaa sameeya xiniinyaha. Waxaa jira laba nooc oo loo daweeyo, meeshana ka saari kara hormoonkaas ama saamaynta hormoonkaasi ku leeyahay jidhka, waana: dawaynta lidka-hormoonka iyo qalitaan, kaas xiniinyaha lagu saaro. 11

Dawaynta lidka hormoonka Waxaa jira noocyo kala duwan oo dawaynta lidka hormoonka ah, sida: irbado iyo kiniinno. Dawayntu waxay hoos u dhigtaa xaddiga hormoonka labnimada testosteron ee jidhka. Xiniinyaha oo la saaro Ragga qaarkood ayaa qalliin lagaga saaraa xiniinyaha. Dhakhtarradu waxay saaraan keliya bu da xiniinyaha. Barta lagaa qalayo ayuun baa la suuxiyaa, sida qaalibka ahna isla maalintaas ayaad cusbataalka ka baxaysaa oo aad gurigaagii aadaysaa. Dhibaatooyinkeeda Kol haddii aanad samaynayn hormoonka labnimada testosteron, isbedello dhawr ah ayaa ku dhacaya jidhkaaga. Rag badan ayaa yeesha olol, jidhku gubto, miisaan badani fuulaa, oo gadhka soo bixiddiisuna raagtaa. Xoog ayaad u daali kartaa, waad tamar beeli kartaa oo hammaduna kaa guurtaa. Ragga qaarkood ayaa gebi ahaan ama badh awoodi waaya gudashada jinsiga. Qaarkoodna waxa ku dhaca qanjidhada naasaha oo damqada iyo naasaha oo waawaynaadana. Dawaynta kimikalka Ragga qaarkood ayaa lagu daweeyaa kimikal, waayo dawaynta lidkahormoonnada ayaa shaqayn wayda. Dawaynta kimikalka waxaa la qaataa dawo disha unugyada kansarka. Kimikalka waxaa loo qaataa dareere ahaan. Taas macnaheedu wuxuu yahay, dawadu waxay jidhka u soo maraysaa xididada dhiigga. Dawaynka kimikalku waxay hakin kartaa astaamaha cudurka oo cimrigana way dheeraysaa. Dhibaatooyinkeeda Dawaynta kimikalku waxay saamaysaa unugyada kansarka qaba iyo qaar kaloo unugyada caadiga ah ee jidhka ah. Dawaynta kimikalku 12

13

waxay keeni kartaa yalaalugo, daal, caabuq iyo timaha oo muldha. Timuhu dib ayay u soo baxaan, marka dawayntu kuu dhammaato. Sidee loo daweeyaa xanuunada la xidhiidha kansarka baahsan ee qanjidhka kaadi mareenka? Haddii uu kansarku ku fido lafaha, had iyo goor aad ayey u xanuun kulul yihiin. Waxaa jira dawooyin kala duwan oo dejiya xanuunka, kuwaasoo dhakhtarradu ku siin karaan. Ragga qaarkood ayaa ilays lagu daweeyaa, haddii ay caawin waayaan dawooyinka xanuunka dejiyaa. Dhibaatooyin kala duwan ayey keentaa oo qofba si ayey u saamaysaa. Isku dhib kuma wada keento dadka. Dhibaatooyinkeeda qaarkoodna waxaa dejin kara dawo la qaato. Gudashada jinsiga Dawaynta kansarka qanjidhka kaadimareenku way raadaysaa gudashada jinsiga. Waxaa laga yaabaa in qalitaanka iyo dawaynta ilaysku burburiyaan dareemayaasha guska, taasoo keeni karta in la kacsan waayo. Saarista xiniinyaha iyo dawooyinka la qaataa waxay raadeeyaan hormoonnada, waxaana la arkaa inay hoos u dhigaan xiisaha iyo awoodda jinsiga. In la aqbalo ama laga hadlo dhibaatooyinka jinsigu way adkaan karaan, waayo waa arrimo xasaasi ah. Dad badan ayey xoog u caawisaa, inay arrintan kala hadlaan lammaanahooda ama cid kale oo ay ku kalsoon yihiin. Dhakhtarrada ayaa kugu caawin kara dawooyin kala duwan sida, irbad guska lagu mudo iyo kiniinno guska kiciya. 14

Dawayn ka baxsan cusbataalka Dad badan oo qaba cudurka kansarka ayaa qaata dawayn ka baxsan, ta cusbataalka uga socota, tusaale ahaan fiitamiinno. Dawaynaha qaarkood ayaa carqaladeeya ta cusbataalka. Sidaas awgeed waa inaad dhakhtarkaaga kala hadasho, inaad qaadato dawayn kale oo barbar socota ama ka baxsan, ta dhakhtarradu ku siiyaan, ama haddaad ku tashatay inaad dalka debeddiisa isku soo dawayso. Cabidda sigaarka Haddaad sigaar cabto, waxaa fiican inaad joojiso. Cabitaanka sigaarku wuxuu u daran yahay, bogsashada nabarada qalitaanka dabadii. Dawaynta fallaadhaha ilaysku xoog u ma shaqayso, haddii aad sigaar cabto. Waxba tari mayso, inaad dhinto tubaakada aad qaadato. Waxaa wanaagsan, inaad gebi ahaan joojiso cabitaanka sigaarka. MAXAA LA SAMEEYAA, MARKA DAWAYNTU KUU DHAMMAATO? Haddaad qalitaanka dabadii dareento tamar la aan iyo daal, waa wax iska caadi ah. Dadka xanuunsanaya qaarkood ayuu jimicsigu ka kaxeeyaa daalka, kana bi iyaa ka fikirka cudurka. Waa muhiim inaad dhaqdhaqaaqdo oo xubnaha firfircooni geliso sida inaad dhawr jeer tamashle u baxdo. Waa muhiim, inaad cunto fayow quudato. Kala hadal dhakhtarkaaga waxyaabaha kuu wanaagsan inaad cuno. Dadka buka qaarkood ayuu cudurku geyaysiiyaa waxyaabo, ay noqoto inay qabatimaan oo bartaan siday u la noolaan lahaayeen. Qaar kale ayey wax wayn u tartaa, inay la sheekaystaan rag kale oo qaba kansarka qanjidhka kaadi mareenka, waayo cudurka ayaa soo taabtay jidhkooda. 15

16

Kantaroolka Dawaynta dabadeed waa in lagu kantaroolo ilaa lixdii billoodba mar. Xilliga kantaroolka caadi ahaan dhakhtarka ayaa dhiig kaa qaada, si loo baadho xaddiga PSA ah ee ku jira dhiigga. PSA waxaa sameeya qanjidhka kaadimareenka, dhiigga ayaana laga helaa. Haddaad qabto kansarka qanjidhka kaadi mareenka, xaddiga PSA ee ku jira dhiiggaagu wuu ka badanayaa, inta caadiga ah. Marka lagu kantaroolayo, waxaad dhakhtarka kala hadli kartaa su aalaha iyo dhibaatooyinka la xidhiidha cudurka. Dhakhtarku wuxuu kuu sheegi karaa, cidda ama meesha ku caawin karta, haddaad ka cabanayso awood la aan xagga jinsiga ah. Haddaan lagu dawayn, waa inaad kantaroolka marto muddo u dhaxaysa 3 12 billod. Markaas wuxuu dhakhtarku baadhaa, in cudurku fiday. Haddaad qaadato dawaynta hormoonka, waa inaad kantaroolka marto muddo u dhaxaysa 3 6 billod. Markaas wuxuu dhakhtarku baadhaa, siday u shaqaynayso dawayntu, iyo inay dhibaatooyin kugu keentay. 17

WARAR MUHIIM AH CUSBATAALKA Waajibka xilqarinta Shaqaalaha cusbataalka oo dhan waxaa ku waajib ah xilqarin. Looma oggola inay cid kale uga warramaan naftaada iyo cudurkaaga xataa hadday yihiin naagtaada, ubadkaaga iyo xubnaha kale ee qoyskaaga. Adiga ayaa go aankeeda leh cidda wax ka ogaanaysa cudurkaaga. Sidaas awgeed waa inaad oggolaansho bixiso, intaan war ku khuseeya cid loo gudbin. Waajibka xilqarintu wuxuu ka dhigan yahay, inaad wararka naftaada iyo cudurkaaga khuseeya si kalsooni leh ugu sheegto dhakhtarkaaga iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka. Turjubaanka Dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku waa inay hubiyaan, inay ku fahmeen, adiguna aad fahantay. Haddaanad ku hadlin ama fahmin af dheenishka, shaqaalaha ayaa kuugu yeedhaya turjubaan. Turjubaanku waa inuu noqdo dhexdhexaad, waxaana ku waajib ah xilqarin. Ma habboona in xubnaha qoyska loo adeegsado turjubaan. Tarjubaanada khibradda lihi waxay garanayaan eraybixinta caafimaadka, oo waxa dhakhtarku ku yidhaa si fiican ayey u turjumaan. Sidaas awgeed waxa habboon in turjubaan laguugu yeedho, xataa haddaad si fiican isugu debberto af dheenishka caadiga ah. Lataliyaha bukaanka Badi cusbataallada waawayn waxaa jooga lataliye bukaan (patientvejleder). Lataliyaha bukaanku wuxuu kuu sheegi karaa tusaale ahaan, fursadda lagugu dawayn karo cusbataal kale. Hadday 18

jiraan wax aanad fahmin ama wax aad ka cabanaysaana, wuu kaa caawiyaa. Waxaana ku waajib ah xilqarin. Lataliyaha bukaanku wuxuu kugu la hadlayaa keliya af dheenish. Tarjubaan kuma lihid, inkastoo cusbataallada qaarkood kuu keenayaan. Joornaalka cusbataalka Cusbataalka gudihiisa, waxay dhakhtarradu qoraan joornaal ku saabsan cudurkaaga, natiijooyinka baadhitaannada iyo dawaynta. Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato, waxa ku qoran joornaalka. Had iyo goor waad dalban kartaa nuskhad joornaalkaaga ah iyo dhakhtar kuu sheega waxa ku qoran. HALKEE AYAAD KA HELI KARTAA TAAGEERO IYO TALABIXIN? Waxaa fiican inaad qoyskaaga kala hadasho fikradaha iyo dareennadaada la xidhiidha cudurka iyo dawaynta. Haseyeeshee taasi way adkaan kartaa. Dadka buka qaarkood ayaa doorbida inay arrimahaas kala hadlaan cid ka baxsan qoyskooda. Shaqaalaha ayaa markaas kaa caawin kara helitaanka cid aad la hadli karto sida PROPA, oo ah urur loogu talagalay ragga qaba kansarka qanjidhka kaadimareenka iyo qoysaskooda. Waxaad sidoo kale caawimo ka heli kartaa hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) ama lataliye bulsheed oo kommuunahaaga ka socda. Afka iyo turjumidda Ma jiraan turjubaanno u shaqeeya hayadda la dagaalanka kansarka. Haddaad la hadalkooda ugu baahan tahay turjubaan, la xidhiidh kommuunahaaga. Haddaad rabto, in lagaa caawiyo sidaad kommuunaha uga codsan lahayd turjubaan, hayadda la dagaalanka kansarka ayaa kaa caawin doonta. 19

PROPA ururka dadka qaba kansarka qanjidhka xawada PROPA waa ururka qaba ragga qaba kansarka qanjidhka kaadimareenka iyo qoysaskooda. Ururku wuxuu ka kooban yahay xubno ku baahsan dalka oo dhan, waxaana caawiya hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse). Waana kooxo, halkaasoo ay dadka buka iyo qoysaskoodu la kulmi karaan rag kale oo qaba kansarka qanjidhka kaadimareenka iyo qoysaskooda. PROPA Prostatacancer Patientforeningen Vendersgade 22 1363 København K Tlf: 33 12 78 28 (hverdage 10-16) www.propa.dk Hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) Hayadda la dagaalanka kansarku waxay xafiisyo ku leedahay dalkoo dhan. Waxaa loo yaqaan lataliyayaasha kansarka. Waxaad ka heli kartaa talabixin shakhsi ah haddaad soo wacdo ama aad fool ka fool u la kulanto. Sida ugu fudud ee aad latalinta kansarka u heli kartaa, waa inaad soo wacdo tilifoonka hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) 35 25 75 00 ama gasho boggooda internetka www.cancer.dk/kraeftraadgivninger. Talabixinta tilifoonka ee khadka kansarka Waxaad talabixin iyo tusaalayn ka heli kartaa tilifoonka khadka kansarka 80 30 10 30. Waa talabixin tilifooneed oo hayadda la dagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) bilaash ku siiso dadka qaba kansarka iyo xigtadooda. Waxana ay ku hadlaan uun 20

21

af dheenish. Waxaad soo wici kartaa maalmaha shaqada 9:00 21:00 saac, sabtida iyo axaddana 12:00 17:00 saac. Maalmaha fasaxa ah (hellidage) wuu xidhan yahay tilifoonku. Wararka internetka ee ku saabsan kansarka (internet) Hayadda la dagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) waxay bog af dheenish ku qoran ku leedahay internetka www.cancer.dk, kaasoo la xidhiidha dawaynta cudurka kansarka, iyo taageerada iyo talabixnta aad heli karto. Waxaa kaloo jira bogag debedda laga leeyahay oo laga helo warar fiican oo khuseeya cudurka kansarka iyo dawayntiisa sida, www.cancer.backup.org iyo www.cancer.gov. MA U BAAHAN TAHAY IN GURIGA LAGUGU CAAWIYO? Dad badan oo bukaanka kansarka ah ayaa u baahan in laga caawiyo hawlaha guriga, sida nadaafadda. Kommuunaha ayaa go aamiya caawimada aad heli karto. Shaqaalaha cusbataalka ayaa laga yaabaa, inay kaa caawiyaan sidaad kommuunaha uga codsan lahayn kaalmada aad u baahan tahay, sida dib u carbin (genoptræning). Hadday tahay inaad xanuunka dartii ka maqnaato (sygemeldes) shaqada ama dhibaatooyin dhaqaale kula soo dersaan, waa inaad la hadasho lataliyayaasha bulsheed (socialrådgiver) ee kommuunahaaga midkood. Lataliyaha bulsheed wuxuu sidoo kale kaala talin karaa xaaladaha ijtimaaciga ah ee kale. 22

CAYMISKA Kansarku waa cudur halis ah (kritisk sygdom). Dad badan ayaa ku jira caymis, saameeya cudurrada halista ah - oo shaqadooda ama ururkooda xirfadeed (fagforening) ka galay. Waxaa suuragal ah in caymisku ku siiyo deeq lacageed hal mar (engangsbeløb). Adiga ayey tahay inaad codsato deeqdaas. HADDII ADD DEBED U DHOOFAYSO Hadday noqoto inaad dhoofto, waa inaad dhakhtarkaaga la hadashaa, ka hor inta aanad dhoofin. Teeda kale waa inaad hubiso, in caymiskaagu daboolayo, haddaad xanuunsato safarka dhexdiisa. Had iyo jeer ma dhacdo inuu daboolo. Waxaa 1dii janaweri ee 2008 soo baxay xeerar cusub oo khuseeya caymiska safarka. Hadduu socdaalkaagu Yurub dhexdeeda yahay, caymiskaaga safarku wuu shaqaynayaa. Haseyeeshee dabooli maayo qarashka dawaynta cudurrada halista ah (kroniske sygdomme), sida kansarka. Xafiiska caymiska ee kommuunahaaga ayaad ka heli kartaa buug yar oo ka hadlaya xeerarka cusub. La xidhiidh tilifoonka xafiiska caymiska safarka ee yurub (Europæiske Rejseforsikring), 33 27 83 03, ama boggooda internetka www.er.dk, inta aanad ambabixin, si aad uga bogato xeerarka cusub, iyo waxyaabaha ay daboolayaan. Haddaad u safrayso meel Yurub ka baxsan, adiga ayaa iska bixinaya dhakhtarkii ku daweeya. La sii hadal shirkadda caymiskaaga, inta aanad dhoofin, si aad u hubiso, waxyaabaha uu caymiskaagu daboolayo, haddaad xanuunsatid. 23

Pjecerne i serien er udgivet på følgende sprog: arabisk, dansk, engelsk, somalisk, tyrkisk, urdu. Somalisk Prostatakræft