S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k S u n d h e d og S y g d o m D i a l o g l i s t e

Relaterede dokumenter
Sundhed og Sygdom Dialogliste Somalisk

casharada lasoo siiyo

U Isticmaalka Dawada Sida Saxda AH. Nin dhallinyaro ah 02:33 Waxan u socdaa dhakhtarka si laygaga talaalo cudurka beerka.

Symptomer på kræft Kræftens Bekæmpelse. Astaamaha Kansarka. Somali

Alle fotos er modelfotos.

KANSARKA MINDHICIRKA MALAWADKA

S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k K u n f o r K v i n d e r D i a l o g l i s t e

Qoyska, jinsiga iyo xuquuqaha ka jira Denmark

NIDAAMKA CAAFIMAADKA EE DHEENISHKA Det danske sundhedsvæsen

KANSARKA QANJIDHKA KAADI MAREENKA RAGA

LUUQADDA IYO WAX -AQRINTA WAA MASUULIYAD NAGA WADA DHEXAYSA WARGELIN KU JEEDA WAALIDIINTA ISKOOL BILAABIDA

UNDERSØGELSER AF DET UFØDTE BARN SOMALISK. Baadhitaanada cunugga aan dhalan

Alle fotos er modelfotos.

Warbixinta Bukaanka DAAWEYNTA KANSARKA. Patientinformation MEDICINSK KRÆFTBEHANDLING. Dansk/Somali

AFKU WAA HADYAD CARBINTA AFKA EE GURIGA

Nidaamka daryeelka caafimaadka ee Deenishka. Det danske sundhedsvæsen

UBAD CAAFIMAAD QABA oo dal shisheeye deggen. Somalisk

Talo-bixinta bilaashka ah ee hay adda Dansk Flygtningehjælp SOMALI

UNDERSØGELSER AF DET UFØDTE BARN SOMALISK. Baadhitaanada cunugga aan dhalan

Horumarinta Luqadda - Waa masuuliyad la wadaago. Wargelin ku wajahan waaliddinta leh carruurta da doodu u dhaxaysa 0 iyo 3 sano

iyo I dhageyao Aniga!

KU CUSUB WADDANKA. Talooyin wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka dhalaanka

fordi du kan fordi der er brug for dig fordi du får en bedre fremtid Dit barns uddannelse er afgørende for dit barns fremtid.

Aalborg Øst. Iskaashi iyo wadanoolaansho. Ann-Dorte Christensen Sune Qvotrup Jensen

DUGSIGA JORDAL. Warbixin loogu talogalay waalidiinta

XAQIIQOOYIN IYO TALOOYIN KU SAABSAN. cabidda iyo joojinta sigaarka

FORÆLDRETILFREDSHED 2011 Svarprocent: 46,7%

Qofka adigoo kale ah oo denbi-fal loo geystay

buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da yarta aan la wehelin ee magangelyo doonka ah

Dhalinyarada soo socota. Warbixin ku saabsan waxbarashada oo loogu talagalay dhallinyarada iyo waalidkood

Diyaarinta cuntada qaadada ee ugu horaysa. Den første skemad. Somalisk. Kamuunka Egedal

Waxbarasho -Mustaqbalka caruurtaada

CAADAYSIYO CAAFIMAADQABA

Du kan få indflydelse på dit barns skole

KVINFOs mentornetværk. Ku soo darmo

Aarhus-aftalen. Skolernes tillids- og arbejdsmiljørepræsentanter samt forældre og forvaltning tog hul på dialog

Warbixin loogu talagalay waalidka

Invitation. Din mening er vigtig for os. Kære beboer i Gellerupparken og Toveshøj

Sundhed og Sygdom Dialogliste Dansk

H.C. ANDERSEN. Sheekaxariir 2005 SOMALI

Du kan få indflydelse på dit barns skole 1

DET ER DIT VALG. en guide til demokratisk deltagelse i Danmark RÅDET FOR ETNISKE MINORITETER

Nu går vi i gang med vejene

PFA HELBREDSSIKRING. din vej til hurtig behandling

Læge Vil du med indenfor?

Fra boligområde til bydel

ANSØGNING OM REFUSION af udgifter til behandling i EU/EØS-lande eller Schweiz efter reglerne om det blå EU-sygesikringskort

Februar TEKST TIL BILLEDE

Har du? Få hjælp til at tackle din sygdom. KOL Type 2 diabetes Hjertesygdom Lænderygsmerter Kræft. Forebyggelsesenheden

2 KONG 4,8-17; PROFETER OG KONGER, S En baby dreng. Huskevers: Vær gode mod hinanden. 1 TESS 5,15. Budskabet: Vi kan hjælpe andre.

FMK Overgang fra projekt til drift. Evaluerings- & netværksmøde RSD

Din ret til erstatning for behandlings- og lægemiddel skader

LUP Psykiatri Regional rapport. Forældre til ambulante patienter i børne- og ungdomspsykiatrien. Region Syddanmark.

Konsekvenser af direkte adgang til fysioterapeut

Det danske sundhedsvæsen. Urdu

det sundhedsvidenskabelige fakultet københavns universitet Danske læger og hospitaler

Evaluering af indsatsen

Når du skal føde - om graviditet, fødsel og barsel

En god behandling begynder med en god dialog

Operation for forhudsforsnævring - Børn - Phimosis

LUP fødende Præsentation af resultater for Region Syddanmark

Beboerblad for. Ellekonebakken, Guldstjernevej og Firkløvervej April FORÅRET ER PÅ VEJ

Patientvejledning. Information om nyretransplantation

En guide til demokratisk deltagelse i Danmark!

Handlingsplaner/tidshorisont: Sundhedsplejen er en del af Norddjurs kommunes tilbud til borgerne.

VELKOMMEN til Ortopædkirurgisk afsnit A150

En god behandling begynder med en god dialog

Velkommen til Rygcentret - Medicinsk Rygambulatorium

MØDETIDSPUNKT MØDESTED MEDLEMMER :00. Regionsgården H5. Udvalget vedr. udsatte borgere dagsorden

SPROGLIG UDVIKLING - ET FÆLLES ANSVAR

DANSK DEPRESSIONSDATABASE FREQENTLY ASKED QUESTIONS

Støtte, råd og vejledning ved kræftsygdom. Rehabilitering og rådgivning

Sådan træner du, når du har fået et kunstigt

Planlagt forebyggende indsats i forhold til unge gravide, unge mødre og forældre med efterfødselsreaktioner fra Mødrerådgivningen m/k for 2017

PTSD Undervisningsmateriale til indskolingen

SPØRGESKEMA TIL FORÆLDRE TIL ELEVER I SKOLER (INKL. SPECIALKLASSER)

Patientinformation. Vending af foster i sædestilling

Neurologisk Afdeling F Aarhus universitetshospital

Patientinformation. Nyopdaget Diabetes. Patientforløb

Samlet status. Månedsopdeling. Distribueret. Nogen svar 100% Gennemført. Frafaldet 0% 25% 50% 75% 100%

SPROG OG LÆSNING ET FÆLLES ANSVAR INFORMATION TIL FORÆLDRE - INDSKOLINGEN

Q1 Køn 1 / 21. Job og krop - passer de sammen? Besvaret: Sprunget over: 0. Kvinde. Mand 0% 10% 20% 30% 40% 50% 60% 70% 80% 90% 100% 86,80% 1.

Projekttitel: Calcaneus forlængelses osteotomi ved plano valgus deformitet. Deltagerinformation

Sammenhængen mellem alkohol under graviditeten og risikoen for fosterskader

Spørgeskema om graviditet, fødsel og barsel_kvinder_2014

Velkommen til Børne- og Ungdomspsykiatri Odense

Operation af nyresten direkte gennem nyren - PNL

Patientvejledning. Marisker. Hudlapper ved endetarmen

Hvordan bliver hverdagen med FMK. Konsulent Marianne Nielsen, MedCom

Enhed for Selvmordsforebyggelse. Information til pårørende

Patientfeedback i Onkologisk Ambulatorium A170 og A280, Vejle Sygehus. Januar december 2014, standardrapport

Patientfeedback i Onkologisk sengeafsnit A270, Vejle Sygehus. Oktober - december 2014, standardrapport. Samlet status.

Prøveeksemplar. Hvordan har du det i børnehaven? Spørgsmål om børnemiljø til de 4-6-årige

1813: Bedste svartider hidtil i april men meget travl påske

Fjernelse af nyresten i urinleder - URSL

Fællesskab i Vangkvarteret

I Guds hånd -4. Fællessamling Dagens højdepunkt målrettet undervisning minutter

Tre er et umage par. Tolkeanvendelse i sundhedsvæsenet. senet

Sådan træner du, når du er blevet opereret for hoftebrud

00:01:09 Titel: Sundhed og sygdom - det danske sundhedssystem

Transkript:

Liiska wadahadalka Caafimaad iyo Cudur Hordhac Cinwaan:Caafimaad iyo Cudur (2.02) Eremitageløbet i Dyrehaven Liv omkring søerne Gadeliv Dhakhtarka Hadal (2.10) Maanta waxaan diiradda saarayaa caafimaadka. Waa sidaa, maxaa yeelay caafidmaadka iyo in loo noolaado si caafimaad leh waa mid ka mid ka mid ah qaababka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo la isagana ilaalin karo cudurada. (2.29) Marka qofku caafimaad qabo, jimicsina uu sameeyo, cunana cunto naqafo leh, waxaa uu qofku ku noolaan karaa nolol aan laheyn cudurro badan. (2.45) Inkastoo qofku u nool yahay si caafimaad leh, haddana waxa dhacda in Marka hore ama haddaba uu la kulmo xarumaha caafimaadka ee dheenishka. Waxa ay noqon kartaa qofka oo doonaya ka hortag cudur, iska baaritaan cudur ama daaweyn cudur. (3.05) Waa adag tahay in la go`aamiyo goorma ayuu qofku jirran yahay iyo goorma ayuu qofku u baahan yahay daweyn? Ta ugu muhiimsan waxa ay tahay, in qofku ka war hayo jirkiisa iyo in uu isha ku hayo haddii ay jiraan calaamado digniin ah. Mar walba qofku ma dareemi karo jirrada. (2.23) Xanuunku waa mid ka mid ah calaamahada, inoo sheegi kara, in wax khaldan yihiin si markaa qofku u gudagalo daaweynta saxda ah, waa muhiim in uu helo sababta xanuunka keentay. (3.41) Jirrada waxa loo arkaa oo loo dareemaa siyaabo kala duwan. Dadka qaar waxa ay jirradu ugu dhacdaa oo u dareemaan si aad u daran, dadka qaarkiisna aad bey u saameysaa jirradu, dadka qaarna si fudud ayey u dareemaan si aan aad u weyneyn ama wax yar ayuunbay dareemaan. Ta ugu muhiimsan waa in aaneyn kaa hor istaagin in aad nolol wanaagsan ku noolaato. Haddii adigu aadan waxba ka qaban karin in cudurkani kaa tago, ka raadso caawimaad xarumaha caafimaadka. Hos den praktiserende læge (R)Dakhtar oo u jeeda dhinaca kaamerada (4.13) Dhakhtarka qoysku waa mid ka mid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka, ee aad la xiriiri karo una sheegi karto dhibaatooyinkaaaga. Waxa la odhan karaa waa meesha laga gali karo daaweynta. Dhakhtarku wuu daweyn karaa qofka, sidoo kalena waxa uu kuu diri karaa isagoo adeegsanaya nidaamka meel lugugu baaro, haddii ay muhiim tahay. (R)Dhakhtar(4.28) Haye waa markaaga (D)Bukaan (4.29) Haa (R)Dhakhtar (4.30) 1

Soo dhowoow Hadal (4.32) Dhakhtarka waa qofka jooga xarumaha caafimaadka, ee dadku si joogto ah ula xiriiraan oo la socda caafimaadka qofka inta uu nool yahay oo dhan. (M) Dhakhtar oo u jeeda dhinaca kaamerada (4.39) Dhakhtarka qoysku waxa uu leeyehey waxbarasho dheer oo asaasi ah. Marka hore 6 sano oo jaamacad ah kadibna waxbarasho daweynta guud ah. Hadal (4.53) Badanaa Dhakhaatiirta qoysku ma xirtaan dharka cac-cad ee dhakhaatiirka, marka ay ka shaqeynayaan xarumaha talobixin dhakhtareedka. Laboratorium I lægekonsultationen Læge og patient snakker om kost, motion og forebyggelse (R)Dhakhtar (4.58) Maanta waxaan sii wadeynaa daaweyntii xanuunkaaga sonkorta. Waxaan aragnay, in lagaa qaaday dhiig, ka hor intaadan iman, natiijaduna waa mid wanaagsan. Sideed u aragtaa in daweyntu u socoto? (D)Bukaan (5.08) Way adagtay inaan xasuuto qaadashada dawada. (M)Dhakhtar (5.10) Haa. Waa arrin caadi ah bilowga, marka qofku maalin walba dawo qaadanayo xasuusteedu aad bey u adag tahay. Waxaa haboon in aad hal qaab oo joogto ah sameyso tusaale ahaan inaad dawada qaadato xilliga quraacda. Marka aan isu geyno natiijada dhiigi lagaa qaaday, iyo sida guud ahaan aan arkaba, waan in aad sii waddaa daawadaada. (D)Bukaan (5.32) Waa yahay. (R)Dhakhtar (5.33) Waxa aan arkaa in warqadii aad daawada ku iibsan laheyd wakhtigeedii kaa dhacay, waxaan kuu sameyn karaa labo mid inaad ka qaadato farmashiyaha xaafada ama waxan kuu samayn karaa warqadii daawada adiga ayaa si xor ah u dooran kara farmashiyaha aad rabto inaad ka qaadato daawada. Hadal (5.48) Waxaa jira cudurro badan, oo lagu daweyn karo dawo uu dhakhtarku uu kaa caawin karo, laakiin waxaa kale oo jira cuduro badan, oo xaqiiqdi inta badan cudurada iyo dhibaatooyinka caafimaad, kuwaas oo qofku kaligiis wax ka qaban karo. Cudurada qaarkood waxa lagu daweeyaa wakhtiga, markaas cudurku ayaa isagu iska tagaya. (R) Dhakhtar (6.07) Waa tan waraaqdii dawada aad ku iibsan laheyd ee aan kuu sameeyay, laakin tani ma ahan daaweyntii xanuunka sonkorta oo dhan. Cuntada iyo jimicsigu xitaa waa muhiim, waxaan ku weydiin lahaa in aad iiga waranto sida ay tahay. 2

(D)Bukaan (6.18) Waxay ila tahey in ay wanaagsan tahey in la cuno cunto nafqo leh oo caafimaadka u wanaagsan. Waxaan joojiyey cunitaanka cuntada macmacaan. Waxana aan cunaa cunto yar xilliyo badan maalintii, sida khudradda cagaaran oo badan, Laakin arrinka jimicsiga si fiican uma socdo. (R) Dhakhtar (6.37) Maya. (R)Bukaan (6.38) Way igu adag tahay waxoogaa yar. (R) Dhakhtar (6.39) Arrintu waxa ay tahay, in jimicsigu uu yahay qeyb ka mid ah daweynta oo si sax ah inuu ugu jiro daweynta ay tahay, maxaa yeelay waxa la doonayaa in miisaankaagu is dhimmo, si markaas aad u hesho faa iido ah inaad dawo oo dhanba ka maaranto. Degmadaadu waxa ay sameysay xarun ka hortagga iyo caafimaadka la yiraadho, waa mid ka mid ah waxyaabaha ay ku dadaalaaan ka hortagooda waa nooca 2aad ee xanuunka sonkorta, yacni nooca sonkortaada, waxaan aamin sanahay in wax badan ay kuu tareyso inaad halkaas tagto. Hagaag sow ma ahan inaan kuu diro meeshaas? (D)Bukaan (7.08) Waa arrin wanaagsan. Ceymiska bukaanka Borgerservice Mand kommer til Borgerservice med ønske om at skifte læge Hadal (7.10) Ma dhacdo mar walba in dhakhtarku dawo qoro si uu u daweeyo cudur. Taa macnaheedu ma aha, in dhakhtarku aanu u qaadan cudurkaaga si daran. Hadal (7.24) Xarumaha caafimaad ee dheenishka, dadka oo dhan waa u siman yihiin iyada oo bilaash ah caawimaadda dhakhtarku. Waxa aan leenahay ceymiska cudurada ee dowladda, ceymiskaas oo dhammaanteen aan ka bixino dhinaca canshuuraadka, sidaas darteed waxaan heleynaa daaweynta aan u baahanno haddii aan xanuunsanno. Dhammaan, dadka deggen Denmark, waxa ay dowladda ka helayaaan ceymiska cudurada. (R)Shacab (7.49) Waxa aan doonayaa inaan dhakhtarka iska bedelo. (D)Adeegga shacabka(7.52) Haa, ma taqaanaa dhakhtarka aad doonayso inaad yeelato? Hadal (7.54) Waa xarunta adeega shacabka ee degmada, meesha aad ka dalbaneyso kaadhka caafimaadka. Kaadhka caafimaadku, waa kaadhka aad ku galeyso nidaamka caafimaad. Doorashada dhakhtar ama bedelashada dhakhtar waxa sameeya xarunta adeega shacabka. Waxa aad kale oo aad kala dooran kartaa, dhakhtar nin ah ama mid naag ah. (D) Adeegga shacacabka (8.18) Sidee baad ku bixinaysaa, ma waxa aad ku bixineysaa kaadh mise 3

Sundhedkort og sundhedsforsikring i udlandet Blåt eu-sygesikringskort Offentlige og private sundhedsforsikringer Vejarbejdere Farmasiga kaash? Hadal (8.21) Soo qaado mar walba kaadhkaaga caafimadka, marka aad dhakhtarka u tageyso ama xarumaha kale ee caafimaad. (8.28) Kaadhka Ceymisku waxa uu daboolayaa xanuunada gudaha Denmark iyo jirooyinka xilliga safarka ee gudaha Yurub. Shuruucda ceymiska ee dalka dibaddiisu, waa mid mar walba isbedesha, dalalka qaarkood waxa ay shardi ka dhigaan haysasha kaadhka buluuga ah ee ceymiska caafimaadka Midowga Yurub, sidaa darteed waa in qofku xasuustaa inuu baadho, bal in uu ceymis ku jiro iyo in kale, ka hor inta aanu u safrin meel ka baxsan Denmark. (8.58) Waxa kale oo la kala doortaa ceymiska cudurada, kooxda 1aad iyo kooxda 2aad. (9.05) Dadka intooda badan waxa ay ku jiraan kooxda 1aad. taasoo qofku uu dhamaan wixii daweyn ah uu ku xiran yahay hal dhakhtar oo kaliya, dhakhtarkuna waa lacag la aan. (9.18) Dhammaan iska daweynta dhakhaatiirka khaaska ahi xitaa waa bilaash haddii dhakhtarkaagu kuu diro. Qofku waxa uu heli karaa in kharashka laga bixiyo haddii uu dhakhtarku u diro duugitaan, dhakhtar cilmi nafsi iyo tusaale ahaan dhabar iyo qoor daweyn. Intaas waxa dheer in qofku helaayo kaalmo marka uu u tago dhakhtarka ilkaha ama uu gadanaayo dawo. (9.41) Daaweynta cusbitaalku waa u bilaash kooxda 1aad iyo kooxda 2aadba. (9.48) Marka laga soo tago ceymiska cudarada ee dowlada, oo qofku uu ku heysto kaarkiisa caafimaad, ayaa waxa qofku uu ku darsan karaa inuu galo ceymis khaas ah. Kaasoo haddii aad heysato aad ku heli karto kaalmo dheeraad ah oo daweyn ah. Hal tusaale oo arrinkan ahi waa Ceymiska cudurada Danmark kaas oo tusaale ahaan bixiya kaalmada dhakhaatiirta ilkaha, okiyaalaha, iyo daawada. (10.10) Waxa ay noqon kartaa fikrad fiican in qofku ka galo ceymis khaas ah shirkad ceymis. Ceymiska shilalku waxa uu bixiyaa magdhow dhaqaale tusaale ahaan haddii qofka uu ku dhaco xanuun joogto ah, shil shaqo iyo hadii dhimasho ku timaado. (10.25) Dadka qaar waxa ay ku jiraan ceymis cafimaad oo khaas ah oo ay ka galeen dhinaca shaqadooda. Dad kalena waxa ay iibsadeen ceymis khaas ah, si ay u xaqiijistaan inay helaan fursadda iska daaweynta cisbitaalada iyo sheybaarada khaaska ah Borger henter medicin på recept (D)qofka bartay Farmashiiye (10.48) 4

på apoteket Farmaceut fortæller om håndkøbsmedicin og receptpligtig medicin Nambar. 48 (D)Macaamiil(10.50) Iska waran (D)Farmashiiste(10.51) Maxaan kuu sameeyaa? (D)Macamiil (10.52) Waxa aan rabaa inaan dawo qaato, dawadiina kumbiyuutarka ayaa lagu soo diray (D)Farmashiiste (10.54) Ma heysataa kaarkaagii caafimaadka? (D)Macaamiil (10.57) Haa, hoo. (D)Farmashiiste (11.01) Waxa yaala Metformin loogu talo galay xanuunkaaga sokorta?ma tan baa? (D)Macaamiil Haa, waa tan. (K)Farmashiiste ku sii jeeda kaamiradda (11.08) Farmasiiyada waxa laga iibsan karaa daawooyinka ku qoran waraaqda daawooyinka iyo daawooyinka gacanta laga gato waraaq la aan. Daawooyinka gacanta laga gato waxa laga iibsan karaa dabakaayooyinka iyo dukaamada waaweyn. Farmasiiyada waxa jooga shaqaale aqoon leh, sida farmasiisteyaal leh waxbarsho heer sare ah. Halkan waxa aad ka heli kartaa talo bixin asaasi ah oo ku saabsan daawada aad gadaneyso. Hadii uu ku hayo xanuun yar sida hargab, sanka oo ku xiran ama xanuunada sahlan, waxa aad inta badan talo bixin ka heleysaa farmasiiga, adiga oo aan marka hore u baahneyn inaad takhtarkaaga u tagto. (D)Farmashiiste (11.44) Ma dawo aad horey u qaadatay baa? (D)Macaamiil (11.46) Haa, waxaan qaadanayey qiyaasti ½ sanad barkii. (D)Farmashiiste (11.48) Waana fiicnayd miyaa? (D)Macaamiil (11.51) Haa, waxaan u arkaa inay aad u fiicneyd, laakiin waxay laheyd xoogaa yar oo la-labbo ah (D)Farmashiiste (11.54) Taas waxa lagu yareyn karaa in la qaato ka hor xilliga raashinka la cunayo, markaa si looga badbaado la-labbada. (D)Macaamiil (12.04) Haa, waan sameynayaa (D)Farmashiiste (12.06) Alla, waxa kuu taala dawo kale oo loogu talo galay talo galay 5

xanuunkaaga dufanka, ma rabtaa inaan kuugu daro, isla hadda? (D)Macaamiil (12.10) Haa, xoogaa ayaa guriga ii yaal waxan aan ka fekerayey bal inaan u baahanahay iyo in kale, maxaa yeelay dufankeygu aad uma sarreeyo. (D)Farmashiiste (12.19) Waa muhiim in aad sidaas sameyso. Waa in aad qaadataa labada dawaba, sida dhakhtarku ku yidhi. (D)Hadal (12.25) Waa inaad raacdaa talo bixinta dhakhtarku ku siiyey kuna qoran waraaqda daawada aad ku gadaneyso. Daawadu uma shaqeyneyso sida loogu talo galay, haddii qofku aanu u isticmaalin sida saxda ah taaas macnaheedu yahay in laga yaabo in qofku aad u sii xanuunsado. Farmaceut fortæller om vigtigheden ved at følge medicinanvisninger Borger betaler for sin medicin Ballanka dhakhtarka Lægesekretær besvarer opkald om tidsbestilling hos lægen (D)Farmashiiste ku sii jeeda kaameradda (12.41) Marka aad iibsaneyso daawooyinka gacanta laga iibsado, waxa mar walba baakada la socota waraaq, ay ku qoran yihiin sida iyo qaabka aad u qaadaneyso daawada iyo waxa aad ka taxaddirayso, waxa sidoo kale ku qoran in saameyn kala duwan ay leedahay iyo in kale. Marka waa muhiim, inaad meel gashatid, si aad mar walba u hubin kartid, haddii ay jiraan wax aad ka shakiso. Hadal (13.04) Talo bixinta dawo waa muhiim in la raaco, dawadii ay doontaba ha noqotee, sida dawo nolosha muhiim u ah, fitamiino ama macdan. (D) Farmashiiste ku sii jeeda kaameradda (13.13) Haddii aaney dhib kugu haynin dawadaadu ha joojin adiga oo aan dhakhtarka la xiriirin. Laga yaabee in tirada la bedelo ama ay tahay inaad u qaadato daawada si kale ama in lagu siiyo dawo kale. Haddii aad tusaale ahaan qaadatid fiitamiin-d, markaa waa muhiim in aad u qaadato sidii uu dhakhtarku ku yidhi u qaado, xitaa inkastoo fiitamiin- D-gu uu yahay uun fitamiin. Qofku ma dareemayo wax isbedel ah, laakin mustaqbalka fog, waxa ay ku yeelan kartaa saameyn wayn sida in aad la tag darnaato fitamiin D la aan. Qofka waxa ku dhici kara in lafahu burburaan ama murqaha oo daciifa. (d)farmashiiste (13.48) Waa 35 karoone,. Xubin ma ka tahay Denmark? (D)Macaamiil Haa, run ahaantii waan ka ahay. (D)Farmashiiste (13.53) Marka waxaad heleysaa xoogaa labadaba kaar caafimaadka ee dowladda iyo waxoogaa waxa kuu soo celinaya ceymiska khaaska ah Denmark. (D)Xogheyn (14.10) Waa xarunta dhakhtarka Haslev. Haa, maalin wanaagsan Hadal (14.14) Ka hor inta qofku aanu tagin dhakhtarka, waa inuu ballan sameystaa. 6

Qaabab kala duwan ayaana loo sameystaa. Qaabka ugu dhakhsaha badan uguna fudud waa inaad ballanta ka sameysato internetka adigoo gelaya bogga internetka ee dhakhtarka ama e-mail u diraya dhakhtarka. Waxa lagu ballansan karaa dhakhtarka sidoo kale taleefonka xogheynta dhakhtarka xilliga taleefonku furan yahay. (R) Takhtar (14.37) Waxa aan wakhti kuu heliyaa maanta 10.30. Ma rabtaa wakhtigaas? Hadal(14.43) Haddii qofku uu xanuunsan yahay oo uu u baahan yahay inuu la hadlo dhakhtarka, waa inuu la xiriiraa xilliga taleefonka. Inta badan dhakhaatiirtu waxa ay leeyihiin wakhti taleefon oo joogto ah maalintiiba hal saac. (14.57) Haddii qofku doorto inuu waco dhakhtarka, waa inuu u diyaar garoobaa in mashquul aad ahi ka jiro khadka taleefonka oo ay adkaan karto in uu la hadlo dhakhtarka. (15.06) Xasuuso inaad qaadato kaarkaaga caafimaadka, marka aad dhakhtarka u tageyso. Guud ahaana waa fikrad fiican in aad isa sii diyaariso marka aad booqaneyso dhakhtarka. Laga yaabee in dhakhtarku uu kuu sii sheegay inaad iska soo cabirto kuleylkaaga ka hor intaanad u iman ama uu ku weydiiyo inaad u sheegto sida xanuunkaagu ahaa ama dawooyinka aad qaadato. Qor xitaa waxa aad rabto inaad kala hadasho dhakhtarka, si aad u xasuusato, marka aad la fadhidid takhtarka. (R) Takhtar (15.32) Haddii aad timaado berrito tusaale ahaan10:00 subaxnimo, suurto gal miyaa? Hadal (15.37) Iyadoo la tixgelinayo qorshaha dhakhtarka waa muhiim, in qofku yimaddo wakhtiga ballanta, iyo inuu soo waco qofku haddii uuna iman karin. Patient har bestilt tid til flere ting hos lægen Dhakhaatiirta takhasuska leh. (R)Takhtar (15.48) Waxaan arkaa, maanta waxaad qabsatay wakhti si aad waxyaabo badan uga hadasho. (R)Bukaan (15.51) Haa, waxaan rabaa inaan kaala hadlo laba shey. Hadal (15.54) Hadii qofku rabo inuu kala hadlo takhtarka dhibaatooyin badan, waa muhiim inuu sii sheego xilliga uu ballansanayo si takhtarku ugu sii qoro wakhti dheeraad ah inuu siiyo bukaanka. Hadal (16.06) Inta badan dhakhtarkaagu waa kaa caawin karaa dhibaatooyinka aad la timaaddo. Haddii uusan kaa caawin karin dhakhtarku waxa uu kuu sii gudbiyaa daaweyn dhathtar khaas ah ama cusbitaalka. 7

Mand undersøges af ørelæge Fysioterapeut laver øvelser med kvinde (D)Dhakhtarka dhegaha (16.20) Labada dhegood wax ma ka maqashaa? (R)Bukaan (16.21) Maya mid ka mid ah dhegaha (D) Dhakhtarka dhegaha Waa dhegtee dhegta aad wax ka maqashaa (R)Bukaa Tan midigta (D) Dhakhtarka dhegaha Ta midigta? Hadal (16.28) Inta badan dhakhaatiirta khaaska ah waxa ay u baahan yihiin in qofka marka hore uu soo diray dhakhtarkiisu, balse waa suurtagal in dhakhtarka dhegaha iyo indhaha loo tago iyada oo aan lasoo marin dhakhtarkaaga. (16.38) Dhakhtarka khaaska ahi waa qof, waxbarashadiisa jaamacadeed ee 6 da sano ah ku darsaday takhasus mucayin ah. (16.50) Haa, waa hagaag, mahadsanid. (D)Takhtarka dhegaha Haye waan ku sii jeedinayaa, si aadan u arkin, sow ma aha? Hadal (16.55) Waxa jira dhakhaatiir badan oo khaas ah oo kala duwan. Waxa ay ka shaqeeyaan cusbitaalada ama waxa ay si khaas ah uga shaqeeyaan sheybaaro khaas oo ay iyagu leeyihiin. (D) Takhtarka dhegaha (17.09) Waxa aan arkaa in inyar dhegta midigta maqalkeeduu hooseeyo Hadal (17.14) Dhakhtarku wuu kuu diri karaa daaweyn duugitaan, daaweyn dhabar ama dhakhtar cilmi nafsi. Daliig /duugid/toobis Meeshaan xoogaa qabo Hadal (17.25) Dadka wax duuga waa loo tegi karaa haddii qofku dareemayo murqo xanuun, dhaawac isboorti ama xanuunno jirka ah, ama haddii qofku uu u baahan yahay dib u tababarid. Isla howshaas ayuu qabtaa dhakhtarka dhabarku. Laakin dhakhtarka dhabarku waxa uu ku soo saaraa dhibaatada sawirka raajada. (17.52) In loo tago dhakhtarka cilminafsigu, nasiib daro dad badan ayey ku tahay wax aan laga hadli karin. Psykolog fortæller om (R)Cilmunafsi (17.57) Dadku waa ii yimaadaan ama waa la ii soo diraa, haddii ay murugeysan 8

psykologens arbejde S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k S u n d h e d og S y g d o m D i a l o g l i s t e Cudur degdeg ugu yimid Helikopter lander på Rigshospitalet Patient ringer til vagtlægen yihiin ama ay qabaan dhibaato, aysan ka gudbi karin. Farqiga u dhexeeya dhakhtarka cilminafsiga iyo dhakhtarka maskaxda waa, dhakhtarka cilmi nafsigu wuu la hadlaa qofka. Dhakhtarka maskaxdu waa dhakhtar caafimaad, sidaa darteed waxa uu kuu qori karaa dawo. Hadal (18.18) Dadka qaar wey ka xumaadaan in ay xanuunsan yihiin maskaxiyan, mana rabaan inay ka hadlaan. Waa wax laga xumaado, maxaa yeelay daaweynta wadahadal ee cilminafsigu waxa ay runtii daweysaa dad badan oo qaba dhibaatooyin maskaxeed. (R)Cilmunafsi (18.31) Hadda waxa jira nasiib wanaag dad badan kuwaas yimaada, maxaa yeelay wey ku adag tahay in qoysku caawiyaan, marka dareen uu jiro, iyo aragti iyo rajo laga qabo qofka, u baahan Caawimaada. Hadal (18.42) Marka qofka loo soo diro dhakhtar khaas ah, cusbitaal ama mukhasisiin kale mar walba qofku ma ogaan karo, in qofka daaweyn doona uu noqon doono dhakhtar dumar ah ama mid rag ah. Mararka qaarkood qofku waa dooran karaa. Haddii qabo dalab khaas ah hana sheegto. (19.04) Maanta waxa suurtagal ah in dhakhtarku qofka u tilmaamo qeybta internetka. Taas waxa loola jeedaa in dhakhtarku internetka geliyo diritaanka qofka. Adiga ayaa dooran kara goobta iyo goorta aad isticmaaleysid diritaankaas, maadaama dhakhtarka khaaska ah, cusbitaalka ama dadka wax duugaa ee aad dooratay ay ka qaadan karaan warbixintaada internetka. Hadal (19.33) Haddii qofku si deg-deg ah ugu baahdo caawimo dhakhtar iyadoo dhakhtarka caadiga ah uusan furneyn, waxaa jira fursado kale oo kala duwan, waxana ay ku xiran tahay hadba sida xanuunku u daran yahay deg-degna u yahay. (19.49) Dhakhtarka heeganka waa la wici karaa, haddii qofku xanuunsado xilli ka baxsan wakhtiyada dhakhtarka caadiga ah uu furan yahay. (R)Takhtarka waardiyaha (19.56) Haa, waa dhakhtarka heeganka. (D)Bukaan (19.57) Waa Malene Andersen. Waan ku soo wacayaa, maxaa yeelay waxa i xanuunaya dhuunta iyo laabta. (R) Takhtarka waardiyaha (20.04) Ma xanuun baa ku haya? Hmm. Goormuu bilowday? Hadal(20.08) Haddii aad sugi kartid inta dhakhtarkaagu uu ka furayo mar kale, samee sidaas. Haddii aad shaki ka qabto inaanad sugi karin dhakhtarkaaga, waxa aad wici kartaa dhakhtarka heeganka oo isagu ah ka awoodda u leh inuu shaqeeyo xilliyadaa. Dhakhtarka heeganka, oo ah dhakhtar khibrad leh ayaa qiimeynaya, bal in dhakhtar uu ku baarayo iyo in kale. 9

Baaritaanka inta badan waxa lagu sameeyaa xarunta dhakhtarka heeganka, halkaas oo lagugu wargelinaayo inaad timaado. (R)Takhtarka waardiyaha (20.34) Waxaan u arkaa inaad noo timaado. Suurtogal ma kuu tahay? ma taqaanaa cinwaanka? (D)Bukaan (20.40) Haa, horey baan u imid. (R)Takhtarka waardiyaha(20.42) Qof kula iman karo ma jiraa? Haa, waa hagaag. Xasuuso kaarka caafimaadka. Skadestuen Hadal (20.52) Qeybta dhaawacyada deg-degga ah waxa la tagaa marka dhaawac deg deg ah ama xanuun deg deg ah uu jiro, oo aan daaweynta dib loo dhigi karin lagana yaabo cusbitaal seexin in loo baahdo. Waxa ay noqon kartaa tusaale ahaan adigoo ka shakisan murkacasho, jabniin laf, gubasho, dhaawac middi oo daran, ama maskaxda oo ruxanta. (21.20) Haddii uu dhaco shil daran ama ay kuula muuqato in qof uu ku jiro halis nafeed ama aad u baahan tahay daaweyn isla hadda ah, markaas waxa aad wici kartaa qeybta alaarmiga ee tilifonkoodu yahay 112. Person ringer til alarmcentralen på telefonnummer 112 Bilowga baadhitaanka Patient kommer til lægen med mistanke om brok Patient bliver undersøgt for brok af lægen (21.36) Halkaa waa inaad u sheegtaa, wiixi dhacay, meeshi ay ka dhaceen iyo inta qof ee ku dhaawacantay. (R)Nin Waxa jira hal qof, waa dhacay. Hadal (21.45) Xarunta alaarmiga degdega ah ayaa soo direysa ambulance,kaas oo bukaanka u kaxeeya meesha ugu dhow ee si deg-deg ah u qaabileysa. (R)Bukaan (22.09) Waxaa aad ii xanuunaya isgalaha bowdada dusheeda, aad ayayna ii dhibeysaa. Dadka qaar waxa ay yiraahdaan, waa culeyska badan ee aad qaado aawadiis. (R)Takhtar (22.18) Waxa ay u eg tahay sidaas. Barar ma ku leedahay qeybtaan bowdada ka sareysa mise? (R)Bukaan (22.22) Haa, waan ku leeyahay waana isku dhegeysaa xitaa. (R)Takhtar (22.24) Halkaa tag, si aan kuu baaro hagaag? Haa, fiiri, meeshan ayaan hadda riixayaa. Ma ku xanuuneysaa marka aan sidaa u cadaadiyo? (R)Bukaan Haa, waa i xanuuneysaa (R)Takhtar 10

Haa, okay. Maa isku dayi kartaa inaad qufacdo hal mar? (R)Bukaan (22.41) Qufac Qufac (R)Takhtar (22.42) Haa, fiican. Gartay, sida aan arko, shaki kuma jiro, in bararkaas jiro. (R)Bukaan Maxaa la sameynayaa ama dhacaya? (R)Takhtar (22.49) Haa, arrinkan jiritaankiisa oo kaliya muhiim kama dhigeyso in lagu qalo, laakin dhib weyn miyey kugu heysaa? (R)Bukaan (22.54) Haa Patient bliver henvist til hospitalet af sin praktiserende læge Patient til forundersøgelse på hospitalet (R)Takhtar (22.55) Waxa la dhihi karaa, hadii aad sidan tahay oo xanuun uu halkan kaa hayo, oo uu ku dhibayo caadi ahaan, marka waa in lagu qalaa. Waxa aan sameynayo waa inaan kuu diro cusbitaalka oo baaritaan laguugu yeeri doona. Hadal (23.12) Wakhti yar kadib waxaad heleysaa waraaq ku saabsan goobta iyo goorta, aad tageyso. Hadii taariikhda lagu ballamiyo aadan awoodin la xiriir cusbitaalka oo bedelo taariikhda. (R)Takhtarka cusbitaalka (23.23) Waa hagaag Malik.Soo istaag, si aan meeshan u tagno, waa inaan wadahadalno. Soo dhowow. Hadda waan aragnay halkan bararsan shakina kuma jiro, in dhanka bidixda uu yahay bararku. Hadal (23.37) Inta badan dhammaan daaweynta iyo baaritaanka cusbitaalada waa bilaash. Qofka waxa lagu daweeyaa cubitaal isagoo arrin deg-deg ah ay ku timid ama isagoo dhakhtarkiisu u soo diro. (R)Takhtarka cusbitalka (23.50) Marka aad ii sharaxdo aniga, inaad calaamadahaas leedahay, markaas waxa jirta sabab laguu qalo. Qaliinka, waxaa loo sameeyaa laba qaab. Qaab ah in qofka la wada suuxiyo iyo qaab ah in qeyb la suuxiyo. Labaduba waxa ay leehihiin faa iidooyin iyo khasaaro. Waa inaad ogaataa xitaa, in marka qofku yahay dhallinyaro sida adiga, waxa lagu qali kara qolka qaliinka caadiga. Hadal (24.18) baadhitaanada iyo qaliinada qaarkood waxa lagu sameeyaa qeybta bukaan socodka ee cusbitaalka. Taa macnaheedu waa, in qofka uusan maalmo badan ku jireyn cusbitaalka, taas bedelkeedana uu gurigiisa tagayo isla maalintaas. (R)Takhtarka cusbitaalka (24.30) Qaliinku waxa uu u dhacayaa qaabkan, in la jeexo meesha soo bararsan.. Hadal 11

Qaliinada kale iyo baaritaanada kale waxa ay u baahan yihiin in qofka la dhigo cusbitaalka oo uu ku jiro muddo. Waxa ay noqon kartaa in loo baahan yahay baaritaano badan ama daweyn wakhti dheer qaadata ama iyada oo dhakhtarku uu rabo inuu hubiyo bal in wax walba sidii loogu talo galay ay u dhaceen. (R)Takhtarka cusbitaalka (24.52) Aan halkaa tagno si aan kuugu qabano wakhtiga lagu qalayo adiga. Waxana kaa sameyneysa kalkaalisada wakhtiga ballanka. Patient får tid til operation på hospitalet Hadal (25.02) Ku jiritaanka cusbitaalka waa in loo arkaa wakhti, la doonayo in cudurka lagu garto, oo lagu ogaado meesha qofka laga hayo, meesha qofka laga daaweynayo xanuunka, ama meesha daweynta laga bilaabayo iyo in isha lagu hayo ilaa laga caddeynayo in qofku caafimaaday ama uu diyaar u yahay in laga saaro cusbitalka. Mararka qaar waxa ay qaadataa wakhti, in la ogaado dhibaatadu waxa ay tahay. Mararka qaar waxa qofka laga heyn karaa in ka badan hal meel. (R) Takhtarka cusbitaalka (25.28) Waan ku salaamay Ulla. Ulla waa inaan u qabanaa Malik wakhti qaliin. (D)Kalkaalisada wakhti sameynta (25.32) Haye. (R) Takhtarka cusbitaalka (25.33) Waana inaan u ballaminaa, dhakhtarka suuxdinta si uu kaala hadlo maanta. Malik aad baan ugu faraxsanahay inaan ku salaamo. Waxaan is arki doonaa maalinta qaliinka. (R)Bukaan (25.41) Mahadsanid. Hadal(25.45) Denmark waxa jira doorashada cubitaalada oo xor ah. Taa macnaheedu waxa uu yahay, in qofka marka dhakhtarkiisu u diro cusbitaal,in uu qofku dooran karo cusbitaalada dowladda kii uu rabo ee daweynta sameynaya. Forberedelse til operation og operation på hospitalet (26.01) Wakhtiga la sugo daaweynta waa ku kala duwen yihiin cusbitaaladu, marka waa fikrad fiican in aad baarto, meesha dhakhso aad ku heleyso, haddii siddasi tahay sida aad dooneyso. Haddii wakhtiga sugitaanka daweynta ee laguu qabtay la dhaafo, waxa laguugu deeqaa in laguugu daweeyo cusbitaal dad khaas u leeyihiin oo kale ama dowladdu leedahay oo Denamrk ku yaal ama ku yaal dibedda. Taas macnaheedu waa, inuu jiro damaanad qaad daaweyn. Adiga oo u madaxbannaan, in aad sugto ama aad qaadato deeqdaas. (26.27) Waxa sidoo kale aad dooran kartaa inaad iska bixiso daweynta oo u tagto cusbitaal khaas ah ama sheybaar ka baxsan cusbitaalada dowladda. Ama haddii aad ku jirto ceymis caafimaad oo khaas ah, oo kaa bixinaya daweynta cusbitaalka khaas ah, waad isticmaali kartaa. 12

Sundhed.dk S f i n x F i l m / T V G o d a g D a n m a r k S u n d h e d og S y g d o m D i a l o g l i s t e Kvinde sidder derhjemme, hvor hun kigger og søger informationer på sundhed.dk Dhigista Cisbitaalka Sygeplejerske fortæller om at være indlagt på et hospital Sygeplejerske kommer med middagsmedicin til patient, som er indlagt på hospitalet Hadal (27.12) Bogga sundhed.dk.waxaad tusaale ahaan ka daabacan kartaaa liiska sugitaanka daaweynta ee cusbitaalada dalka oo dhan. (27.23) Sundhed.dk waa maamulka caafimaadka dowladda ee internetka waana meesha adiga iyo inta kaleba aad toos uga geli kartaan maamulka caafimaad. Boggan waxa aad ka baaran kartaa warbixinada ku saabsan caafimaadka guud ahaan. Ka muwaadin ahaan waxa aad arki kartaa feylalkaaga. Waad geli kartaa xitaa diiwaankaaga dawo, oo tusaale ahaan aad ka arki karto, waraaqaha dawo ee kuu yaala. Qofku waa cusbooneysiisan karaa waraaqaha dawada uu ku iibsado wakhtina waa ka samaysan karaa dhakhaatiirtiisa. (27.57) Bogga Sundhed.dk waxa kuugu jira muwaadin ahaan fursado badan. Warbixinada badankood waa kuwo u furan dadka oo dhan. Laakin adiga kaligaa, ayaa geli kara oo arki kara warbixinada shakhsiyadeed. Taasina waxa ay u baahan tahay nambar sir ah oo shakhsiyadeed. (D)Kalkaalisada oo ku sii jeedda kaameradda (28.26) Marka qofka la dhigo cusbitaalka, waxa la siinayaa sariir iyo miis sariirta ku dhow, oo boos yar leh oo qofka alaabadiisa khaaskau ah uu dhiganayo. Hadal (28.36) Waxa la hadlaya dhakhtar iyo kalkaaliso, marka qofka la seexiyo cusbitaalka. Intaas waxa dheeraad ah waxa laguugu deeqayaa hal ama laba qof oo xiriiriye ah,taas oo ah qeyb ka mid ah daweynta iyo daryeelka inta qofku ku jiro cusbitaalka. Waxa ay kula qorsheynayaan howsha socota waxana ay kaala qeyb qaadanayaan wadahadalada ehelkaaga. (29.01) Qofka kalkaaliyaha ama kalkaalisada ah waxa uu leeyahay waxbarasho heer sare ah. (D) Kalkaalisada oo ku sii jeedda kaameradda (29.06) Waa kalkaalisada, qofka ka mas uulka ah xannaanada bukaanka. Waana kalkaalisada qofka kula soconeyso, oo aad weydiin karto su aalo, haddii aad qabto su aalo ku saabsan dhigitaanka cusbitaalka. Hadal (29.22) Dhakhtarku waa kan, ogaanaya meesha qofka laga hayo, qalaya una sheegaya sida bukaanka loo daaweynayo. Dhakhtarka, kalkaalisada, kalkaaliyeyaasha bulsho iyo caafimaad iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeeya cusbitaalka, dhammaan waxa ay qeyb ka wada yihiin daryeelka bukaanka. (D)Kalkaaliso (29.43) Lena, waxaan kuu keenay daawadaadi maalinta kala badhkeeda aad qaadan laheyd. Waxa ku jira laba Banodil, oo uu kuu qoray dhakhtarku 13

(D)Bukaan (29.50) Mahadsanid Hadal (29.54) Dhakhtarku sida caadiga ah waxa uu qolka cisbitaalka yimaadaa hal mar maalintiiba. Qeybaha cusbitaalkuna waa kala duwan yihiin. Stuegang Sygeplejerske fortæller om besøg på hospitalet, når man er indlagt (D)Kalkaaliso (30.04) Haye, waa kormeerkii dhakhtarka. (R)Bukaan Haye waa hagaag (R)Takhtar (30.08) Maalin wanaagsan. (R)Bukaan Maalin wanaagsan. (R)Takhtar (30.10) Wax xanuun ah miyaa ku haya? (R)Bukaan (30.12) Maya, waa iga tagi rabaa hadda. (R)Takhtar (30.15) Ma jiraa wax matag ahi amama ku hayaa matag? Hadal (30.19) dhakhtarka waxa la socota kalkaaliso, waxana ay haysaa diiwaankaaga, xaaladda caafimad lagu qoray. (R)Takhtar (30.26) Waxa kuu socotaa daaweyntii saxda aheyd. Maanta waxa dhuunta kaaga xiran ayaan kaa fujineynaa. Nabarkuna waxa uu u muuqdaa mid aad u fiican? (D)Kalkaaliso Haa, run ahaanti waa sidaas. (R)Takhtar (30.34) Wanaagsan, marka waxaan ku rejeyneynaa in dhowaan lagaa saaro cusbitaalka. Berrito ama berri dambe ugu dambeyn? Maxaad ka qabtaa arintaa? (R)Bukaan (30.43) Aad bey u fiican tahay. (R)Takhtar Marka waad wargelin kartaa reerka. Hagaag, sidaas iyo maalin wanaagsan. (D)Kalkaalisada oo ku sii jeedda kaamiradda (30.50) Marka qofka la dhigo cusbitaalka waxa uu fursad u heystaa, in reerkiisa iyo saaxibadiis ay soo booqan karaan. Waa muhiim, in la ilaaliyo wakhtiga booqashada, ee cusbitaalku leeyahay. Waana muhim, in la isqeybiyo, si hal mar dad badan u soo booqan. (D)Booqdayaasha (31.07) Maanta waad fiican tahay. 14

(R)Bukaan Haa aad iyo aad. Aad baan u ladanahay. (D)Booqdayaasha (31.11) Haa libis baad afka marsatay (R)Bukaan Haa, haa (D)Booqdayaasha (31.16) maalin walba wax cusub ayaa dhacaya, waxay noqonsaa arin fiican in aad guriga timaado, sidii adiga oo nin cusub ah. (D)Kalkaalisada oo ku sii jeedda kaamiradda (31.21) Iyada oo la tixgeliyano bukaanka oo u baahan nasasho iyo iyadoo la tixgelinayo bukaanada kale ee qolka ku jira, waa mihiim, in wadashaqeyn lala sameeyo shaqaalaha, si loo ogaado qofka qoyska ah ama saaxibada ka mid ah ee la xiriiraya shaqaalaha wixii su aalo ah, si ayna u dhicin in dhammaan dadku ay soo wacaan taleefonka oo u weydiiyaan isla hal su aal. Patient henter mad i buffet på hospitalsafdelingen Patient bliver udskrevet og tager hjem Xuquuq iyo tashiilaad (D)Kalkaaliso (31.44) Lene, maxaad rabtaa inaad cunto, waxaanu heynaa maraq digaag xawaash ku jiro? (D)Kalkaalisada oo ku sii jeedda kaamiradda (31.50) Marka qofka la dhigo cusbitaalka, waxa qofku loogu deeqaa mar walba raashin dhowr jeer maalintiiba. Meelaha qaarkood waa raashin qandaras ku jira, meelaha qaarna waa raashin qofku intuu doono ka soo qaadanayo. Mar walba waxa yaala raashin, daboola baahida qofka. Hadal (32.06) Qofka waa laga saaraa cusbitaalka, marka qaliinka ama daweyntu dhammaato oo dhakhtarkuna sidaa ku qiimeeyo, in qofku caafimaad qabo oo uu tagi karo gurigiisa oo aysan dhaceyn wax dhibaato ah. Qofka dhakhtarkiisu waxa uu helayaa warbixinta waraaqaha cusbitaalka lagaga soo saaray, oo ay ku qoran tahay natiijada baaritaanka, cudurka iyo daweynta. Mararka qaar waa in qofku u soo laabtaa cusbitaalka si loo kontoroolo, ama waxa loo diraa qofka dib-u daweyn ama dib u tababarid. (D) Kalkaalisada (32.38) Nabadgelyo oo mahadsanid waa fiican tahay inaan arko mar kale adigoo ladnaaday. Caafimaad wanaagsan, xasuusana inaad la xiriirto dhakhtarkaaga todobaad kadib. Hadal (32.59) Maamulka caafimaadku wuu weyn yahay sidaas darteed way fiican tahay inaad taqaan xuquuqdaada iyo fursahadaaga ka bukaan ahaan. (33.06) Cusbitaalada waxa jooga qof bukaan hage ah. Bukaan tilmaamuhu waa dhexdhexaad waxana uu kuu tilmaamayaa talono kaa siin karaa xuquuqda daaweynta, wakhtiga sugitaanka, xornimo kala doorashada cusbitaalada,dacwooyinka iyo fursadaha magdhow ee la xiriira 15

daaweynta cusbitaalka sidoo kale wuxuu kaa caawin karaa haddii isfaham darro idin soo kala dhexgasho adiga iyo shaqaalaha caafimaadka. (33.29) Dhammaan meelaha caafimaad waxa aad xaq u leedahay warbixin buuxda oo ku saabsan xaaladdaada caafimaad, ogaanshaha xanuunkaaga iyo fursadaha daweynta, xitaa waxa aad xaq u leedahay inaad ogaato halista iyo dhibaatooyinka iyo saameynta ay samaynayso. Bukaanku waa inuu marka hore dhiibaa ogolaansho, inta aan daaweynta la bilaabin. Ogolaanshu waxa uu noqon karaa mid afka ah, waxana uu noqon karaa mid waraaq ku qoran, oo bukaanku uu saxiixay. Den manuelle journal og den elektroniske journal Patientforeninger Turjubaan Patient får tolkebistand i forbindelse med sit lægebesøg (33.57) Halkan Denmark waxa aad xaq u leedahay in lagu siiyo qoraalka feylkaaga bukaan. Si kale haddii loo dhigo waxa aad heli kartaa nuqul waraaqaha lcaafimaad. Feylku waa waraaqaha shaqo ee dhakhtarka, gudaha, waxana ku qoran dhammaan "taariikhda xanuunkaaga ". Bogga sundhed.dk waxa aad ka arki kartaa feylkaaga, haddii uu kumbiyuutarka ku jiro. Haddii kale waxa aad u tagi kartaa qeybta ama shaqaalaha caafimaadka, ee ku shaqo leh xaaladdaada caafimaad. (34.30) Halkan Denmark waxa ka jira in ka badan 100 ururo bukaanno, oo aad ka heli karto talo bixin iyo jiheyn, haddii aad xanuun joogto ah ama nafsadda halis u ah qabto. Ururada bukaanada waxa aad ka ogaan kartaa fursadaha daaweyneed waxana aad kala kulmeysaa dad qaba cudurkaaga oo kale. Hadaba inta qofku uu og yahay cudurka haya, ayey u fududahay inuu xakameeyo xaaladdiisa oo uu ka dhigo heer fiican. (34.56) Bukaanada, aan ku qanacsaneyn daweynta ay ka heleen xarunta caafimaad, waa ka dacwoon karaan. Dacwada waxa loo diraa qeybta maamulka dacwooyinka bukaanada. Haddii aad dhaawacantay intii lagu daweynayey oo aad dalbaneyso magdhow, waa inaad la xiriirtaa ceymiska bukaanada. Waxa aad talo bixin ku saabsan fursaddaada daweyneed ka heli kartaa tilmaamayaalka bukaan ama maamulka dacwooyinka bukaanada. Hadal (35.29) Haddii qofku aanu si ku filan ugu hadlin luqadda dheenishka, waxa uu qofku, marka la daweynayo, fursad u heystaa inuu helo deeq turjubaan. Dhakhtarka qoyska, dhakhtarka khaaska ama cusbitaalka ayaa go aansanaya bal in muhiim ay tahay in turjubaan joogo xilliga daweynta. Waa bilaash inaad hesho turjubaan sanadada ugu horeeya, ee qofku joogo Denmark. Bukaan Que es lo que tengo? (D)Turjubaan (35.54) Waa maxay waxa i haya? (R)Takhtar (35.56) 16

Waxa ku haya infakshan baa sambabada kaa ah. Turjubaan Hay encontrado una pequeña pulmonia Bukaan Que es lo que tengo que hacer (D)Turjumaan(36.03) Muxuu samey karaa? (R)Takhtar (36.05) Waa inaad qaadataa binisiliin, saddex jeer maalintiiba ilaa hal todobaad. Hadal (36.09) Waa muhiim in la isticmaalo turjubaan xirfad leh oo shaqadiisa ay tahay turjubaanimo, intii tusaale ahaa la isticmaali lahaa qofka qoyskiisa ama carruurtiisa marka dhakhtarka lala joogo (R)Takhtar (36.17) Marka todobaadkani dhammaado, waxa dhici kartaa in aad weli qufacayso. Turjubaan. Hadal (36.27) Waxa dhici kara is-fahamdarro luqadeed, waxa jiri erayo badan oo adag, marka laga hadlayo cudur. Mana hubo, in qofku marka ugu horeysa dalbanayo inuu ka wel-welsiiyo iyo inuu soo geliyo qoyskiisa ka hor intaanu hubin xaaladdiisa. (36.34) Turjubaanku waxa uu, sida dhakhtarka leeyahay xog-dhowrid, taas oo macnaheedu yahay, in wixii la sheegay ay ku ekaadaan adiga, takhtarka iyo turjubaanka. Ka hortagga Patient ønsker at blive vaccineret før udenlandsrejse Takhtar Adio s, nabadeey (R)takhtar (37.00) Waxa jira arrin kale, oo aan rabo inaan kaala hadalno maanta? (R)Bukaan (37.02) Waxaan rabaa inaan u safro Lahore oo Pakistaan ku taal, waxaana doodanayaa in la iga talaalo infakshanka beerka. (R)Takhtar (37.10) Haa Hadal (37.12) Talaalku waa hab looga hortago cudurada. (R)Takhtar (37.15) Waxaa jira noocyo kala duwan oo infakshanka beerka ah, laakin kan ay tahay in la iska talaalo, haddii uu qofku rabo in uu u dhoofo meel fog, magaciisa waxa la yiraahdaa infakshanka beerka A. 17

Forebyggelsestilbud Sundhedsvejleder fortæller om forebyggelsescentre og sundhedscentre og de tilbud, der findes i kommunerne i forbindelse med livsstilssygdomme Borger kommer til sundhedscenter med en henvisning fra hendes læge Sundhedsvejleder har en samtale med borger Hadal (37.29) Laakin waxa jira qaabab kale oo badan oo looga hortago. Sida iyadoo la qaato dawo, fitamiino, minaraalo ama in la qaato deeqaha ka horgtaga ee maamulka caafimaad ee dheenishku uu bixiyo. Waxa ay noqon kartaa deeq sida sawiridda kansarka naasaha iyo kansarka ilmo galeenka waxa kale oo ay noqon kartaa baaritaanka dhakhaatiirka ilkaha, baaritaanka uurka iyo baaritaanada caafimaad ee kale. Waxa ay noqon kartaa mid adag in la fahmo, in qofku qaato dawo ama uu sameeyo wax ka hortag ah, haddii uusan dareemeyn inuu jirran yahay. (38.01) Mid ka mid ah ka hortaga cudurada waa in loo noolaado qaab nololeed caafimaad leh. (D) Tilmaame caafimaad oo ku sii jeeda kaamaradda (38.16) Xarumaha caafimaadka iyo xarumaha ka hortaga ee ku yaal dalka oo dhan waxa ka jira deeqo kaladuwan oo loogu talo galay shacabka qaba xanuunada dhibaateeya nolosha, sida sambab xanuunka weligiis jira, cudurka sonkorta nooca 2aad iyo cudurka wadnaha. Waxa kale oo deeq loo fidinayaa shacabka doonaya ku noolaanshana qaab nolol fiican. Xarumaha caafimaadka waxa ka shaqeeya shaqaale xirfad caafimaad leh, sida talo bixiyeyaal cunto, daliigayaal, kalkaaliyeyaal iyo isku dubariyayaal caafimaad. (38.41) Deeqda xarunta waxa loogu talo galay dadka, aan xanuunsaneyn, si ay u raacaan raacaan tilmaanta daaweyntaa. Waadna iman kartaa adigoo uu ku soo diray dhakhtarkaaga ama cusbitaalku. Qofku toos ayuu xitaa isaga tagi karaa, iyada oo aan meelna laga soo dirin. Hadal(38.59) Dhammaan degmooyinka Denmark ma wada laha xarun caafimaad ama xarun ka hortag. Laakiin deeqo u eg ayaa jira meel walba. Weydii dhakhtarkaaga wiixi talo ah ee arrinkaas ku saabsan. (D) Tilmaame caafimaad (39.09) Waxa isoo gaadhay warqad ka timid dhakhtarkaaga, waxana aan arkaayaa in aad qabto xanuunka sonkorta. Bal xaaladaada ka waran? (D)Shacab (39.14) Waxaan u arkaa inaan aad u fiicanahay, waxa aad iigu adag inaan bilaabo tabobarka iyo jimicsiga. (D) Tilmaame caafimaad (39.22) Marka aad bey u fiican tahay, inaad halkan timaaddo, maxaa yeelay waxa jira waxyaabo aan kaa caawin karo. Maanta waa wada hadal kaliya. Waxaan wax kaaga sheegaayaa deeqaha kala duwan ee aanu halkan ku heyno, waxaan sameyneynaa qorshe. Hadal (39.37) Deeqahu way kala duwan yihiin, Degmooyinkuna sidoo kale, wey ku kala duwan yihiin qiimaha deeqda ay hayaan.weydii ka hor inta aadan bilaabin, si aanu u dhicin wax shaki ah. (D) Tilmaamaha caafimaad oo ku sii jeeda kaameradda (39.51) 18

Mand køber cykel hos cykelhandler og begynder at motionere Dhalista iyo uurka Gravide går tur med nyfødte babyer Gravid kvinde bliver undersøgt af jordemoder Halkan xarunta waxa aad ka heli kartaa caawimaad ku saabsan inaad xakameyso cudurada qaabka nolosha. Waxa aad heleysaa tababar jireed tilmaan cunto, raashin sameyn, waxbarasho ku saabsan cudurkaaga iyo joojinta sigaarka. Howshu waxa ay u dhigantaa qof walba baahidiisa maalin walba. Hadal (40.07) Xarunta waxa loo isticmaali karaa oo kale, haddii qofku u arko in miisaankiisu aad u badan yahay, uu cuno raashin aan caafimaadka u fiicneyn ama uu dareemaayo daal.. (D) Tilmaamaha caafimaad (40.17) Waxaan heynaa tababar, oo laba jeer todobaakiba qofku tababaran la sameyn karo koox iyo 10-12 qof oo kale oo qaba cudurka sonkorta, waana cudur weligii jiraya, taas macnaheedu waa in awooddii jirku kaga qaadan lahaa sonkorta dhiiga ay yaraatay. Waxana ay noqon kartaa wax la kala dhaxlo, laakiin qaabka nolosha uu leeyahay macno aad u weyn. Haddii tusale ahaan qofku heli karo raashin badan oo caafimaad uu bilaabana jimicsi, taasi macno weyn ayey kuu yeelaneysaa adiga. (D) Tilmaame caafimaadoo ku sii jeeda kaameradda (40.46) Sida dadka xanuunka sonkorta qaba oo kale qofku waa iman karaa halkan, haddii qofku qabo cudur kale oo qaabka nolosha dhiba ah, sida dufanka badan ama dhiig karka ama buurnaanta. Sidoo kalena dadka sigaarka cabba. (40.56) Waxa ay noqon kartaa wax aan la keeni karin in la bilaabo in qofku bedelo raashinki uu caadada u lahaa, laakin waa muhiim in talaabo yar la qaado. Tusaale ahaan waxa ay noqon kartaa in shaqada lagu tago baaskiil. Waa muhiim in la bilaabo isbedel yar, si qofku u helo waayo aragnimo wanaagsan iyo guulo yar yar, markaas muddo kadib qofku waxa uu arkayaa, inuu helo awood badan maalin walba, waxana qofku uu helayaa rabitaan inuu wax badan ka qabto naftiisa iyo caafimaadkiisa Hadal (41.40) Si loo siiyo bilow nolol fiican carruurta yar yar, waxa jira deeqo fara badan oo ku saabsan baaritaanka caafimaad iyo talo bixin la siinayo haweenka uurka leh, waalidiinta, carruurta iyo dhallinyarada. Marka aad uur qaado ama aad dooneyso in lagu baaro, bal inaad uur leedahay, waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga qoyska. Takhtarkaaga ayaa kaa qaadaya baaritaan oo kuu diraya umuliso. (D) Umuliso (42.12) Haa, hadda sidan bey noqoneysaa xuduntu, aad bey u fiican tahay. Muddo intee la eg ayaa dareemeysay dhaqdhaqaaq? (D)Uur (42.20) Labo ilaa sadex wiig. Hadal (42.22) 19

Dhakhtarkaaga iyo umulisadaad wey kula soconeyaan inta aad uurka leedahay, waxana ay la soconayaan horumarka ilmaha, taasi ayayna talo kaa siinayaan. (D)Umuliso (42.33) Aad bey u fiican tahay, wayna u dhigantaa todobaadyada uurka. Hadal (42.36) Waa hab la qorsheeyey, oo dhammaan ay raacayaan. (D)Umuliso (42.39) Waxan dhageysanayaa wadnahaa Ann, Dhageyso sida dhawaaqa gudaha uu yahay. Aad ayuu u fiican yahay, si wanaagsan ayuu u garaacayaa. Dhawaaqu wadnuhu waa mid wanaagsan. Kan ayaan halkan saarayaa Ann, si aad adigu u maqashid dhawaaqa. (D)Xaamilada (42.57) Haye. (D)Umuliso (43.03) Halkan. Maxaa yeelay gudahaa ayaa laga soo haraantinayaa, marka dhawaaqo carqalad yar ayaa ku jirto. Hadal (43.15) Waxa jira waxbarasho bilaash ah oo ku saabsan isu diyaarinta dhalmada, oo adiga iyo ninkaagaba idiin diyaarineysa,in qof yari ku soo biirayo qoyska.denmark waa caadi in ay aabayaashu joogaan xilliga dhalmada iyo in inta badan ay u diyaar garoobaan dhalmada. Sundhedsplejerske besøger familie med nylig født baby (43.34) Adiga ayaa go aamin kara meesha aad rabto inaad ku dhashid. Waxa aad dooran kartaa in aad ku dhasho cusbitaal, sheybaar ama guriga. Hadal (42.42) Dhammaan hooyooyinka umulaha ah waxa soo booqda daryeesho caafimaad. (D) Daryeesho caafimaad (43.50) 6.4. iyadu waa 6.4 hadda. Hadal (43.55) Daryeeshada caafimaad waxa ay baratay kalkaalisonimo intaas waxa dheeraad ah oo ay leedahay waxbarasho heer sare ah, oo si khaas ah ugu shaqo leh horumarinta caafimaadka iyo ka hortagga cudurada carruurta yar yar, carruurta iskuulka, qoysaska iyo kooxaha. Kalkaalisada caafimaad waa in ay baadho ilmaha kuna siiso talobixin iyo tusaale. (D) daryeel caafimaad (44.20) Kor hooyada gacmaheeda aaminka ah. Waxa aan dareemaa amni marka hooyadey la joogo. Hadal (44.26) Daryeeshada caafimaad ayaa soo booqata guriga sanadka ugu horeeya ilmaha noloshiisa oo kuna dadaasha, in uu ilmuhu bilaabo bilow fiican. (D) Daryeesho caafimaad (44.36) 20

Carruurta iyo caafimaadka Far er med barn til 1 års undersøgelse hos lægen Børn leger i skoletiden Waxaan u maleynayaa, waa hagaag haddii aad hadda dhar u geliso. Hadal (4.39) Waxa aad ka hadli karkaa mowduuc adiga muhiim kuu ah, haddii uu doono ha noqdo shey jira, sida daryeelka ilmaha iyo raashinka ama su aal ku saabsan wanaagsanaanta qoyska guud ahaan. (D) daryeesho caafimaad (44.52) Luqadda daanishka waxaan ku dhahnaa dhakhso socod bilow. Taasi waa calaamad, aan la arki doonin goor dambe. Marka ay muddo gaarto.. Hadal (45.01) Deeqdu waa bilaash. Sida dadka waaweyn ayey carruurtuna u leeyihiin kaarkooda caafimaadka, oo loo soo qaado xilliga dhakhtarka la geynayo. Hadal (45.15) Shanta sano ee ugu horeysa nolosha ilmaha, ka hor inta ilmuhu uusan bilaabin dugsiga, waxa dhakhtarka qoysku ilmaha loogu deeqaa baaritaano badan oo ka hortag ah. (R)Takhtar (45.28) Waa hagaag inaad timaado maanta,waana arrin ku saabsan baaritaanka 1ka sano. Aabe (45.33) Haa (R)Takhtar (45.35) Waa inaan cabirnaa oo miisaanaa waana inaan maqalnaa ma dhageystaa wax yar, sida ay tahay aan ogaadee Hadal(45.40) dhakhtarku waxa uu baarayaa in ilmuhu horumar u sameynayo sidii loogu talo galay.in ilmuhu korayo,cunteynayo iyo bal inuu hagaagsan yahay guud ahaan. Raacitaanka baaritaanka ka hortagyada waxaad heysataan adiga iyo ilmuhu fursad aad kula kulantaan dhakhtarka oo aad ku abuurtaan xiriir kalsooni, inta ilmuhu caafimaad qabo, ilmuhuna waxa uu helayaa talaalka saxda ah xilliga saxda ah. (R)Takhtar (46.06) Aad ayuu fiican yahay. Hadal (46.10) Talaalku waxa uu ka hortagaa cudurro halis ah iyo kuwo la isqaadsiiyo. Waxa laguugula talinayaa inaad u ogolaato ilmahaaga in la talaalo. Waxa la socda tallaalka saameyn yar, amaba ma jirto, waana bilaash. Haddii ilmaha aan la tallaalin xilliga carruurnimada, waxa ku dhici kara cudurada carruurta. maacaa qofka oo qaangaar ah, taas oo wax aad u xun ah. (46.36) Xilliga dugsiga waxa ilmaha loogu yeerayaa baaritaan ay samaynayso daryeeshada caafimaadka. Xiriirku waxa uu ka koobnaan karaa wadahadal caafimaad, tilmaan caafimaad, waxbarasho, tijaabo arag iyo midab, tijaabo maqal dherer iyo culeys. Wadahadalka caafimaad waxa 21

uu uu ku saabsan yahay, sidee ilmuhu ula kulmaa howl maalmeedkiisa. Dreng til skolepsykolog (R)Cilmu nafsi (47.02) Waxaan ka bilaabi karnaa, inaad hadda magacaaga qorto. Ka bilow meeshan sadarkaan. Hadal (47.09) dugsigu xataa waxa uu la xiran yahay dhakhtar cilmi nafsi, kaas oo caawin kara ilmaha, aan dareemeynin in ay si fiican ula qabsadeen iskoolka ama guriga aan ku fiicneyn. (R)Cilmunafsi (47.17) Fiiri hadda waan geddinayaa, markaas kadibna adigaa isku dayeysid inaad sameysid. Dhakhtarka ilkaha Barn bliver undersøgt hos børnetandlægen Hadal(47.22) dhakhtarka cilminafsiga ee dugsiga ayaa kala hadlaya ilmaha, waalidka iyo macallinka wax ku saabsan,sida lagu xallin karo dhibaatada, si ilmhuha xaaladdiisu u fiicnaato mar kale. (D)Tandlæge (47.35) Waxal lagaaray wakhtigi aad ilkaha iska hubin laheyd. Waxa aad ka bilaabeysaa inaad halkan saarto waraaqdan. Hadal (47.41) Si aad noloshaada oo dhan u heysato ilkahaaga fiican caafimaadkana qaba waa muhiim, in goor hore oo bilowga ahba aad dhowrtid, oo si joogto ahna aad ugu tagto takhtarka ilkaha. (47.54) carruurta oo dhan waxa ay helaan deeq bilaash ah oo ilkaha ah inta ay gaadhayaan 18 sano. Inta badan degmooyinka waxa ay ilmaha ugu yeedhaan baaritaanka ugu horeeya marka ay yihiin inta u dhexeysa 1 ilaa 2 sano. (D)Takhtar ilkaha (48.09) Haa, 6+, 5, 4, +6 Hadal(48.17) Dhakhtarka ilkaha waxa uu ula socdaa ilmaha si joogto ah, waxaan uu kaa talo siin karaa, sida looga hortago dul-duleelada ilkaha iyo sida ay muhim u tahay, inaan la cunin nacnac badan iyo macmacaan. (D)Takhtar ilko (48.29) Wax god ah mal aha. Aad ayaad u fiican yihiin. Saakay subax ma soo cadayatay? (R)Ilmaha (48.33) Haa (D)Takhtar ilkaha (48.34) Haa, waan arkaa, iney fiican yihiin, si wanaagsan ayaad u cadeysata ilkaha horey, laakin meel baa kaa dhimman, muraayadda sidaa u qabo? Wax yar oo dheeraad ah ma isku xiri kartaa, haa, gadaal gey buraashka ilkaha adigoo si wareeg ah u dhaqaajinaya, nadiifi iligta ciridka, kadibna isdhaafsii si dadab ah. Haye, maanta intaas ayey noogu eg 22

tahay, markaa kor u fariiso. Hadal (48.55) Daryeelka ilkaha waa bilaash ilaa ilmuhu ka buuxiyo 18 sano. (D)Takhtar ilkaha(48.59) Markaa waa xilligi abaal marinta. (R)Ilmo (49.02) Dabaaldeg Hadal (49.02) Booqashada dhakhtarka ilkaha waxa ay ka dhacdaa ama sheybaarka ilkaha carruurta ee khaaska ah ee degmeda ama dhakhtar ilkaha oo khaas ah (D)Takhtar ilkaha (49.11) Daawo ilko, waa caqligal. Hadal (49.13) Si aad wax badan daryeelka ilkaha carruurta wax uga qabato, dhakhtarka ilkuhu waxa uu rajeynayaa in carruurtu helaan caadooyin fiicn, oo ay carruurtu heystaan marka ay weynaadaan. Tandlæge tager billede af kvindes visdomstænder Kvinde betaler for sit tandlægebesøg Goorma ayuu qofku xanuunsanayaa? Borger i gang med motion i forebyggelsescentret (D)Takhtar ilkaha(49.23) Waxan kaa qaadaa hal sawir kamaraddan yar. Waxa ka muuqada iyo hilibka iliga ku yaal kor iyo iney dooneyso horey dabeda ugu soo baxdo afkaaga gudihiisa. Hadal (49.34) Dadka waaweyn wax ay inta badan doortaan hal takhtar ilkood oo joogto ah, oo sanadkii hal mar ama inka badan u yeedha, haddii loo baahdo. Haddii qofku uusan iman karin ballanta, waa inuu xasuustaa in uu baajiyo. (49.49) Dadka waaweyn waa in ay iyagu iska bixiyaan kharashka dhakhtarka ilkaha. Qofku waxa uu ka helaa oo kaliya wax yar oo kabid ah ceymiska xanuunada. (D)La taliye Caafimaad (50.04) Haye, iska waran? (D)Shacab (50.05) Haa, aad baan u fiicanahay. (D) La taliye caafimaad (50.08) Haa si kastaba ha ahaatee, way fiican tahay. (D)Shacab (50.10) waxoogaa way adag tahay. Hadal (50.14) In qofku xanuunsan yahay oo u baahan yahay daaweyn wey adag tahay in la go aamiyo. Qofka ayaa kaligii ka warhayn kara oo caafimaadkiisa wax ka sheegi kara. 23

(D) La taliye caafimaad (50.27) Nasiib wanaagsan. (D)Shacab haa waad mahadsan tahay (D) La taliye caafimaad (50.29) Waxa ay u muuqataa mid fiican. (D)Shacab Mahadsanid Nidaamka caafimaadka ee dheenishka Christiansborg og andre offentlige bygninger Grafisk illustration af regionerne Genoptræning efter knæoperation Hadal (50.34) Hadba inta aad deg-deg laguugu bilaabo daweyn, ayaad fursad weyn u heysataa caafimaad degdeg ah iyo nolol caafimaad. Hadal (51.14) Howlaha Maamulka caafimaad waa kuwo badan waxaana ku baxa lacag badan. Howlaha waxa loo qeybiyey qaranka, gobolada iyo degmooyinka. Qeyb ka mid ah canshuurta aan ku bixino qaranka iyo degmooyinka, waxa loo isticmaalaa maamulka caafimaad ee dowladda. (51.30) Qaranka, yacni dowladda iyo baarlamanka ayaa xil ka saaran yahay sharci u sameynta iyo sameynta waddooyinka la marayo oo hadafka siyaasadda cafimaad guud ee dalka Denmark. Wasaarada ayaa ku shaqo leh oo qabata howshaas caafimaadka iyo cudurada. (51.47) Wasaaradda waxa hoos taga golayaal fara badan. Tusaale golaha caafimaadka, oo howshiisu ay tahay inu nidaamka daweynta iyo ka hortaga uu sameeyo iyo inuu talo ka siiyo dadka iyo siyaasiyiinta.maamulka dawooyinka howshiisu waa dawooyinka. Machadka qaranka howshiisuna waa ka hortagga iyo la dagaalanka cudurada faafa waxa ka mid ah talaalada. (52.12) Denmark waxa loo qeybiyey shan gobol. Sanad walba qaranku waxa uu siiyaa lacag joogt ah gobol kasta. Howasha ugu weyn ee gobolka waa inuu socodsiiyo cusbitaalada iyo inuu bixiyo kharashka si shacabku ay u isticmaalaan dhakhaatiirta khaaska ah. (52.32) Gobolku waxa uu bixiyaa sidoo kale kaalmada daawo waxana uu wax ku bixiyaa shacabka xanuunsan sidii ay ku heli lahaayeen nolol fiican inkastoo ay cuduro qabaan. (52.42) Degmadu iyada ayaa ka mas uul ah ka hortagga cudurada shacabka caadiga ah. Yacni, waa in ay caawiyaan shacabkooda si ay ugu noolaadaan nolol ka caafimaad badan, tusaale ahaan waa in ay ugu deeqaan booqasho guri oo daryeesho caafimaaddu sameyso, fursado jimicsi iyo warbixin raashin. (53.08) Degmada waxa sidoo kale xil ka saaran yahay dib u tababaridda bukaanada, kadib marka laga soo saaro cusbitaalka. 24